Read BILOWGII Chapter 2 Online
Read BILOWGII Chapter 2 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BILOWGII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of BILOWGII and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
BILOWGII 2
Cutub 2
1. Samada iyo dhulkuna way dhammaadeen, iyo waxa badan ee ku jira oo dhammuba.
2. Maalintii toddobaadna Ilaah wuu dhammeeyey shuqulkiisii uu sameeyey; oo maalintii toddobaad ayuu ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey oo dhanba.
3. Oo Ilaah wuu barakeeyey maalintii toddobaad, quduusna wuu ka dhigay; maxaa yeelay, maalintaas ayaa Ilaah ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey ee ahaa abuuridda oo dhan.
4. Kuwanu waa bilowgii samada iyo dhulka kolkii la abuuray iyaga, maalintii Rabbiga Ilaah ahu sameeyey dhulka iyo samada.
5. Dhirta duurkuna weli kuma ay oollin dhulka, geedaha yaryar oo duurkuna weli sooma ay bixin: waayo, Rabbiga Ilaah ahu dhulka roob kuma soo dayn, nin dhulka beeraana ma jirin;
6. laakiin ceeryaamo baa dhulka kor uga soo bixi jirtay, oo waraabin jirtay dhulka dushiisa oo dhan.
7. Rabbiga Ilaah ahuna nin buu ka sameeyey ciidda dhulka, dulalka sankiisana wuxuu kaga afuufay neeftii nolosha; ninkiina wuxuu noqday naf nool.
8. Oo Rabbiga Ilaah ahu beer buu ka beeray xagga bari ee Ceeden; oo halkaasuuna geeyey ninkii uu sameeyey.
9. Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu dhulka ka soo bixiyey geed kasta oo indhaha u roon, oo cunto ku wanaagsan; beerta dhexdeedana wuxuu ka soo bixiyey geedkii nolosha iyo geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta.
10. Ceedenna webi baa ka baxay inuu beerta waraabiyo; halkaasuuna ku kala qaybsamay, wuxuuna noqday afar madax.
11. Kan kowaad magiciisu wuxuu ahaa Fiishoon: kaasu waa kan ku wareegsan dhulka Xawiilaah oo dhan, meeshaas oo dahab leh;
12. oo dahabka dhulkaasu waa wanaagsan yahay: oo meeshaasuna waxay leedahay beduliyum iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo.
13. Webiga labaad magiciisuna waa Giixoon: kaasuna waa kan ku wareegsan dhulka Kuush oo dhan.
14. Webiga saddexaad magiciisuna waa Xiddeqel: kaasu waa kan Ashuur dhankeeda bari mara. Webiga afraadna waa Yufraad.
15. Rabbiga Ilaah ahuna ninkii wuu kaxeeyey oo wuxuu geeyey beer Ceeden inuu falo oo dhawro.
16. Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa:
17. laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa.
18. Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu yidhi, Ma wanaagsana in ninku keligiis ahaado; waxaan u samayn doonaa mid caawisa oo ku habboon.
19. Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ciidda ka sameeyey dugaag kasta oo duurka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula; oo iyagii wuxuu u keenay ninkii, inuu arko wuxuu u bixiyo; oo wax kastoo ninkii u bixiyey uun kasta oo nool ayaa magiciisii noqday.
20. Oo ninkii baa magacyo u bixiyey xoolaha oo dhan, iyo haadda hawada, iyo dugaag kasta oo duurka jooga, laakiin ninkii looma helin mid caawisa oo ku habboon.
21. Oo Rabbiga Ilaah ahu hurdo weyn buu ku riday ninkii, kolkaasuu gam'ay; kolkaasuu wuxuu ka bixiyey feedhihiisii middood, meesheediina hilib buu ku awday.
22. Oo feedhii Rabbiga Ilaah ahu ka bixiyey ninka ayuu naag ka sameeyey, oo wuxuu iyadii u keenay ninkii.
23. Ninkiina wuxuu yidhi, Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa Naag, maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin.
24. Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh.
25. Oo labadooduba way qaawanaayeen, ninka iyo naagtiisuba, mana ay xishoonaynin.
About BILOWGII Chapter 2
Read BILOWGII Chapter 2 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BILOWGII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: BILOWGII
Chapter: 2
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading BILOWGII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading BILOWGII Chapter 2 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is BILOWGII Chapter 2?
BILOWGII Chapter 2 is part of the Book of BILOWGII in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete BILOWGII Chapter 2 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 5
- YEXESQEEL Chapter 4
- YEXESQEEL Chapter 24
- YEXESQEEL Chapter 15
Explore More from Bilowgii
- BILOWGII Chapter 18
- BILOWGII Chapter 43
- BILOWGII Chapter 40
- BILOWGII Chapter 29
- BILOWGII Chapter 23
- BILOWGII Chapter 35
- BILOWGII Chapter 20