Read KOLOSAY Chapter 2 Online
Read KOLOSAY Chapter 2 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of KOLOSAY in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of KOLOSAY and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
KOLOSAY 2
Cutub 2
1. Waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan sida weyn oo aan idiinku dadaalayo idinka iyo kuwa La'odikiya jooga iyo in alla intii aan arag wejigayga anoo nool;
2. inay qalbiyadoodu dhiirranaadaan, iyagoo jacayl isugu xidhan, iyo inay wada helaan hodantinimada hubaasha waxgarashada, inay ogaadaan qarsoodiga Ilaah, kaas oo ah Masiixa.
3. Isaga waxaa ku wada qarsoon waxyaalaha qaaliga ah oo dhan oo ah xigmadda iyo aqoonta.
4. Taas waxaan u leeyahay inaan ninna idinku khiyaanayn hadal sasabasho ah.
5. In kastoo aan idinka maqnahay xagga jidhka, weliba waan idinla joogaa xagga ruuxa, anigoo faraxsan oo fiirinaya nidaamkiinna iyo adkaanta rumaysadkiinna, xagga Masiixa.
6. Haddaba sidaad u aqbasheen Rabbi Ciise Masiix, ku socda,
7. idinkoo isaga xidid ku yeeshay oo ku dhismay, oo rumaysadkiinna ku adkaaday, taas oo ah sidii laydiin baray, oo aad u mahadnaqa.
8. Iska jira yaan ninna idinku dhicin faylosofiyadiisa iyo khiyaanadiisa bilaashka ah xagga caadooyinka dadka iyo waxyaalaha dunida ugu horreeya oo aan ka iman xagga Masiixa,
9. waayo, buuxnaanta Ilaahnimada oo dhammu waa ku jirtaa isagoo jidh leh,
10. oo waa laydin buuxiyey idinkoo ku jira isagoo ah madaxa taaliye kasta iyo amar kasta.
11. Oo isaga xaggiisaa laydinkaga guday gudniin aan gacmo lagu samayn markii aad gudniinta Masiixa ku xoorteen jidhka aadmiga.
12. Idinka waxaa isaga laydinkula aasay baabtiiska, kaas oo isaga laydinkula soo kiciyey xagga rumaysadka aad u qabtaan xoogga Ilaah oo shaqeeya oo isaga kuwii dhintay ka soo sara kiciyey.
13. Idinkoo ku dhintay xadgudubyadiinnii iyo buuryoqabnimadii jidhkiinna ayuu weliba isaga idinla soo noolaysiiyey, isagoo inaga cafiyey xadgudubyadeennii oo dhan.
14. Wuxuu baabbi'iyey dacwadii inoogu qornayd qaynuunnada oo inaga geesta ahayd, oo weliba intuu fogeeyey ayuu ku qodbay iskutallaabta.
15. Isagu hubkuu ka qaaday taliyayaasha iyo kuwa amarka leh, oo bayaan ayuu u ceebeeyey, isagoo iyaga kaga guulaysanaya.
16. Haddaba ninna yuusan idinku xukumin wax ku saabsan cunto ama cabbid ama maalin iid ah ama bil dhalatay ama maalmaha sabtida,
17. kuwaas oo ah hooska waxyaalaha iman doona, laakiinse jidhka waxaa iska leh Masiixa.
18. Ninna yuusan abaalgudkiinna idinka dulmin isagoo idin oggolaysiinaya is-hoosaysiinta iyo malaa'ig caabudidda, oo dhex gelaya waxyaalaha uusan arkin, oo micnela'aan ugu kibraya maankiisa aadmiga,
19. oo aan xajisanayn Madaxa jidhka oo dhammu wax ka helo, oo xubnaha iyo seedaha isku haysta, oo kordhinta Ilaah ku kordha.
20. Haddii aad Masiixa kala dhimateen waxyaalaha dunida ugu horreeya, maxaad sidii idinkoo dunida ku nool isaga hoosaysiisaan qaynuunnada,
21. kuwaas oo leh, Ha qaban, Ha dhadhamin, Ha taaban?
22. Waxyaalahaas oo dhan ayaa isticmaal ku wada baabba'aya. Qaynuunnadu waxay ka yimaadeen amarrada iyo cilmiga dadka.
23. Waxyaalahaasu sida haqiiqada ah waxay leeyihiin muuqasho xigmad ah xagga caabudidda qof naftiisa ku qasbo iyo is-hoosaysiinta iyo saxariirinta jidhka, laakiinse iyagu faa'iido ma leh ay ku hor joogsadaan dherjinta jidhka.
About KOLOSAY Chapter 2
Read KOLOSAY Chapter 2 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of KOLOSAY in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: KOLOSAY
Chapter: 2
Testament: New Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading KOLOSAY. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading KOLOSAY Chapter 2 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is KOLOSAY Chapter 2?
KOLOSAY Chapter 2 is part of the Book of KOLOSAY in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete KOLOSAY Chapter 2 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdiga Cusub
- MATAYOS Chapter 1
- MATAYOS Chapter 16
- MATAYOS Chapter 5
- MATAYOS Chapter 10
- MATAYOS Chapter 6
- MATAYOS Chapter 15
- MATAYOS Chapter 14