Read 1 TIMOTEYOS Chapter 4 Online
Read 1 TIMOTEYOS Chapter 4 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of 1 TIMOTEYOS in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of 1 TIMOTEYOS and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
1 TIMOTEYOS 4
Cutub 4
1. Laakiin Ruuxu bayaan buu u sheegayaa in wakhtiga ugu dambaysta qaar ka fogaan doono iimaanka, iyagoo dhegaysanaya ruuxaxa khiyaaneeya iyo cilmiyada jinniyada,
2. oo waxay kaga fogaan doonaan labawejiilenimada dadka beenta ku hadla oo qalbigooda la gubay sida isagoo bir kulul lagu dhejiyey.
3. Waxay diidaan in la guursado, oo amraan in laga fogaado cuntooyinka Ilaah u abuuray in kuwa rumaysta oo runta yaqaanu mahadnaqid ku aqbalaan.
4. Waayo, wax kasta oo Ilaah abuuray wuu wanaagsan yahay, waana inaan waxba la diidin haddii mahadnaqid lagu aqbalo,
5. waayo, waxaa quduus lagaga dhigaa ereyga Ilaah iyo ducada.
6. Haddaad walaalaha waxyaalahan xusuusisid waxaad ahaan doontaa Ciise Masiix midiidinkiisa wanaagsan, adigoo hadallada iimaanka iyo cilmiga wanaagsan oo aad raacday ku xoogaysanaya.
7. Laakiin ka fogow sheekooyinka habraha oo nijaasta ah, oo nafsaddaada bar cibaadaysiga,
8. waayo, jidhka waxbariddiisu wax yar bay tartaa, laakiinse cibaadaysigu si walba waxtar buu u leeyahay isagoo ballan u leh nolosha haatan joogta iyo tan imanaysaba.
9. Hadalku waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo.
10. Sababtan daraaddeed waannu u hawshoonnaa oo u dadaalnaa, maxaa yeelay, waxaannu rajo ku leennahay Ilaaha nool oo Badbaadiyaha u ah dadka oo dhan, khusuusan kuwa rumaysan.
11. Waxyaalahan dadka ku amar oo bar.
12. Ninna yuusan quudhsan dhallinyaronimadaada, laakiinse kuwa rumaystay masaal ugu noqo xagga hadalka, iyo xagga dabiicadda, iyo xagga jacaylka, iyo xagga rumaysadka, iyo xagga daahirsanaantaba.
13. Ilaa aan imaado, akhriska iyo waaninta iyo waxbaridda u digtoonow.
14. Ha dayicin hibada aad haysatid oo lagugu siiyey waxyaalihii laguu sii sheegay markii waayeelladu gacmahooda ku saareen.
15. Waxyaalahan ku dadaal, oo nafsaddaada oo dhan u go' in horumarkaagu dadka oo dhan u muuqdo.
16. Nafsaddaada iyo cilmigaagaba u digtoonow. Oo waxyaalahan ku sii soco, waayo, haddaad yeeshid, nafsaddaada iyo kuwa ku dhegaystaba waad badbaadin doontaa.
About 1 TIMOTEYOS Chapter 4
Read 1 TIMOTEYOS Chapter 4 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of 1 TIMOTEYOS in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: 1 TIMOTEYOS
Chapter: 4
Testament: New Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading 1 TIMOTEYOS. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading 1 TIMOTEYOS Chapter 4 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is 1 TIMOTEYOS Chapter 4?
1 TIMOTEYOS Chapter 4 is part of the Book of 1 TIMOTEYOS in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete 1 TIMOTEYOS Chapter 4 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from 1-timoteyos
- 1 TIMOTEYOS Chapter 6
- 1 TIMOTEYOS Chapter 5
- 1 TIMOTEYOS Chapter 2
- 1 TIMOTEYOS Chapter 1
- 1 TIMOTEYOS Chapter 3
Explore More from Axdiga Cusub
- MATAYOS Chapter 23
- MUUJINTII Chapter 21
- LUUKOS Chapter 9
- 2 KORINTOS Chapter 10
- 1 KORINTOS Chapter 3
- 2 TIMOTEYOS Chapter 3
- 1 KORINTOS Chapter 12