MUUJINTII Chapter 5

For English

Read MUUJINTII Chapter 5 Online

Read MUUJINTII Chapter 5 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MUUJINTII in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MUUJINTII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

MUUJINTII 5

Cutub 5

1. Oo anna kii carshiga ku fadhiyey gacantiisa midigta waxaan ku arkay kitaab wax kaga qoran yihiin dul iyo hoosba, oo waxaa ku shaabadaysnaa toddoba shaabadood.

2. Oo waxaan arkay malaa'ig xoog weyn oo ku naadinaysa cod weyn, oo leh, Bal yaa istaahila inuu kitaabka kala bixiyo oo uu furo shaabadihiisa?

3. Oo samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa laguma arag mid awooda inuu kitaabka kala bixiyo ama eego.

4. Oo markaasaan aad u ooyay, maxaa yeelay, lama helin mid istaahila inuu kitaabka kala bixiyo ama eego.

5. Markaasaa odayaashii midkood wuxuu igu yidhi, Ha ooyin, bal eeg, Libaaxa qabiilka reer Yahuudah ka mid ah oo ah xididkii ka yimid Daa'uud ayaa wuxuu ku guulaystay inuu furo kitaabka iyo toddobadiisa shaabadoodba.

6. Oo carshiga badhtankiisii iyo afarta xayawaan iyo odayaasha badhtankoodii waxaan ku arkay Wan taagan oo ah sida mid la gowracay oo leh toddoba gees iyo toddoba indhood oo ah toddobada Ruux oo Ilaah, oo loo soo diray dunida oo dhan.

7. Oo isna intuu yimid ayuu kitaabkii ka qaatay kii carshigii ku fadhiyey gacantiisii midigtaa.

8. Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta.

9. Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta,

10. oo waxaad iyagii ka dhigtay inay Ilaaheenna u ahaadaan boqortooyo iyo wadaaddo; oo iyana dhulka ayay wax ku xukumi doonaan.

11. Oo anna carshigii iyo xayawaanadii iyo odayaasha hareerahoodii waxaan ku arkay oo ka maqlay malaa'igo badan codkood, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun;

12. oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad.

13. Oo wax kasta oo la abuuray oo ku jira samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa, iyo badda gudaheeda, iyo waxyaalaha iyaga ku jira oo dhan, ayaa waxaan maqlay iyagoo leh, Kan carshiga ku fadhiya iyo Wanka ha u ahaadeen mahad, iyo ciso, iyo ammaan, iyo xoog, weligood iyo weligood.

14. Markaasaa afartii xayawaan waxay yidhaahdeen, Aamiin. Odayaashiina way dhaceen oo sujuudeen.

About MUUJINTII Chapter 5

Read MUUJINTII Chapter 5 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MUUJINTII in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: MUUJINTII
Chapter: 5
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MUUJINTII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading MUUJINTII Chapter 5 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is MUUJINTII Chapter 5?

MUUJINTII Chapter 5 is part of the Book of MUUJINTII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete MUUJINTII Chapter 5 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdiga Cusub

  1. MARKOS Chapter 5
  2. MARKOS Chapter 1
  3. MARKOS Chapter 2
  4. MARKOS Chapter 12
  5. MARKOS Chapter 7
  6. MARKOS Chapter 4
  7. MARKOS Chapter 10

Explore More from muujintii

  1. MUUJINTII Chapter 6
  2. MUUJINTII Chapter 15
  3. MUUJINTII Chapter 4
  4. MUUJINTII Chapter 7
  5. MUUJINTII Chapter 9
  6. MUUJINTII Chapter 11
  7. MUUJINTII Chapter 22

Related Chapters & Readings

  1. LAAWIYIINTII Chapter 24
  2. ISHACYAAH Chapter 2
  3. ISHACYAAH Chapter 56
  4. TIRINTII Chapter 23
  5. BAXNIINTII Chapter 12
  6. SABUURRADII Chapter 138
  7. TAARIIKHDII KOW Chapter 21
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *