ROOMA Chapter 5

For English

Read ROOMA Chapter 5 Online

Read ROOMA Chapter 5 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ROOMA in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of ROOMA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

ROOMA 5

Cutub 5

1. Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix;

2. kan xaggiisa aynu rumaysad ku galnay nimcadan aynu dhex taagan nahay, oo waxaynu ku faraxnaa rajada ammaanta Ilaah.

3. Oo taas oo keliya ma aha, laakiinse waxaynu ku faraxnaa dhibaatooyinkeenna, innagoo og in dhibaatadu dulqaadasho keento;

4. dulqaadashaduna aqoon dheer, aqoonta dheeruna rajo;

5. rajaduna inama ceebayso, maxaa yeelay, jacaylka Ilaah baa qalbiyadeenna ku dhex shubmay, oo waxaa ku shubay Ruuxa Quduuska ah oo layna siiyey.

6. Waayo, innagoo weli itaaldaran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuwa aan cibaadada lahayn.

7. Mar dhif ah mid waa u dhintaa nin xaq ah, mindhaase qof waa ku dhici lahaa inuu nin wanaagsan u dhinto.

8. Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.

9. Haddaba haddaynu haatan dhiiggiisa xaq ku noqonnay, de si ka badanna isagaynu kaga badbaadi doonnaa cadhada Ilaah.

10. Waayo, haddii, intaynu col la ahayn, Ilaah inagula heshiiyey dhimashadii Wiilkiisa, de si ka badanna, innagoo la heshiis ah, ayaynu ku badbaadi doonnaa noloshiisa,

11. oo taas oo keliyana ma ahaane, weliba waxaynu ku faraxnaa Ilaah xagga Rabbigeenna Ciise Masiix, kan aynu haatan heshiiska ku helnay.

12. Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay;

13. waayo, dembigu duniduu ku jiray intaan sharcigu iman, laakiin dembi lama tiriyo markii aan sharci jirin.

14. Habase ahaatee waagii Aadan ilaa Muuse dhimashadu waxay u talisay xataa kuwii aan u dembaabin sidii xadgudubkii Aadan kan ah masaalka kan iman lahaa.

15. Hadiyaddu ma aha sida dembiga, waayo, haddii nin keliya dembigiis kuwa badanu u dhinteen, de in ka sii badan waxaa kuwa badan u badatay nimcada Ilaah iyo hadiyadda nin nimcadiis ku timid, kan ah Ciise Masiix.

16. Hadiyaddu ma aha sida mid qof dembaabay ku timid, waayo, mid xukunkiis wuxuu keenay ciqaab, laakiin hadiyaddu waxay dembiyo badan ugu timid inay xaq ka dhigto kuwo badan.

17. Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix.

18. Haddaba dembiga nin keliya aawadiis waxaa dadka oo dhan ugu yimid xukun, sidaas oo kalena nin keliya xaqnimaduu sameeyey aawadeed waxaa dadka oo dhan ugu timid hadiyad in xaq laga dhigo oo ay noolaadaan.

19. Waayo, sida nin keliya caasinimadiisii kuwa badan dembilayaal looga dhigay, sidaas oo kalena nin keliya addeeciddiis ayaa kuwa badan xaq looga dhigi doonaa.

20. Sharciguna wuxuu u yimid inuu dembigu bato, laakiinse meeshii dembigu ku batay, nimcaduna way ka sii badatay aad iyo aad;

21. in, sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix.

About ROOMA Chapter 5

Read ROOMA Chapter 5 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ROOMA in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: ROOMA
Chapter: 5
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading ROOMA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading ROOMA Chapter 5 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is ROOMA Chapter 5?

ROOMA Chapter 5 is part of the Book of ROOMA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete ROOMA Chapter 5 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdiga Cusub

  1. MATAYOS Chapter 1
  2. MATAYOS Chapter 5
  3. MATAYOS Chapter 16
  4. MATAYOS Chapter 6
  5. MATAYOS Chapter 10
  6. MATAYOS Chapter 15
  7. MATAYOS Chapter 14

Explore More from rooma

  1. ROOMA Chapter 3
  2. ROOMA Chapter 7
  3. ROOMA Chapter 14
  4. ROOMA Chapter 2
  5. ROOMA Chapter 1
  6. ROOMA Chapter 11
  7. ROOMA Chapter 10

Related Chapters & Readings

  1. COBADYAAH Chapter 1
  2. TIRINTII Chapter 35
  3. FALIMAHA RASUUL Chapter 9
  4. TAARIIKHDII LAB Chapter 12
  5. SAMUU’EEL LABAA Chapter 14
  6. 2 TIMOTEYOS Chapter 2
  7. 1 BUTROS Chapter 5
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *