Read TAARIIKHDII KOW Chapter 14 Online
Read TAARIIKHDII KOW Chapter 14 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TAARIIKHDII KOW in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of TAARIIKHDII KOW and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
TAARIIKHDII KOW 14
Cutub 14
1. Markaasaa Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos ayaa Daa'uud wargeeyayaal u soo diray, iyo geedo kedar la yidhaahdo, iyo wastaadyo, iyo nijaarro, inay guri u dhisaan.
2. Oo Daa'uud wuxuu ogaaday in Rabbigu isaga u taagay inuu ahaado boqor u taliya reer binu Israa'iil, waayo, boqortooyadiisii waa la sarraysiiyey dadkiisa reer binu Israa'iil aawadood.
3. Oo Daa'uudna naago kale buu Yeruusaalem ku guursaday, oo wuxuu dhalay wiilal iyo gabdho kale.
4. Oo carruurtii Yeruusaalem ugu dhalatay magacyadoodiina waa kuwan: Shammuuca, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan,
5. iyo Yibxaar, iyo Eliishuuca, iyo Elfaaled,
6. iyo Nogah, iyo Nefeg, iyo Yaafiica,
7. iyo Eliishaamaac, iyo Becelyaadaac, iyo Eliifeled.
8. Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil oo dhan ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan, oo Daa'uudna taas wuu maqlay, oo isna iyagii ayuu ku baxay.
9. Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.
10. Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, iyaga waan kuu soo gacangelinayaa.
11. Hadda waxay yimaadeen Bacal Feraasiim, oo halkaasaa Daa'uud iyagii ku laayay, oo Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbigu cadaawayaashaydii ayuu gacantayda degdeg ugu qabtay, sida biyaha butaacayaa u degdegaan oo kale. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Bacal Feraasiim.
12. Iyana halkaasay ilaahyadoodii kaga tageen, markaasaa Daa'uud amar ku bixiyey in la gubo.
13. Haddana reer Falastiin mar kalay dooxadii ku soo firdheen.
14. Oo Daa'uudna mar kaluu Rabbiga wax weyddiiyey, oo Ilaahna wuxuu ku yidhi, Waa inaanad ka daba kicin, laakiinse iyaga ka leexo, oo waxaad ku weerartaa meel ka soo hor jeedda geedaha bukaa la yidhaahdo.
15. Oo markaad sanqadha askarta socodkeeda ka maqashid geedaha bukaa dushooda, markaas dagaalka hore ugu bax, waayo, Ilaah waa kaaga hor baxay inuu ciidanka reer Falastiin laayo.
16. Oo Daa'uudna wuxuu yeelay sidii Ilaah ku amray, oo waxay ciidankii reer Falastiin ku laynayeen ilaa Gibecoon iyo tan iyo Geser.
17. Oo Daa'uud warkiisiina wuxuu gaadhay dalalka oo dhan, oo Rabbiguna cabsi isaga ka timid ayuu ku riday quruumihii kale oo dhan.
About TAARIIKHDII KOW Chapter 14
Read TAARIIKHDII KOW Chapter 14 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TAARIIKHDII KOW in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: TAARIIKHDII KOW
Chapter: 14
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading TAARIIKHDII KOW. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading TAARIIKHDII KOW Chapter 14 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is TAARIIKHDII KOW Chapter 14?
TAARIIKHDII KOW Chapter 14 is part of the Book of TAARIIKHDII KOW in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete TAARIIKHDII KOW Chapter 14 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from taariikhdii-kow
- TAARIIKHDII KOW Chapter 9
- TAARIIKHDII KOW Chapter 24
- TAARIIKHDII KOW Chapter 26
- TAARIIKHDII KOW Chapter 17
- TAARIIKHDII KOW Chapter 19
- TAARIIKHDII KOW Chapter 25
- TAARIIKHDII KOW Chapter 5