XAAKINNADA Chapter 10

For English

Read XAAKINNADA Chapter 10 Online

Read XAAKINNADA Chapter 10 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of XAAKINNADA in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of XAAKINNADA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

XAAKINNADA 10

Cutub 10

1. Markaasaa Abiimeleg dabadiis waxaa u kacay inuu reer binu Israa'iil badbaadiyo Toolac ina Fuwaah oo ahaa ina Doodoo, oo reer Isaakaar ahaa, oo wuxuu degganaa Shaamiir oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.

2. Kaasu wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay saddex iyo labaatan sannadood, dabadeedna wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Shaamiir.

3. Oo kaas dabadiisna waxaa kacay Yaa'iir oo reer Gilecaad ahaa, oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay laba iyo labaatan sannadood.

4. Oo isna wuxuu lahaa soddon wiil oo soddon qayl dameer fuuli jirtay, oo iyana waxay lahaayeen soddon magaalo, oo ilaa maantadan la joogo la yidhaahdo Hawood Yaa'iir, oo waxay ku yaalliin dalka Gilecaad.

5. Markaasaa Yaa'iir dhintay, oo waxaa lagu aasay Qaamoon.

6. Markaasaa reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliim, iyo Cashtarod, iyo ilaahyadii Suuriya, iyo ilaahyadii Siidoon, iyo ilaahyadii Moo'aab, iyo ilaahyadii reer Cammoon, iyo ilaahyadii reer Falastiin, oo Rabbiga way ka tageen, umana ay adeegin.

7. Oo Rabbiguna aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu iyagii ka iibiyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii reer Cammoon.

8. Oo sannaddaas way dhibeen oo dulmeen reer binu Israa'iil; oo siddeed iyo toban sannadood ayay dulmayeen kulli reer binu Israa'iilkii degganaa dalka reer Amor oo ku yaal Gilecaad Webi Urdun shishadiisa.

9. Markaasay reer Cammoon ka soo gudbeen Webi Urdun inay la diriraan reer Yahuudah, iyo reer Benyaamiin, iyo reer Efrayim; sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waxay ku jireen cidhiidhi weyn.

10. Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu kugu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ka tagnay Ilaahayo, oo Bacaliimkii baannu u adeegnay.

11. Markaasaa Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Miyaanan idinka badbaadin Masriyiintii, iyo reer Amor, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin?

12. Oo weliba reer Siidoon, iyo reer Camaaleq, iyo reer Maacoonba way idin dulmeen, oo waad ii qayshateen, oo markaasaan idinka badbaadiyey gacantoodii.

13. Oo weliba waad iga tagteen, oo waxaad u adeegteen ilaahyo kale; sidaas darteed anigu mar dambe idinma badbaadin doono.

14. Haddaba taga oo u qayshada ilaahyadii aad doorateen; oo iyagu ha idin badbaadiyeen wakhtiga aad cidhiidhi ku jirtaan.

15. Markaasaa reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Waannu dembaabnay; haddaba nagu samee wax alla wixii kula wanaagsan; laakiinse waannu ku baryaynaaye, bal maanta na samatabbixi.

16. Markaasay iska wada fogeeyeen ilaahyadii qalaad oo dhexdooda yiil, oo waxay u adeegeen Rabbiga; oo naftiisuna way ka xumaatay hooggii haystay reer binu Israa'iil.

17. Markaasaa waxaa soo wada ururay reer Cammoon oo waxay soo degeen Gilecaad. Oo reer binu Israa'iilna way isa soo urursadeen oo iyana waxay soo degeen Misfaah.

18. Markaasaa dadkii iyo amiirradii reer Gilecaad ayaa midba midka kale wuxuu ku yidhi, Car, ninkee baa bilaabaya inuu la diriro reer Cammoon? Kaasu wuxuu ahaan doonaa madaxda dadka Gilecaad deggan oo dhan.

About XAAKINNADA Chapter 10

Read XAAKINNADA Chapter 10 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of XAAKINNADA in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: XAAKINNADA
Chapter: 10
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading XAAKINNADA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading XAAKINNADA Chapter 10 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is XAAKINNADA Chapter 10?

XAAKINNADA Chapter 10 is part of the Book of XAAKINNADA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete XAAKINNADA Chapter 10 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEXESQEEL Chapter 4
  2. YEREMYAAH Chapter 1
  3. YEXESQEEL Chapter 3
  4. YEXESQEEL Chapter 1
  5. YEXESQEEL Chapter 24
  6. YEXESQEEL Chapter 5
  7. YEXESQEEL Chapter 22

Explore More from xaakinnada

  1. XAAKINNADA Chapter 21
  2. XAAKINNADA Chapter 12
  3. XAAKINNADA Chapter 6
  4. XAAKINNADA Chapter 8
  5. XAAKINNADA Chapter 11
  6. XAAKINNADA Chapter 13
  7. XAAKINNADA Chapter 1

Related Chapters & Readings

  1. CESRAA Chapter 9
  2. YEXESQEEL Chapter 38
  3. HOOSHEECA Chapter 13
  4. RUUD Chapter 2
  5. SHARCIGA KUNOQO Chapter 7
  6. MARKOS Chapter 7
  7. MAAHMAAHYADII Chapter 3
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *