1 KORINTOS Chapter 7

For English

Read 1 KORINTOS Chapter 7 Online

Read 1 KORINTOS Chapter 7 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of 1 KORINTOS in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of 1 KORINTOS and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

1 KORINTOS 7

Cutub 7

1. Waxyaalahaad ii soo qorteen xaggooda, Waxaa nin u wanaagsan inuusan qof dumar ah taaban.

2. Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato.

3. Ninku afada waxa ku qumman ha siiyo, sidaas oo kale afaduna ninka waxa ku qumman ha siiso.

4. Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa.

5. Ha isdiidina, wakhti aad ku heshiisaan inaad soon iyo tukasho u goosataan mooyaane, oo aad haddana isu timaadaan, si aan Shayddaanku idiin duufin iscelinla'aantiinna aawadeed.

6. Laakiin taas fasax ahaan ayaan u leeyahay ee amrise maayo.

7. De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas.

8. Laakiin anigu waxaan kuwa aan guursan iyo carmallada laga dhintay ku leeyahay, Waa u roon tahay iyaga inay sidayda oo kale sii ahaadaan,

9. laakiin hadday iscelin kari waayaan, ha guursadeen; waayo, waxaa dhaanta inay guursadaan intay guban lahaayeen.

10. Laakiin kuwa guursaday waxaan ku amrayaa, kan amrayaa aniga ma aha laakiin waa Rabbiga, Afadu yaanay ninkeeda ka tegin.

11. Laakiin hadday ka tagto, ha iska guur la'aato ama ninkeedii ha la heshiiso; oo ninkuna yaanu afadiisa ka tegin.

12. Kuwa kale anigu waxaan ku leeyahay ee ma aha Rabbiga, Hadduu mid walaal ah qabo afo aan rumaysanayn, oo ayna raalli ka tahay inay la joogto, yaanu ka tegin.

13. Oo afadii nin aan rumaysanayni qabo oo isna raalli ka yahay inuu la joogo, yaanay ninkeeda ka tegin.

14. Waayo, ninka aan rumaysanayni wuxuu quduus ku noqdaa xagga naagta, oo naagta aan rumaysanaynina waxay quduus ku noqotaa xagga ninka rumaysan, haddii kale carruurtiinna wasakh bay ahaan lahaayeen, laakiin haatan waa quduus.

15. Laakiin haddii kan aan rumaysanayni tago, ha iska tago. Waxaas oo kale walaalka ama walaashu uma xidhxidhna. Ilaah wuxuu inoogu yeedhay nabad.

16. Waayo, sidee baad ku garanaysaa, naag yahay, inaad ninkaaga badbaadin doonto iyo in kale? Ama sidee baad ku garanaysaa, nin yahow, inaad naagtaada badbaadin doonto iyo in kale?

17. Hase ahaatee, mid kastaa ha u socdo sidii Rabbigu ugu qaybshay iyo sidii Ilaah mid kasta ugu yeedhay. Oo sidaasaan kiniisadaha oo dhan ku amraa.

18. Nin gudan ma loo yeedhay? Gudniinla'aan yaanu noqon. Nin aan gudnayn ma loo yeedhay? Yaan la gudin.

19. Gudniintu waxba ma aha; gudniinla'aantuna waxba ma aha, laakiin waxaa waajib ah in la xajiyo qaynuunnada Ilaah.

20. Nin kastaa sidii loogu yeedhay, ha sii ahaado.

21. Ma laguu yeedhay adigoo addoon ah? Dan ha u gelin. Laakiin haddaad karayso inaad xorowdid, waa inaad aqbashid.

22. Waayo, kii xagga Rabbiga loogu yeedhay isagoo addoon ah, wuxuu yahay ninka xorta ah ee Rabbiga, sidaas oo kalena kii isagoo xor ah loo yeedhay, wuxuu yahay addoonka Masiix.

23. Qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday; addoommada dadka ha noqonina.

24. Walaalayaalow, nin kastaa sidii loogu yeedhay ha sii ahaado, isagoo Ilaah la jira.

25. Amar bikradaha ku saabsan kama haysto xagga Rabbiga, laakiin waxaan kula talinayaa sida mid Rabbiga naxariis ka helay inuu aamin ahaado.

