ROOMA Chapter 3

For English

Read ROOMA Chapter 3 Online

Read ROOMA Chapter 3 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ROOMA in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of ROOMA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

ROOMA 3

Cutub 3

1. Haddaba maxay Yuhuuddu dadka kale dhaantaa? Ama gudniinta waxtarkeedu waa maxay?

2. Si walba wuu u badan yahay; marka hore waxaa Yuhuudda lagu ammaaneeyey hadallada Ilaah.

3. Haddaba, maxaa jira, haddii qaar aanay rumaysad lahayn? Rumaysaddarradoodu miyey Ilaah aaminnimadiisa burin doontaa?

4. Ma suurtowdo! Ilaah runlow ha ahaado in kastoo nin waluba beenlow yahay, sida qoran, In xaq lagaaga dhigo hadalladaada, Oo aad libaantid markii lagu xukumo.

5. Laakiin haddii xaqnimola'aanteennu muujiso xaqnimada Ilaah, maxaynu odhan doonnaa? Ma xaq daranyahay Ilaaha cadhada soo dejiyaa? (Sida dad baan u hadlayaa.)

6. Ma suurtowdo! Hadduu xaq daranyahay, sidee baa Ilaah dunida u xukumi doonaa?

7. Runta Ilaah hadday beentayda ugu badatay ammaantiisa, de maxaa aniga haddana weli la iigu xukumaa sida mid dembi leh?

8. Maxaannu u odhan weynaa, Shar aan samayno in wanaag yimaado? sida lanoo hafro oo ay qaar naga sheegaan sidii annagoo nidhaahna. Xukunka ay kuwaasu helaan waa xaq.

9. Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan.

10. Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba;

11. Mid wax garanayaa ma jiro; Mid Ilaah doondoonaa ma jiro;

12. Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, waxay wada noqdeen wax aan wax tar lahayn; Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba;

13. Hungurigoodu waa xabaal furan; Carrabbadooda wax bay ku khiyaaneeyeen; Bushimahooda waxaa ku hoos jira sun jilbis;

14. Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh;

15. Cagahoodu waxay u dheereeyaan inay dhiig daadiyaan;

16. Jidadkooda waxaa yaal hoog iyo ba';

17. Jidka nabaddana ma yaqaaniin;

18. Cabsida Ilaahna indhahooda ma hor taal.

19. Waannu og nahay in wax alla wixii sharcigu yidhaahdo, uu ku leeyahay kuwa sharciga ku hoos jira, in af kasta la xidho, oo dunida oo dhammu ay Ilaah ku hor gar darnaato.

20. Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.

21. Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii,

22. waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh.

23. Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah;

24. iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay,

25. kan Ilaah u soo bixiyey inuu dhiiggiisa kafaaraggud ku noqdo xagga rumaysadka la rumaystay dhiiggiisa aawadiis, inuu xaqnimadiisa ku muujiyo dembidhaafka uu dembiyadii hore loo sameeyey ku dhaafay samirkii Ilaah;

26. waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan.

27. Haddaba faankii meeh? Waa reebban yahay. Sharci caynkee ah buu ku hadhay? Ma xagga shuqulladaa? Maya; laakiinse wuxuu ku hadhay sharciga rumaysadka.

28. Sidaas daraaddeed waxaannu ku tirinnaa in nin xaq ku noqdo rumaysadka ee uusan xaq ku noqon shuqullada sharciga.

29. Ama Ilaah ma Ilaaha Yuhuudda oo keliya baa? Miyuusan ahayn kan quruumaha kalena? Haah, waa yahay kan quruumaha kalena,

30. hadday tahay in Ilaah mid keliya yahay oo uu kuwa gudan xaq kaga dhigi doono rumaysadka, kuwa buuryoqabka ahna rumaysadka.

31. De miyaannu haddaba sharciga ku burinnaa rumaysadka? Yaanay noqon! Laakiin sharciga waannu taagnaa.

About ROOMA Chapter 3

Read ROOMA Chapter 3 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ROOMA in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: ROOMA
Chapter: 3
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading ROOMA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading ROOMA Chapter 3 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is ROOMA Chapter 3?

ROOMA Chapter 3 is part of the Book of ROOMA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete ROOMA Chapter 3 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdiga Cusub

  1. MATAYOS Chapter 1
  2. MATAYOS Chapter 16
  3. MATAYOS Chapter 5
  4. MATAYOS Chapter 10
  5. MATAYOS Chapter 6
  6. MATAYOS Chapter 15
  7. MATAYOS Chapter 14

Explore More from rooma

  1. ROOMA Chapter 9
  2. ROOMA Chapter 14
  3. ROOMA Chapter 2
  4. ROOMA Chapter 11
  5. ROOMA Chapter 7
  6. ROOMA Chapter 10
  7. ROOMA Chapter 1

Related Chapters & Readings

  1. 1 YOOXANAA Chapter 4
  2. YEREMYAAH Chapter 3
  3. MARKOS Chapter 2
  4. TAARIIKHDII LAB Chapter 18
  5. YEREMYAAH Chapter 32
  6. YOONIS Chapter 1
  7. ESTEER Chapter 7
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *