SHARCIGA KUNOQO Chapter 11

For English

Read SHARCIGA KUNOQO Chapter 11 Online

Read SHARCIGA KUNOQO Chapter 11 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SHARCIGA KUNOQO in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SHARCIGA KUNOQO and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

SHARCIGA KUNOQO 11

Cutub 11

1. Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad jeclaataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waa inaad had iyo goor dhawrtaan waxa loo dhawri lahaa, iyo qaynuunnadiisa, iyo xukummadiisa iyo amarradiisaba.

2. Oo bal idinku maanta ogaada, waayo, la hadli maayo carruurtiinnii aan aqoon oo aan arkin Rabbiga Ilaahiinna ah edbintiisa, iyo weynaantiisa, iyo gacantiisa xoogga badan, iyo cududdiisa fidsan,

3. iyo calaamooyinkiisa, iyo shuqulladiisii uu ku dhex sameeyey Masar oo uu ku sameeyey boqorkii Masar oo Fircoon ahaa iyo dalkiisii oo dhan,

4. iyo wixii uu ku sameeyey ciidankii Masar, iyo fardahoodii, iyo gaadhifardoodkoodii, iyo siduu iyaga ugu qarqiyey biyihii Badda Cas markay idin eryadeen, iyo siduu Rabbigu iyagii u baabbi'iyey ilamaa maantadan la joogo,

5. iyo wixii uu idinku sameeyey, markaad cidladii joogtay jeeraad meeshan timaadeen,

6. iyo wixii uu reer binu Israa'iil oo dhan dhexdooda kaga sameeyey Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab oo ahaa reer Ruubeen, iyo sidii ciiddu afkeeda u kala qaadday oo ay u liqday iyagii, iyo reerahoodii, iyo teendhooyinkoodii, iyo wax alla wixii noolaa oo iyaga raacay,

7. laakiinse idinka indhihiinnu way arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu sameeyey oo dhan.

8. Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan si aad u xoogaysataan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan,

9. iyo in cimrigiinnu ku dheeraado dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin inuu siinayo iyaga iyo farcankooda, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

10. Maxaa yeelay, dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan ma aha sidii dalkii Masar oo aad ka soo baxdeen ee aad abuurkiinna ku abuurteen oo aad cagihiinna ku waraabiseen sidii beer khudaareed,

11. laakiinse dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan waa dal leh buuro iyo dooxooyin, oo wuxuu biyaha ka cabbaa roobka samada,

12. oo waa dal Rabbiga Ilaahiinna ahu uu xannaaneeyo, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah indhihiisa ayaa fiiriya tan iyo sannadda bilowgeeda iyo xataa sannadda dabaadigeeda.

13. Oo haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad isaga ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan,

14. de markaas dalkiinna roobka waxaan siin doonaa xilligiisa kaas oo ah roobka hore iyo roobka dambe, inaad soo urursataan hadhuudhkiinna, iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna.

15. Oo berrimmadiinnana waxaan ka buuxin doonaa doog ay xoolihiinnu daaqaan, oo idinkuna wax baad cuni doontaan, waadna dhergi doontaan.

16. Haddaba digtoonaada, waaba intaasoo uu qalbigiinnu idin khiyaaneeyaa, oo aad gees u leexataan oo ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,

17. oo markaas cadhada Rabbigu idinku kululaataa, oo uu samada idinka xidhaa, si aad roob u weydaan, oo uu dhulku midho soo bixin waayo, oo aad haddiiba uga baabba'daan dalka wanaagsan oo Rabbigu idin siinayo.

18. Haddaba erayadaydan waa inaad gelisaan qalbigiinna iyo naftiinna, oo waa inaad calaamad ahaan gacanta ugu xidhataan, waxayna idiin ahaan doonaan wax indhihiinna dhexdooda ka laalaada.

19. Oo waa inaad iyaga carruurtiinna bartaan, idinkoo ku sheekaysta markaad gurigiinna dhex fadhidaan, iyo markaad jidka martaan, iyo markaad jiiftaan, iyo markaad sara joogtaanba.

20. Oo waa inaad iyaga ku qortaan tiirarka albaabka gurigiinna iyo irdihiinnaba,

21. in cimrigiinna iyo cimriga carruurtiinnuba uu dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin ugu dheeraado sida cimriga samooyinka dhulka ka sarreeya.

22. Maxaa yeelay, haddaad aad u xajisaan kulli amarkan aan idinku amrayo oo dhan inaad yeeshaan, kaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa oo dhan ku socotaan, oo aad isaga ku hadhaan,

23. markaasuu Rabbigu hortiinna ka wada eryi doonaa quruumahaas oo dhan, oo waxaad hantiyi doontaan quruumo idinka badan oo idinka xoog weyn.

24. Oo meel kasta oo aad cagta dhigtaanba idinkaa iska yeelan doona, tan iyo cidlada iyo ilaa Lubnaan iyo ilaa webiga, kaasoo ah Webi Yufraad, iyo xataa ilaa badda galbeed.

25. Oo ninnaba ma awoodi doono inuu idin hor istaago, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dalkii aad cag marin doontaan oo dhan saari doonaa cabsidiinna iyo naxdintiinna, siduu idiin sheegay.

26. Bal eega, maanta waxaan idin hor dhigayaa barako iyo habaar,

27. barakada waxaad helaysaan haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo,

28. habaarkuna wuxuu idinku dhacayaa haddaydnan dhegaysan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiin aad gees uga leexataan jidka aan maanta idinku amrayo, oo aad ilaahyo kale oo aydnan aqoon raacdaan.

29. Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan, barakada waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Gerisiim, habaarkana waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Ceebaal.

30. War sow iyagu kama shisheeyaan Webi Urdun xagga jidka dambe oo qorrax-u-dhaca, oo ah dalka reer Kancaanka Caraabaah deggan, oo ka soo hor jeedda Gilgaal, oo ku dhinac yaal geedaha Moreh?

31. Waayo, waxaad ka gudubtaan Webi Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waadna hantiyi doontaan oo dhex degi doontaan.

32. Oo waa inaad dhawrtaan oo wada yeeshaan qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idin hor dhigayo oo dhan.

About SHARCIGA KUNOQO Chapter 11

Read SHARCIGA KUNOQO Chapter 11 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SHARCIGA KUNOQO in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: SHARCIGA KUNOQO
Chapter: 11
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SHARCIGA KUNOQO. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading SHARCIGA KUNOQO Chapter 11 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is SHARCIGA KUNOQO Chapter 11?

SHARCIGA KUNOQO Chapter 11 is part of the Book of SHARCIGA KUNOQO in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete SHARCIGA KUNOQO Chapter 11 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Sharciga Kunoqo

  1. SHARCIGA KUNOQO Chapter 18
  2. SHARCIGA KUNOQO Chapter 10
  3. SHARCIGA KUNOQO Chapter 3
  4. SHARCIGA KUNOQO Chapter 8
  5. SHARCIGA KUNOQO Chapter 25
  6. SHARCIGA KUNOQO Chapter 21
  7. SHARCIGA KUNOQO Chapter 34

Related Chapters & Readings

  1. FALIMAHA RASUUL Chapter 18
  2. SHARCIGA KUNOQO Chapter 15
  3. MARKOS Chapter 6
  4. BILOWGII Chapter 14
  5. ISHACYAAH Chapter 1
  6. YEREMYAAH Chapter 8
  7. MATAYOS Chapter 5
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *