Read 2 TIMOTEYOS Chapter 1 Online
Read 2 TIMOTEYOS Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of 2 TIMOTEYOS in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of 2 TIMOTEYOS and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
2 TIMOTEYOS 1
Cutub 1
1. Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, sida uu leeyahay ballanka nolosha Ciise Masiix ku jirta,
2. waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo ah wiilkayga aan jeclahay. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.
3. Waxaan ku mahadnaqayaa Ilaaha aan qalbi daahir ah ugu adeego siday awowayaashay ugu adeegi jireen, anigoo habeen iyo maalinba joogsila'aan baryadayda kugu xusuusanaya.
4. Markaan ilmadaadii xusuusto waxaan aad u doonayaa inaan ku arko, inaan aad u farxo.
5. Waxaan xusuustay rumaysadka aan labada weji lahayn oo kugu jira, oo markii horena ku jiri jiray ayeeyadaa Lowis iyo hooyadaa Yunikee, adigana waan kugu aaminsanahay inuu kugu jiro.
6. Taas daraaddeed waxaan ku xusuusinayaa inaad kicisid hadiyadda Ilaah ee kugu jirta oo kuugu timid gacmosaariddaydii.
7. Waayo, Ilaah inama uu siin ruuxa cabsida, laakiinse wuxuu ina siiyey ruuxa xoogga iyo jacaylka iyo miyirka.
8. Sidaas daraaddeed ha ka xishoon u markhaatifuridda Rabbigeenna ama aniga oo isaga maxbuus u ah, laakiinse dhibaatada injiilka kaga qayb qaado xoogga Ilaah.
9. Ilaah waa kan ina badbaadiyey oo yeedhid quduus ah inoogu yeedhay, mana aha xagga shuqulladeenna, laakiinse waa xagga qasdigiisa iyo nimcadiisa, oo uu waayadii hore hortood inagu siiyey Ciise Masiix,
10. laakiinse haatan lagu muujiyey muuqashada Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, kaas oo dhimashada baabbi'iyey, oo nolosha iyo dhimashola'aanta iftiinka ugu soo saaray xagga injiilka,
11. kaas oo laygu doortay inaan noqdo mid wax wacdiya iyo rasuul iyo macallinba.
12. Sababtaas aawadeed ayaan waxyaalahan ugu xanuunsanayaa; laakiinse ka xishoon maayo, waayo, waan garanayaa kan aan rumaystay, oo waxaan aaminsanahay inuu awoodo inuu dhawro wixii aan ku ammaanaystay ilaa maalintaas.
13. Masaalkii erayada runta ahaa ee aad iga maqasheen ku xaji rumaysadka iyo jacaylka Ciise Masiix ku jira.
14. Ammaanadii wanaagsanayd ee laguu dhiibay ku dhawr Ruuxa Quduuska ah oo inagu dhex jira.
15. Waad og tahay in kuwii Aasiya joogay oo dhammu ay iga leexdeen, waxaana ka mid ah Fugelos iyo Hermogenees.
16. Rabbiga ha u naxariisto reerkii Oneesiforos; waayo, marar badan ayuu i nasiyey, kamana xishoon silsiladdayda.
17. Laakiinse markuu Rooma joogay wuxuu ku dadaalay inuu i daydayo, wuuna i helay.
18. Rabbigu maalintaas ha u naxariisto. Oo adigu aad baad u taqaan intuu waxyaalo ka adeegay Efesos.
About 2 TIMOTEYOS Chapter 1
Read 2 TIMOTEYOS Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of 2 TIMOTEYOS in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: 2 TIMOTEYOS
Chapter: 1
Testament: New Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading 2 TIMOTEYOS. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading 2 TIMOTEYOS Chapter 1 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is 2 TIMOTEYOS Chapter 1?
2 TIMOTEYOS Chapter 1 is part of the Book of 2 TIMOTEYOS in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete 2 TIMOTEYOS Chapter 1 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from 2-timoteyos
Explore More from Axdiga Cusub
- FALIMAHA RASUUL Chapter 15
- 1 TESALONIIKA Chapter 1
- FILIBOY Chapter 1
- MARKOS Chapter 11
- MUUJINTII Chapter 8
- FALIMAHA RASUUL Chapter 17
- YOOXANAA Chapter 1