26. Sidaa daraaddeed waxay ila tahay dhibta haatan joogta aawadeed inay u roon tahay nin inuu sii ahaado siduu yahay.

27. Miyaad naag ku xidhan tahay? Ha doonin inaad ka furnaato. Miyaad naag ka furan tahay? Ha doonin naag.

28. Laakiin haddaad guursatid ma aad dembaabin, bikraduna hadday guursato ma ay dembaabin, laakiin kuwaas oo kale xagga jidhka dhib bay ka heli doonaan, laakiin dhibtaasaan idinka celin lahaa.

29. Laakiin waxaan leeyahay, walaalayaalow, wakhtiga waa la soo gaabiyey, hadda kaddib kuwa naagaha qabaa ha ahaadeen sidii iyagoo aan qabin;

30. oo kuwa ooyaana sidii iyagoo aan ooyin, kuwa farxaana sidii iyagoo aan farxin, kuwa wax iibsadaana sidii iyagoo aan waxba lahayn;

31. kuwa dunidan ku isticmaalaana, sidii iyagoo aan aad ugu isticmaalin, waayo, xaalka dunidan waa idlaanayaa.

32. Waxaan jeclaan lahaa inaad welwel la'aataan. Kii aan guursanin wuxuu u welwelaa waxyaalaha Rabbiga, siduu Rabbiga uga farxin lahaa.

33. Laakiin kii guursaday wuxuu u welwelaa waxyaalaha dunida siduu afadiisa uga farxin lahaa.

34. Afada iyo bikraddu waa kala duwan yihiin. Tii aan la qabinu waxay u welweshaa waxyaalaha Rabbiga si ay quduus uga ahaato xagga jidhka iyo xagga ruuxa. Tii guursatay waxay u welweshaa waxyaalaha dunida si ay ninkeeda uga farxiso.

35. Tan waxaan idinku leeyahay waxtarkiinna aawadii ee ma aha inaan qool idin geliyo, laakiin in waxa roon la arko iyo inaad Rabbiga u adeegtaan kalajeedsadla'aan.

36. Nin uun hadduu u maleeyo inuu wax aan toosnayn ku falayo xagga bikraddiisa, hadday wakhtigii dhallinyaronimadeedii dhaafto oo sidaas loo baahnaado, ha sameeyo wuxuu dooni lahaa. Dembaabi maayo ee ha guursadeen.

37. Kii qalbigiisa ka adkaysta, isagoo aan la qasbin, laakiin nafsaddiisa u taliya, uuna qalbigiisa ka goostay inuu bikraddiisa iska sii hayo, si wanaagsan buu falaa.

38. Sidaasna kii bikraddiisa u guuriyaa si wanaagsan ayuu falaa, iyo kii bikraddiisa aan u guurinin si ka wanaagsan ayuu falaa.

39. Naag waxay ku xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiin haddii ninku dhinto, waa xor inay guursato kay doonto laakiin xagga Rabbiga oo keliya.

40. Laakiin way ka sii faraxsanaan lahayd hadday iska joogto, siday aniga ila tahay, oo anigu waxaan u malaynayaa inaan Ruuxa Ilaah leeyahay.

About 1 KORINTOS Chapter 7

Read 1 KORINTOS Chapter 7 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of 1 KORINTOS in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: 1 KORINTOS
Chapter: 7
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading 1 KORINTOS. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading 1 KORINTOS Chapter 7 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is 1 KORINTOS Chapter 7?

1 KORINTOS Chapter 7 is part of the Book of 1 KORINTOS in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete 1 KORINTOS Chapter 7 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from 1 Korintos

  1. 1 KORINTOS Chapter 1
  2. 1 KORINTOS Chapter 10
  3. 1 KORINTOS Chapter 5
  4. 1 KORINTOS Chapter 2
  5. 1 KORINTOS Chapter 15
  6. 1 KORINTOS Chapter 14
  7. 1 KORINTOS Chapter 13

Explore More from Axdiga Cusub

  1. MATAYOS Chapter 15
  2. FALIMAHA RASUUL Chapter 3
  3. MARKOS Chapter 13
  4. FALIMAHA RASUUL Chapter 9
  5. YACQUUB Chapter 5
  6. LUUKOS Chapter 10
  7. MATAYOS Chapter 18

Related Chapters & Readings

  1. 1 BUTROS Chapter 5
  2. CIBRAANIYADA Chapter 11
  3. LAAWIYIINTII Chapter 26
  4. MAAHMAAHYADII Chapter 29
  5. MAAHMAAHYADII Chapter 6
  6. MUUJINTII Chapter 21
  7. SABUURRADII Chapter 106
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *