Read BILOWGII Chapter 23 Online
Read BILOWGII Chapter 23 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BILOWGII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of BILOWGII and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
BILOWGII 23
Cutub 23
1. Saarah waxay noolayd boqol iyo toddoba iyo labaatan sannadood; intaasu waa Saarah cimrigeedii.
2. Oo Saarah waxay ku dhimatay Qiryad Arbac, taasoo ah Xebroon, tan ku taal dalka Kancaan: Ibraahimna wuxuu u yimid inuu u baroorto, oo uu u ooyo Saarah.
3. Markaasaa Ibraahim meydkii naagtiisa ka kacay, oo wuxuu la hadlay reer Xeed, isagoo ku leh,
4. Waxaan ahay shisheeye sodcaal ah oo idin dhex jooga: ee dhexdiinna iga siiya meel xabaaleed oo hanti ah, si aan meydka naagtayda hortayda uga aaso.
5. Oo reer Xeedna Ibraahim bay u jawaabeen, iyagoo ku leh,
6. Bal na maqal sayidkaygiiyow, adigu dhexdayada waxaad ku tahay amiir weyn. Midka ugu wanaagsan qabriyadayada meydka naagtaada ku aas.
7. Midkayana kaama lexejeclaysan doono qabrigiisa inaad ku aastid meydka naagtaada. Markaasaa Ibraahim sare kacay, oo uu u sujuuday dadkii waddanka lahaa, oo ahaa reer Xeed.
8. Wuuna la hadlay oo ku yidhi, Haddaad oggoshihiin inaan meydka naagtayda hortayda ka aaso, i maqla oo ii barya Cefroon ina Sohar,
9. inuu i siiyo godka la yidhaahdo Makfelah oo uu haysto, oo ku yaal berrinkiisa geestiisa. Qiimo dhan ha iga siiyo, inay dhexdiinna ii noqoto meel xabaaleed oo hanti ah.
10. Haddaba Cefroon wuxuu fadhiyey reer Xeed dhexdooda; oo Cefroon oo ahaa reer Xeed ayaa Ibraahim u jawaabay, iyadoo ay maqlayaan reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhammu, oo wuxuu ku yidhi,
11. Maya, sayidkaygiiyow, i maqal, berrinka waan ku siinayaa, godka ku dhex yaalna waan ku siinayaa; waxaan kugu siinayaa ragga reerkayga hortooda, ee meydka ku aaso.
12. Ibraahimna wuxuu ku hor sujuuday dadkii waddanka.
13. Markaasuu Cefroon la hadlay iyadoo ay dadkii waddanku maqlayaan, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, haddaad oggoshahay i maqal; waan ku siin qiimihii berrinka ee iga qaado, anna meydkaan meeshaas ku aasan.
14. Cefroonna Ibraahim buu u jawaabay, isagoo ku leh,
15. Sayidkaygiiyow, bal i maqal: meel dhul ah oo qiimihiisu yahay afar boqol oo sheqel oo lacag ah, waa maxay dhexdeenna? Haddaba meydka aaso.
16. Ibraahimna Cefroon buu maqlay; markaasaa Ibraahim u miisaamay Cefroon lacagtii uu u sheegay, iyadoo ay reer Xeed maqlayaan, oo waxay ahayd, afar boqol oo sheqel oo lacag ah, oo lacagtii baayacmushtarka ku socotay ah.
17. Sidaasaa berrinkii Cefroon, oo Makfelah ku yiil, oo Mamre ku hor yiil, berrinkii iyo godkii ku dhex yiil, iyo geedihii ku yiil berrinkii, iyo xuduudkii ku wareegsanaa oo dhanba waxaa lagu xaqiijiyey
18. reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhan hortooda, in Ibraahim hanti ahaan u lahaado.
19. Markaas ka dib ayaa Ibraahim naagtiisii Saarah ku aasay godkii berrinkii Makfelah oo ku hor yiil Mamre, taas oo ah Xebroon oo dalka Kancaan ku tiil.
20. Oo berrinkii iyo godkii ku dhex yiilba reer Xeed ayaa Ibraahim u xaqiijiyey inay meel xabaaleed oo hanti ah u noqdaan.
About BILOWGII Chapter 23
Read BILOWGII Chapter 23 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BILOWGII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: BILOWGII
Chapter: 23
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading BILOWGII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading BILOWGII Chapter 23 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is BILOWGII Chapter 23?
BILOWGII Chapter 23 is part of the Book of BILOWGII in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete BILOWGII Chapter 23 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from Bilowgii
- BILOWGII Chapter 26
- BILOWGII Chapter 34
- BILOWGII Chapter 6
- BILOWGII Chapter 44
- BILOWGII Chapter 36
- BILOWGII Chapter 39
- BILOWGII Chapter 21