ROOMA Chapter 12

For English

Read ROOMA Chapter 12 Online

Read ROOMA Chapter 12 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ROOMA in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of ROOMA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

ROOMA 12

Cutub 12

1. Haddaba, walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiinna Ilaah u siisaan sida allabari nool oo quduus ah oo Ilaah ku farxo, waana cibaadaysigiinna caqliga leh.

2. Ha u ekaanina dadka ifkan, laakiinse ku beddelma cusboonaanta maankiinna inaad hubsataan waxa ay tahay doonista Ilaah oo wanaagsan oo isagu ku farxo oo kaamilka ah.

3. Waayo, nimcadii lay siiyey ayaan ku hadlayaa, waxaan ku leeyahay, Mid kasta oo idinka mid ah, yuusan isderejayn intuu isderejayn lahaa in ka badan, laakiinse miyirqab ha ku fikiro, sida Ilaah mid kasta u siiyey qayb rumaysad ah.

4. Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn,

5. sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.

6. Innagoo haysanna hadiyado ku kala duwan nimcadii layna siiyey, hadday tahay wax sii sheegid, aan wax ku sii sheegno sida qaybta rumaysadkeenna.

7. Ama hadday tahay adeegid, aan aad u adeegno; kii wax baraana, si fiican wax ha u baro;

8. kii wax waaniyaana, si fiican wax ha u waaniyo; kii wax bixiyaana, deeqsinimo wax ha u bixiyo; kii wax u taliyaana, dadaal wax ha ugu taliyo; kii wax u naxariistaana, farxad wax ha ugu naxariisto.

9. Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada.

10. Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo.

11. Dadaalka ha ka caajisina, ruuxa ku kululaada, oo Rabbiga u adeega.

12. Rajada ku farxa, dhibta u dulqaata, tukashada wadiddeeda ku sii adkaysta,

13. oo ku caawiya waxa quduusiintu u baahan yihiin, oo shisheeyaha martiggeliya.

14. U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.

15. La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya.

16. Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina.

17. Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa.

18. Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan.

19. Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay.

20. Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah.

21. Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.

About ROOMA Chapter 12

Read ROOMA Chapter 12 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ROOMA in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: ROOMA
Chapter: 12
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading ROOMA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading ROOMA Chapter 12 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is ROOMA Chapter 12?

ROOMA Chapter 12 is part of the Book of ROOMA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete ROOMA Chapter 12 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdiga Cusub

  1. MARKOS Chapter 5
  2. MARKOS Chapter 1
  3. MARKOS Chapter 2
  4. MARKOS Chapter 15
  5. MARKOS Chapter 12
  6. MARKOS Chapter 10
  7. MARKOS Chapter 4

Explore More from rooma

  1. ROOMA Chapter 10
  2. ROOMA Chapter 1
  3. ROOMA Chapter 5
  4. ROOMA Chapter 9
  5. ROOMA Chapter 2
  6. ROOMA Chapter 7
  7. ROOMA Chapter 15

Related Chapters & Readings

  1. LAAWIYIINTII Chapter 19
  2. LAAWIYIINTII Chapter 11
  3. BILOWGII Chapter 40
  4. SHARCIGA KUNOQO Chapter 17
  5. SHARCIGA KUNOQO Chapter 22
  6. ROOMA Chapter 16
  7. NAXUUM Chapter 1
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *