MATAYOS Chapter 2

For English

Read MATAYOS Chapter 2 Online

Read MATAYOS Chapter 2 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MATAYOS in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MATAYOS and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

MATAYOS 2

Cutub 2

1. Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh,

2. Xaggee buu joogaa boqorka Yuhuudda ee dhashay? Waayo, bari ayaannu xiddigtiisii ka aragnay, oo waxaannu u nimid inaannu caabudno.

3. Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan.

4. Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimmadii dadka oo dhan, ayuu weyddiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa.

5. Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray,

6. Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay, Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda, Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye, Kan dadkayga Israa'iil u talin doona.

7. Markaasuu Herodos nimankii xigmadda lahaa hoos ahaan ugu yeedhay, oo ka hubsaday goortay xiddigtu u muuqatay.

8. Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo.

9. Goortay boqorkii maqleen ayay tageen, oo xiddigtii ay bari ka arkeen ayaa hor kacday ilaa ay timid oo ay kor joogsatay meeshii ilmuhu joogay,

10. oo goortay xiddigtii arkeen ayay farxad aad u weyn ku farxeen.

11. Markaasay gurigii galeen oo waxay arkeen ilmihii iyo Maryan hooyadiis, wayna dhaceen oo caabudeen isaga, oo intay khasnadahoodii fureen waxay isaga u dhiibeen hadiyado dahab iyo beeyo iyo malmal ah.

12. Markaasaa riyo loogu digay inaanay Herodos ku noqon, oo dhulkoodii ayay jid kale u mareen.

13. Goortay ka tageen, malaa'igtii Rabbiga ayaa Yuusuf riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo Masar u carar oo halkaas joog ilaa aan kuu soo sheego, waayo, Herodos ayaa ilmaha dooni doona inuu dilo.

14. Wakhti habeen ah ayuu kacay, oo ilmihii iyo hooyadiis kaxeeyey, oo Masar tegey,

15. oo halkaasuu joogay ilaa dhimashadii Herodos, inay noqoto wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Wiilkayga ayaan Masar uga yeedhay.

16. Goortuu Herodos arkay inay nimankii xigmadda lahaa ku cayaareen isagii, ayuu aad u cadhooday, oo cid buu u diray oo laayay wiilashii yaryaraa oo dhan, kuwii laba sannadood jiray iyo kuwii ka yaraa oo joogay Beytlaxam iyo meelaha u dhow oo dhan, sida wakhtigii uu nimankii xigmadda lahaa ka hubsaday.

17. Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga dhex hadlay, isagoo leh,

18. Cod baa Raamaah laga maqlay, Oohin iyo baroor weyn, Raaxeel oo u ooyaysa carruurteeda, Oo aan doonaynin in la qalbi qabowjiyo, waayo, ma ay joogin.

19. Laakiin goortuu Herodos dhintay, malaa'igtii Rabbiga ayaa riyo ugu muuqatay Yuusuf oo Masar jooga, iyadoo leh,

20. Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo dhulka Israa'iil tag, waayo, kuwii ilmaha naftiisa doonayay waa dhinteen.

21. Markaasuu kacay oo kaxeeyey ilmihii iyo hooyadiis, oo dalkii Israa'iil tegey.

22. Laakiin goortuu maqlay in Arkhela'os meeshii aabbihiis Herodos Yahuudiya xukumayo, wuu ka baqay inuu halkaas tago. Markaase Ilaah baa riyo ugu digay, oo uu dhinacyada Galili ku leexday.

23. Wuxuuna yimid oo degay magaalada Naasared la odhan jiray si ay u noqoto wixii nebiyada lagaga hadlay, Waxaa loogu yeedhayaa Naasaraani.

About MATAYOS Chapter 2

Read MATAYOS Chapter 2 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MATAYOS in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: MATAYOS
Chapter: 2
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MATAYOS. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading MATAYOS Chapter 2 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is MATAYOS Chapter 2?

MATAYOS Chapter 2 is part of the Book of MATAYOS in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete MATAYOS Chapter 2 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdiga Cusub

  1. MARKOS Chapter 5
  2. MARKOS Chapter 1
  3. MARKOS Chapter 2
  4. MARKOS Chapter 12
  5. MARKOS Chapter 10
  6. MARKOS Chapter 4
  7. MARKOS Chapter 11

Explore More from matayos

  1. MATAYOS Chapter 11
  2. MATAYOS Chapter 28
  3. MATAYOS Chapter 21
  4. MATAYOS Chapter 4
  5. MATAYOS Chapter 1
  6. MATAYOS Chapter 17
  7. MATAYOS Chapter 15

Related Chapters & Readings

  1. MUUJINTII Chapter 16
  2. WACDIYAHII Chapter 3
  3. LAAWIYIINTII Chapter 26
  4. TAARIIKHDII KOW Chapter 26
  5. CESRAA Chapter 1
  6. SABUURRADII Chapter 123
  7. TAARIIKHDII LAB Chapter 18
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *