Read TAARIIKHDII LAB Chapter 4 Online
Read TAARIIKHDII LAB Chapter 4 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TAARIIKHDII LAB in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of TAARIIKHDII LAB and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
TAARIIKHDII LAB 4
Cutub 4
1. Oo weliba wuxuu kaloo sameeyey meel allabari oo naxaas ah oo dhererkeedu labaatan dhudhun yahay, ballaadhkeeduna labaatan dhudhun yahay, sarajooggeeduna labaatan dhudhun yahay.
2. Oo wuxuu kaloo sameeyey berkeddii naxaasta ahayd, oo qarkeedu gees ilaa ka gees wuxuu isu jiray toban dhudhun, wayna wareegsanayd, oo sarajooggeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, wareeggeeduna wuxuu ahaa soddon dhudhun.
3. Oo hoosteedana waxaa ku yiil wax dibiyo u eg oo ku wareegsanaa, dhudhunba toban, oo berkedda oo dhan hareeraheeda ku wareegsanaa. Oo dibiyadu waxay ahaayeen laba saf, oo markii berkeddii la shubay ayaa iyana la shubay.
4. Oo berkeddu waxay dul saarnayd laba iyo toban dibi, oo saddex waxay u jeedday xagga woqooyi, saddexna waxay u jeedday xagga galbeed, saddexna waxay u jeedday xagga koonfureed, saddexna waxay u jeedday xagga bari; berkeddiina way dul saarnayd, oo dibidii kulligood qaarkooda dambe wuxuu ku jiray gudaha.
5. Oo berkeddii dhumucdeedu waxay ahayd taako; qarkeedana waxaa loo sameeyey sidii koob qarkiis oo kale oo ubax u ekaa; oo waxay qaadday saddex kun oo qiyaasood oo bad la yidhaahdo.
6. Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey toban berkedood oo yaryar oo wax lagu maydho, oo shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shantii kalena wuxuu dhigay dhanka bidixda, oo wixii allabari la gubo daraaddiis loo bixinayoba iyagaa lagu dhex maydhi jiray; laakiinse berkeddii weysada ahayd waxaa ku maydhan jiray wadaaddada oo qudha.
7. Oo wuxuu kaloo sameeyey tobankii laambadood oo dahabka ahaa, wuxuuna u sameeyey si waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa, oo iyagii wuxuu dhex qotomiyey macbudka. Shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shanna wuxuu dhigay dhanka bidixda.
8. Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey toban miis, oo iyagiina wuxuu dhex dhigay macbudka. Shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shanna wuxuu dhigay dhanka bidixda. Oo wuxuu kaloo sameeyey boqol maddiibadood oo dahab ah.
9. Oo weliba wuxuu kaloo sii sameeyey barxaddii wadaaddada, iyo barxaddii weynayd, iyo albaabbadii barxadda, oo albaabbadoodiina wuxuu ku dahaadhay naxaas.
10. Oo berkeddii weysada ahayd wuxuu dhigay guriga dhankiisa midigta oo ah xagga bari-koonfureed.
11. Oo Xuuraamna wuxuu sameeyey dheryihii iyo majarafadihii iyo maddiibadihii. Oo Xuuraamna sidaasuu u dhammeeyey shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Ilaah,
12. kaasoo ahaa labadii tiir, iyo fijaannadii, iyo labadii taaj oo tiirarkii kor saarnayd, iyo labadii shabag oo ku dednaa labada fijaan oo taajajkii tiirarka kor saarnaa;
13. iyo afartii boqol oo rummaan ee labadii shabag lahaayeen, oo shabag kastaa wuxuu lahaa laba saf oo rummaan ah si ay u dedaan labadii fijaan ee taajajkii tiirarka kor saarnaa.
14. Oo isagu wuxuu kaloo sameeyey saldhigyadii, iyo berkedihii saldhigyadii dul saarnaa,
15. oo wuxuu kaloo sameeyey berkeddii weynayd iyo laba iyo tobankii dibi ee iyada ka hooseeyey.
16. Oo weliba dheryihii, iyo majarafadihii, iyo mudacyadii, iyo weelashooda oo dhanba ayaa Xuuraamaabbii Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Rabbiga aawadiis oo wuxuu ka wada sameeyey naxaas dhalaasha.
17. Oo boqorku wuxuu alaabtaas ku shubay Bannaankii Webi Urdun oo dhoobada lahaa ee u dhexeeyey Sukod iyo Sereedaataah.
18. Oo Sulaymaanna weelashaas oo dhan wuxuu u sameeyey si faro badan, waayo, naxaasta miisaankeedii lama hubin.
19. Oo Sulaymaan baa sameeyey weelashii guriga Ilaah tiil oo dhan, iyo weliba girgirihii dahabka ahaa, iyo miisaskii ay kibistii tusniintu saarnayd,
20. iyo laambadihii, iyo laambadahoodii yaryaraa oo wada ahaa dahab saafi ah in meesha ugu quduusan horteeda lagu shido sida waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa,
21. iyo ubaxyadii, iyo laambadihii, iyo birqaabyadii dahabka ahaa, oo dhammaantood wuxuu ka sameeyey dahab aad saafi u ah.
22. Oo alaabtii laambadihii lagu safeeya, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo idammadiiba wuxuu ka wada sameeyey dahab saafi ah; oo meeshii guriga laga soo geli jirayna, taas oo ahayd meesha quduuska ah albaabbadeedii hoose, iyo albaabbadii guriga macbudka ahba waxay wada ahaayeen dahab.
About TAARIIKHDII LAB Chapter 4
Read TAARIIKHDII LAB Chapter 4 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TAARIIKHDII LAB in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: TAARIIKHDII LAB
Chapter: 4
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading TAARIIKHDII LAB. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading TAARIIKHDII LAB Chapter 4 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is TAARIIKHDII LAB Chapter 4?
TAARIIKHDII LAB Chapter 4 is part of the Book of TAARIIKHDII LAB in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete TAARIIKHDII LAB Chapter 4 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from Taariikhdii Lab
- TAARIIKHDII LAB Chapter 17
- TAARIIKHDII LAB Chapter 13
- TAARIIKHDII LAB Chapter 12
- TAARIIKHDII LAB Chapter 31
- TAARIIKHDII LAB Chapter 16
- TAARIIKHDII LAB Chapter 20
- TAARIIKHDII LAB Chapter 19