MUUJINTII Chapter 8

For English

Read MUUJINTII Chapter 8 Online

Read MUUJINTII Chapter 8 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MUUJINTII in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MUUJINTII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

MUUJINTII 8

Cutub 8

1. Oo haddana markuu furay shaabaddii toddobaad, intii nus saac ah waxaa samada ka dhacday aamusnaan.

2. Markaasaan waxaan arkay toddobadii malaa'igood oo Ilaah hortiisa taagan, oo waxaa la siiyey toddoba buun.

3. Oo haddana waxaa timid malaa'ig kale, oo waxay is-ag taagtay meeshii allabariga, iyadoo haysata idan dahab ah, oo waxaa la siiyey foox badan si ay ugu darto baryadii quduusiinta oo dhan oo ay ugu shiddo meeshii allabariga oo dahabka ahayd oo carshiga hortiisa tiil.

4. Oo qiiqii fooxa oo ay baryadii quduusiintu la socoto ayaa wuxuu ka baxay gacantii malaa'igta oo wuxuu kor u aaday Ilaah hortiis.

5. Markaasaa malaa'igtii waxay qaadatay idankii, oo waxay ka buuxisay dabkii meesha allabariga, kolkaasay waxay ku tuurtay dhulka; markaasaa waxaa dhacay onkod, iyo codad, iyo hillaac, iyo dhulgariir.

6. Markaasaa toddobadii malaa'igood oo toddobada buun haystay waxay isu diyaariyeen inay ka dhawaajiyaan.

7. Malaa'igtii kowaad ayaa ka dhawaajisay, markaasaa waxaa soo dhacay roob dhagaxyaale iyo dab dhiig ku dhex qasan yahay, oo waxaa lagu tuuray dhulka; markaasaa dunida saddex meelood oo meeli gubatay, oo dhirtana saddex meelood oo meel baa gubatay, oo cawskii qoyanaa oo dhammuna waa gubtay.

8. Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii labaad, markaasaa waxaa badda lagu tuuray wax le'eg buur weyn oo dab ka ololayo; markaasaa baddii saddex meelood oo meel baa dhiig noqotay;

9. oo waxaa halkaas ku dhintay uunkii badda ku jiray oo nafta lahaa saddex meelood oo meel, oo doonniyihiina saddex meelood oo meel baa la baabbi'iyey.

10. Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii saddexaad, markaasaa waxaa samada ka soo dhacday xiddig weyn oo sidii laambadeed u ololaysa, oo waxay ku dul dhacday webiyaasha saddex meelood oo meel, iyo ilihii biyaha ahaa;

11. oo xiddigta magaceedana waxaa la yidhaahdaa Qadhaadh; oo biyihiina saddex meelood oo meel baa qadhaadh noqotay; dad badanuna wuxuu ku dhintay biyihii, maxaa yeelay, qadhaadh baa laga dhigay.

12. Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii afraad, markaasaa waxaa wax lagu dhuftay qorraxda saddex meelood oo meel, iyo dayaxa saddex meelood oo meel, iyo xiddigaha saddex meelood oo meel, in saddex meelood oo meeli ay gudcur noqoto, iyo in maalinta saddex meelood oo meeli aanay iftiimin, habeenkuna uu noqdo sidaas oo kale.

13. Haddana waxaan arkay oon maqlay gorgor dhex duulaya samada isagoo cod weyn ku leh, Waxaa hoogay oo hoogay oo hoogay kuwa dhulka deggan, sababtuna waa buunanka dhawaaqooda hadhay oo saddexda malaa'igood ay dhowaan ka dhawaajin doonaan.

About MUUJINTII Chapter 8

Read MUUJINTII Chapter 8 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MUUJINTII in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: MUUJINTII
Chapter: 8
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MUUJINTII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading MUUJINTII Chapter 8 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is MUUJINTII Chapter 8?

MUUJINTII Chapter 8 is part of the Book of MUUJINTII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete MUUJINTII Chapter 8 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdiga Cusub

  1. MARKOS Chapter 1
  2. MARKOS Chapter 5
  3. MARKOS Chapter 2
  4. MARKOS Chapter 10
  5. MARKOS Chapter 4
  6. MARKOS Chapter 12
  7. MARKOS Chapter 15

Explore More from muujintii

  1. MUUJINTII Chapter 4
  2. MUUJINTII Chapter 12
  3. MUUJINTII Chapter 13
  4. MUUJINTII Chapter 5
  5. MUUJINTII Chapter 20
  6. MUUJINTII Chapter 2
  7. MUUJINTII Chapter 19

Related Chapters & Readings

  1. YEXESQEEL Chapter 24
  2. ISHACYAAH Chapter 56
  3. BILOWGII Chapter 17
  4. BOQORRADII LABA Chapter 10
  5. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 8
  6. TIRINTII Chapter 18
  7. ISHACYAAH Chapter 13
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *