Read ROOMA Chapter 16 Online
Read ROOMA Chapter 16 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ROOMA in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of ROOMA and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
ROOMA 16
Cutub 16
1. Waxaan idin barayaa walaasheen Foybi oo ah mid u adeegta kiniisadda ku taal Kenekhreya,
2. inaad iyada ku dhowaysaan Rabbiga, sida quduusiinta u eg, oo aad ku caawintaan wax kasta oo ay idiinka baahan tahay, waayo, iyaduba kuwa badan bay caawintay iyo xataa aniga qudhayda.
3. Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix,
4. oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahadnaqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahadnaqayaan.
5. Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa.
6. Maryanna igu salaama, tan aad idiinku dadaashay.
7. Igu salaama Andaronikos iyo Yuniyas oo xigaalkayga ah oo layla xidhay, kuwa caanka ku ah rasuullada dhexdooda, kuwa hortayna Masiixa ku jiray.
8. Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama.
9. Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama.
10. Abellees kan Masiixu u bogayna igu salaama. Kuwa reer Aristobulosna igu salaama.
11. Xigaalkay Herodiyosna igu salaama. Iguna salaama kuwa reer Narkisos oo Rabbiga ku jira.
12. Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama.
13. Igu salaama Rufus kan Rabbigu doortay iyo hooyadiis oo hooyaday oo kale ah.
14. Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga.
15. Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan.
16. Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.
17. Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga.
18. Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan, laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta.
19. Warkii addeeciddiinnu wuxuu gaadhay dadka oo dhan. Sidaas daraaddeed aad baan idiinku faraxsanahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad garaad u lahaataan waxa wanaagsan, oo aad ka eedla'aataan waxa sharka ah.
20. Oo Ilaaha nabaddu Shayddaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.
21. Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.
22. Anigoo Tertiyos ah oo warqaddan qoray, Rabbigaan idinku salaamayaa.
23. Gayos, oo aniga iyo kiniisadda oo dhammuba aannu marti u nahay, wuu idin soo salaamayaa. Erastos oo ah qasnajiga magaalada, iyo walaalkeen Kowartos way idin soo salaamayaan.
24. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.
25. Haddaba ammaanu ha u ahaato kan kara inuu idinku xoogeeyo injiilkayga iyo wacdiga ku saabsan Ciise Masiix iyo muujinta qarsoodiga oo qarsoonaa tan iyo weligiis,
26. laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka.
27. Ilaaha keligiis ah oo xigmadda leh, Ciise Masiix ammaanu ha ugu ahaato weligiis. Aamiin.
About ROOMA Chapter 16
Read ROOMA Chapter 16 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ROOMA in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: ROOMA
Chapter: 16
Testament: New Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading ROOMA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading ROOMA Chapter 16 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is ROOMA Chapter 16?
ROOMA Chapter 16 is part of the Book of ROOMA in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete ROOMA Chapter 16 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdiga Cusub
- MATAYOS Chapter 1
- MATAYOS Chapter 5
- MATAYOS Chapter 16
- MATAYOS Chapter 6
- MATAYOS Chapter 15
- MATAYOS Chapter 14
- MATAYOS Chapter 12
Explore More from rooma
- ROOMA Chapter 13
- ROOMA Chapter 12
- ROOMA Chapter 5
- ROOMA Chapter 14
- ROOMA Chapter 8
- ROOMA Chapter 2
- ROOMA Chapter 4