BILOWGII Chapter 12

For English

Read BILOWGII Chapter 12 Online

Read BILOWGII Chapter 12 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BILOWGII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of BILOWGII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

BILOWGII 12

Cutub 12

1. Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac.

2. Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako;

3. oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan.

4. Markaasaa Aabraam tegey, sidii Rabbigu ku yidhi; Luudna wuu raacay. Aabraam shan iyo toddobaatan sannadood buu jiray markuu Haaraan ka tegey.

5. Aabraamna wuxuu kaxaystay naagtiisii Saaray, iyo Luud oo ahaa wiilkii walaalkiis, iyo xoolahoodii ay urursadeen oo dhan, iyo dadkii ay Haaraan ka heleen oo dhan; kolkaasay u kaceen dalkii Kancaan, oo waxay yimaadeen dalkii Kancaan.

6. Aabraamna dalkii buu dhex maray ilaa meeshii la odhan jiray Shekem iyo tan iyo geedkii Moreh. Wakhtigaasna reer Kancaan dalkay joogeen.

7. Oo Ilaah baa Aabraam u muuqday, oo ku yidhi, Dalkan farcankaagaan siin doonaa. Kolkaasuu meeshaas meel allabari uga dhisay Rabbigii u muuqday.

8. Markaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu tegey buurtii xagga bari ka ahayd Beytel, oo teendhadiisii buu ka dhistay meel Beytel galbeed ka ahayd, Aaciina bari ka ahayd; markaasuu meeshaas meel allabari Rabbiga uga dhisay, oo magaca Rabbiga ku baryootamay.

9. Kolkaasaa Aabraam socdaalay, isagoo weli xagga koonfureed u sii socda.

10. Kolkaasaa dhulkii abaari ka dhacday: markaasuu Aabraam Masar tegey; inuu halkaas qariib ku ahaado, waayo, abaartii aad bay dhulkii ugu xumayd.

11. Oo waxay noqotay in markii uu ku soo dhowaaday inuu Masar galo, uu ku yidhi naagtiisii Saaray, Bal eeg, waan ogahay inaad tahay naag arag quruxsan,

12. oo waxaa dhici doona in markii ay Masriyiintu ku arkaan, ay odhan doonaan, Waa naagtiisii tanu. Oo way i dili doonaan, laakiin adiga way ku dayn doonaan.

13. Waxaad ku tidhaahdaa, Walaashiis baan ahay; si ay iigu roonaadaan adiga aawadaa, oo ay naftaydu daraaddaa u noolaato.

14. Oo waxay noqotay in markii Aabraam Masar soo galay, ay Masriyiintii arkeen in naagtu aad u quruxsan tahay.

15. Oo amiirradii Fircoon baa arkay, oo Fircoon bay u ammaaneen iyadii, oo naagtii waxaa loo kaxeeyey gurigii Fircoon.

16. Isaguna Aabraam si wanaagsan buu u qabtay iyada aawadeed: wuxuuna lahaa ido, iyo dibiyo, iyo dameerro lab, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo dameerro dhaddig iyo geel.

17. Oo Rabbigu belaayooyin waaweyn buu ku riday Fircoon iyo reerkiisiiba, Saaray oo naagtii Aabraam ahayd aawadeed.

18. Fircoonna Aabraam buu u yeedhay, oo ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Maxaad iigu sheegi weyday inay tahay naagtaadii?

19. Maxaad u tidhi, Waa walaashay si aan u guursado iyada? Haddaba waa tan naagtaadii, kaxayso oo iska tag.

20. Fircoonna niman buu u soo amray isaga: wayna soo ambabbixiyeen isagii iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan.

About BILOWGII Chapter 12

Read BILOWGII Chapter 12 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BILOWGII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: BILOWGII
Chapter: 12
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading BILOWGII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading BILOWGII Chapter 12 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is BILOWGII Chapter 12?

BILOWGII Chapter 12 is part of the Book of BILOWGII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete BILOWGII Chapter 12 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Bilowgii

  1. BILOWGII Chapter 10
  2. BILOWGII Chapter 21
  3. BILOWGII Chapter 33
  4. BILOWGII Chapter 17
  5. BILOWGII Chapter 14
  6. BILOWGII Chapter 1
  7. BILOWGII Chapter 8

Related Chapters & Readings

  1. SABUURRADII Chapter 89
  2. TIRINTII Chapter 36
  3. SABUURRADII Chapter 123
  4. MARKOS Chapter 1
  5. SABUURRADII Chapter 7
  6. SABUURRADII Chapter 43
  7. TAARIIKHDII LAB Chapter 1
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *