ROOMA Chapter 9

For English

Read ROOMA Chapter 9 Online

Read ROOMA Chapter 9 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ROOMA in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of ROOMA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

ROOMA 9

Cutub 9

1. Runtaan ku sheegayaa Masiixa, oo been sheegi maayo, qalbigayguna marag buu iigu furayaa Ruuxa Quduuskaa

2. in caloolxumo weyn iyo xanuun aan joogsanaynin ay ku jiraan qalbigayga.

3. Waayo, waxaan jeclaan lahaa inaan aniga qudhaydu ka inkaarnaado Masiixa walaalahay aawadood oo ah xigaalkayga aannu isku jidhka nahay,

4. kuwa ah reer binu Israa'iil, oo leh carruur-ka-dhigidda, iyo ammaanta, iyo axdiyada, iyo sharciga siintiisa, iyo u-adeegidda Ilaah, iyo ballamada,

5. kuwa awowayaasha leh, oo xagga jidhka Masiixu ka yimid iyaga, kan wax walba ka sarreeya oo ah Ilaah ammaanta leh weligiis. Aamiin.

6. Laakiin mana aha sidii iyadoo ereygii Ilaah dhacay. Waayo, kuwa Israa'iil ka dhashay kulligood reer binu Israa'iil ma wada aha.

7. Farcankii Ibraahim oo ay yihiin aawadeed kulligood carruur kuma wada aha, laakiin waxaa la yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.

8. Taas waxaa weeyaan, inaan carruurta jidhku ahayn carruurta Ilaah, laakiin carruurtii loo ballanqaaday ayaa farcan lagu tiriyaa.

9. Waayo, kanu waa hadal ballan ah, Wakhtigan oo kale ayaan kuu iman doonaa, oo Saarah waxay dhali doontaa wiil.

10. Oo taas oo keliyana ma ahee, laakiin Rebeqahna mid bay u uuraysatay, kaas oo ahaa aabbeheen Isxaaq.

11. Waayo, carruurta oo aan weli dhalan oo aan weli samayn wanaag iyo xumaan midna, in qasdiga Ilaah doorashada ku istaago, oo uusan ahaan xagga shuqullada, laakiin xagga kii dadka u yeedha,

12. waxaa iyada lagu yidhi, Kan weynu wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar.

13. Sida qoran, Yacquub waan jeclaaday, Ceesawse waan necbaaday.

14. Maxaan nidhaahnaa haddaba? Ma xaqdarro baa Ilaah la jirta? Ma suurtowdo!

15. Waayo, wuxuu Muuse ku yidhi, Waan u naxariisan doonaa kii aan u naxariisto, waanan u nixi doonaa, kii aan u naxo.

16. Sidaas daraaddeed xagga kan doonaya ma aha, xagga kan ordana ma aha, laakiinse waa xagga Ilaaha naxariista leh.

17. Waayo, Qorniinku wuxuu Fircoon ku leeyahay, Tan daraaddeed baan kuu sara kiciyey inaan xooggayga adiga kaa dhex muujiyo iyo in magacayga dhulka oo dhan lagu faafiyo.

18. Haddaba kuu doonayo wuu u naxariistaa, kuu doonayona qalbigiisuu engejiyaa.

19. Waxaad igu odhan doontaa, Muxuu weli ii eedaynayaa? Waayo, yaa doonistiisa ka gees noqda?

20. Laakiinse, nin yahow, kumaad tahay kaaga Ilaah u jawaabayow? Wixii la sameeyey miyey kii sameeyey ku odhan doonaan, Maaxad sidan noogu samaysay?

21. Dheriyasameeyuhu miyuusan lahayn amar uu ugu taliyo dhoobada inuu fud keliya in ka sameeyo weel cisa leh, inta kalena mid aan cisa lahayn?

22. Bal maxay la tahay Ilaah haddii, isagoo doonaya inuu cadhadiisa muujiyo oo xooggiisa dadka ogeysiiyo, uu samir badan ugu dulqaatay weelasha cadhada oo loo diyaariyey baabbi'idda,

23. iyo inuu hodantinimadii ammaantiisa ogeysiiyo weelasha naxariista oo uu hore ugu diyaariyey ammaanta,

24. xataa kuweenna uu u yeedhay oo uusan uga yeedhin Yuhuudda oo keliya laakiinse uu uga yeedhay quruumaha kalena?

25. Siduu Hooseeca ka dhex yidhi, Kuwo aan dadkaygii ahayn ayaan u bixin doonaa, Dadkayga, Tu aan ahayn gacalisadaydiina waxaan u bixin doonaa, Gacaliso.

26. Oo waxay noqon doontaa, meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ihidin, Meeshaas waxaa looga bixin doonaa, Carruurtii Ilaaha nool.

27. Oo Isayos wuxuu ku qayliyey wax Israa'iil ku saabsan isagoo leh, In kastoo tirada reer binu Israa'iil noqoto sida cammuudda badda, intii hadhay waa badbaadi doontaa,

28. waayo, Rabbigu hadalkiisa dhulkuu ku samayn doonaa, isagoo dhammaystiraya oo soo gaabinaya,

29. oo sidii Isayos hore u yidhi, Haddaan Rabbigii Saba'ood farcan inoo reebin, Sidii Sodom baan noqon lahayn, oo sidii Gomora baa laynaga dhigi lahaa.

30. Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo;

31. laakiin reer binu Israa'iil iyagoo raaca sharciga xaqnimada, sharcigaas ma ay gaadhin.

32. Tan sababteedu waa maxay? Maxaa yeelay, rumaysad kuma ay doondoonin, shuqullada samayntooda mooyaane. Waxay ku turunturoodeen dhagaxii turunturada;

33. sida qoran, Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax lagu turunturoodo oo ah sallax lagu xumaado; Oo kii rumaysta isaga ma ceeboobi doono.

About ROOMA Chapter 9

Read ROOMA Chapter 9 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ROOMA in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: ROOMA
Chapter: 9
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading ROOMA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading ROOMA Chapter 9 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is ROOMA Chapter 9?

ROOMA Chapter 9 is part of the Book of ROOMA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete ROOMA Chapter 9 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdiga Cusub

  1. MATAYOS Chapter 1
  2. MATAYOS Chapter 5
  3. MATAYOS Chapter 16
  4. MATAYOS Chapter 6
  5. MATAYOS Chapter 10
  6. MATAYOS Chapter 15
  7. MATAYOS Chapter 14

Explore More from rooma

  1. ROOMA Chapter 6
  2. ROOMA Chapter 13
  3. ROOMA Chapter 7
  4. ROOMA Chapter 10
  5. ROOMA Chapter 14
  6. ROOMA Chapter 11
  7. ROOMA Chapter 1

Related Chapters & Readings

  1. AYUUB Chapter 41
  2. SABUURRADII Chapter 17
  3. FALIMAHA RASUUL Chapter 19
  4. MATAYOS Chapter 22
  5. SABUURRADII Chapter 19
  6. AYUUB Chapter 32
  7. BOQORRADII KOWA Chapter 4
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *