TAARIIKHDII LAB Chapter 19

For English

Read TAARIIKHDII LAB Chapter 19 Online

Read TAARIIKHDII LAB Chapter 19 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TAARIIKHDII LAB in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of TAARIIKHDII LAB and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

TAARIIKHDII LAB 19

Cutub 19

1. Markaasaa Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah nabad ugu noqday gurigiisa Yeruusaalem ku yaal.

2. Oo waxaa baxay oo isagii ka hor tegey Yeehuu ina Xanaanii oo wax arkihii ahaa, oo wuxuu Boqor Yehooshaafaad ku yidhi, War ma waxaa kuu ekayd inaad caawiso kuwa sharka ah iyo inaad jeclaato kuwo Rabbiga neceb? Waxan daraaddiis waxaa kugu soo degtay cadho Rabbiga hortiisa ka timid.

3. Habase ahaatee waxyaalo wanaagsan baa lagaa helay, maxaa yeelay, waxaad dalka ka saartay geedihii Asheeraah, oo qalbigaagana waxaad u diyaarisay inaad Rabbiga doondoonto.

4. Yehooshaafaad wuxuu degganaan jiray Yeruusaalem, oo haddana wuxuu dhex maray dadkii tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo iyagii wuxuu u soo celiyey Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood.

5. Oo dalkii oo dhan iyo magaalooyinkii deyrka lahaa oo dadka Yahuudah wuxuu magaalo ka magaalo fadhiisiyey xaakinno.

6. Oo xaakinnadiina wuxuu ku yidhi, Waxa aad samaynaysaan ka fiirsada, waayo, idinku garsoorid dad u samayn maysaan, laakiinse waxaad u samaynaysaan Rabbiga, oo weliba isaguna garsooridda wuu idinla weheliyaa.

7. Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ka cabsada, iska jira, oo saas yeela, waayo, xagga Rabbiga Ilaaheenna ah dembi ma jiro, dadkana looma kala eexdo, laaluushna lama qaato.

8. Oo markay Yeruusaalem ku noqdeen ayaa Yehooshaafaad weliba Yeruusaalemna fadhiisiyey kuwii reer Laawi iyo wadaaddadii iyo madaxdii reeraha dadka Israa'iil inay sameeyaan Rabbiga garsooriddiisa iyo inay kuwii murma u garsooraan.

9. Oo wuxuu iyagii amray oo ku yidhi, Saas yeela idinkoo Rabbiga ka cabsanaya oo aamin ah oo qalbigiinnu qumman yahay.

10. Oo mar alla markii dacwo idiinka timaado walaalihiinna magaalooyinkooda deggan, taasoo u dhexaysa oo ah dhiig iyo dhiig, iyo sharci iyo amar, iyo qaynuun iyo xukummo, de markaas waa inaad u digtaan si aanay Rabbiga ugu dembaabin, oo aan taas aawadeed cadhada Rabbigu ugu soo degin idinka iyo walaalihiinba. Saas yeela oo eed lahaan maysaan.

11. Oo bal eega, axwaasha Rabbiga oo dhan waxaa idiinku sarrayn doona Amaryaah ah wadaadka sare, oo axwaasha boqorka oo dhanna waxaa idiinku sarrayn doona Sebadyaah ina Ismaaciil oo ah taliyaha reer Yahuudah, oo weliba reer Laawina hortiinnay saraakiil ku ahaan doonaan. Haddaba dhiirranaada oo Rabbiguna ha la jiro kuwii wanaagga sameeya.

About TAARIIKHDII LAB Chapter 19

Read TAARIIKHDII LAB Chapter 19 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TAARIIKHDII LAB in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: TAARIIKHDII LAB
Chapter: 19
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading TAARIIKHDII LAB. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading TAARIIKHDII LAB Chapter 19 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is TAARIIKHDII LAB Chapter 19?

TAARIIKHDII LAB Chapter 19 is part of the Book of TAARIIKHDII LAB in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete TAARIIKHDII LAB Chapter 19 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEXESQEEL Chapter 3
  2. YEREMYAAH Chapter 1
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 24
  5. YEXESQEEL Chapter 5
  6. YEXESQEEL Chapter 4
  7. YEXESQEEL Chapter 15

Explore More from Taariikhdii Lab

  1. TAARIIKHDII LAB Chapter 9
  2. TAARIIKHDII LAB Chapter 31
  3. TAARIIKHDII LAB Chapter 3
  4. TAARIIKHDII LAB Chapter 8
  5. TAARIIKHDII LAB Chapter 32
  6. TAARIIKHDII LAB Chapter 22
  7. TAARIIKHDII LAB Chapter 5

Related Chapters & Readings

  1. SABUURRADII Chapter 114
  2. AYUUB Chapter 42
  3. MUUJINTII Chapter 21
  4. XAAKINNADA Chapter 18
  5. TAARIIKHDII LAB Chapter 10
  6. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 2
  7. SEKARYAAH Chapter 12
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *