MUUJINTII Chapter 17

For English

Read MUUJINTII Chapter 17 Online

Read MUUJINTII Chapter 17 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MUUJINTII in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MUUJINTII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

MUUJINTII 17

Cutub 17

1. Markaasaa waxaa timid toddobadii malaa'igood oo toddobada fijaan haystay middood, oo way ila hadashay, waxayna igu tidhi, Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa xukunka dhillada weyn oo biyaha badan ku dul fadhida,

2. taasoo boqorrada dunidu ay ka sinaysteen, oo kuwa dunida degganuna ay khamrigii sinadeeda ku sakhraameen.

3. Markaasay waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay cidlada; markaasaan arkay naag fuushan bahal guduudan oo ay ka buuxaan magacyo cay ahu, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees.

4. Oo naagtuna waxay qabtay dhar midabkiisu yahay casaan iyo guduud, oo waxaa kaloo ay ku sharraxnayd dahab iyo dhagaxyo qaali ah iyo luul, oo waxay gacanta ku haysatay koob dahab ah oo waxyaalihii karaahiyada ahaa ka buuxaan, kuwaas oo ahaa waxyaalihii nijaasta ahaa oo sinadeeda,

5. oo waxaa wejiga ugu qornaa magac ah qarsoodi, oo ah Baabuloonta weyn ee hooyada u ah dhillooyinka iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dunida.

6. Markaasaan arkay naagtii oo ku sakhraantay dhiiggii quduusiinta iyo dhiiggii kuwii Ciise u markhaati furay. Oo markaan iyadii arkay ayaan aad ula yaabay.

7. Markaasaa malaa'igtii waxay igu tidhi, War, maxaad u yaabtay? Waxaan kuu sheegi doonaa qarsoodiga naagta iyo bahalka iyada sida oo leh toddobada madax iyo tobanka gees.

8. Bahalkii aad aragtay wuu jiray, haddase ma jiro; oo wuxuu dhowaan ka soo bixi doonaa yamayska, oo wuxuu tegi doonaa halaag. Oo kuwa dhulka jooga oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha waagii dunida la aasaasay, markay bahalka arkaan waxay la yaabi doonaan siduu markii hore u jiray, oo uusan haatan u jirin, oo uu hadda ka dib u jiri doono.

9. Waa kan maanka xigmadda lihi. Toddobada madax waa toddoba buurood oo ay naagtu ku fadhiisato; oo iyagu waxa weeyaan toddoba boqor;

10. shantood way dhaceen, midna wuu joogaa, midkii kalena weli ma iman; oo markuu yimaado, in yar buu sii jiri doonaa.

11. Oo bahalkii markii hore jiray oo aan haatan jirin, isaga qudhiisuna waa mid siddeedaad oo toddobaduu ka mid yahay; oo wuxuu tegi doonaa halaag.

12. Oo tobankii gees oo aad aragtay waa toban boqor, oo aan weli helin boqortooyo; laakiinse intii saacad ah waxay amar la heleen bahalka sida boqorro oo kale.

13. Kuwanu waa isku maan, oo iyagu xooggooda iyo amarkooda waxay siiyeen bahalka.

14. Kuwaasu waxay la diriri doonaan Wanka, oo Wankuna wuu ka adkaan doonaa, maxaa yeelay, isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada; oo haddana kuwa isaga la jira waa kuwa loo yeedhay, oo la doortay, oo aaminiinta ah.

15. Markaasay waxay igu tidhi, Biyihii aad aragtay oo ay dhilladu ku dul fadhiday waxa weeyaan dadad iyo maqluuqyo iyo quruumo iyo afaf.

16. Oo tobankii gees oo aad aragtay iyo bahalkii waxay nebcaan doonaan dhillada, oo iyada way bi'in doonaan oo qaawin doonaan, oo hilibkeedana way cuni doonaan, oo kulligeedna waxay ku gubi doonaan dab.

17. Waayo, Ilaah wuxuu qalbigooda geliyey inay yeelaan fikirkiisa, oo ay isku maan ahaadaan, oo ay boqortooyadooda bahalka siiyaan ilamaa erayada Ilaah ay kaamil noqdaan.

18. Oo naagtii aad aragtayna waxa weeye magaalada weyn oo u talisa boqorrada dhulka.

About MUUJINTII Chapter 17

Read MUUJINTII Chapter 17 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MUUJINTII in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: MUUJINTII
Chapter: 17
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MUUJINTII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading MUUJINTII Chapter 17 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is MUUJINTII Chapter 17?

MUUJINTII Chapter 17 is part of the Book of MUUJINTII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete MUUJINTII Chapter 17 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdiga Cusub

  1. MATAYOS Chapter 1
  2. MATAYOS Chapter 5
  3. MATAYOS Chapter 16
  4. MATAYOS Chapter 6
  5. MATAYOS Chapter 14
  6. MATAYOS Chapter 10
  7. MATAYOS Chapter 15

Explore More from muujintii

  1. MUUJINTII Chapter 16
  2. MUUJINTII Chapter 7
  3. MUUJINTII Chapter 13
  4. MUUJINTII Chapter 3
  5. MUUJINTII Chapter 10
  6. MUUJINTII Chapter 4
  7. MUUJINTII Chapter 18

Related Chapters & Readings

  1. SABUURRADII Chapter 10
  2. 1 KORINTOS Chapter 15
  3. XAAKINNADA Chapter 16
  4. ISHACYAAH Chapter 56
  5. NEXEMYAAH Chapter 9
  6. FALIMAHA RASUUL Chapter 12
  7. SABUURRADII Chapter 36
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *