Read FALIMAHA RASUUL Chapter 26 Online
Read FALIMAHA RASUUL Chapter 26 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of FALIMAHA RASUUL in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of FALIMAHA RASUUL and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
FALIMAHA RASUUL 26
Cutub 26
1. Markaasaa Agribba wuxuu Bawlos ku yidhi, Waa laguu fasaxay inaad nafsaddaada u hadashid. Kolkaasaa Bawlos gacantiisa fidiyey oo isdaafacay.
2. Boqor Agribbow, waxaan isku tirinayaa mid faraxsan inaan maanta hortaada isaga daafaco waxyaalihii ay Yuhuuddu igu soo dacweeyeen oo dhan;
3. maxaa yeelay, adigu waxaad khusuusan xariif ku tahay caadooyinka iyo su'aalaha oo dhan oo Yuhuudda dhex yaalla; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad ii dulqaadatid oo aad i maqashid.
4. Yuhuuddu dhammaantoodba tan iyo yaraantaydii way wada yaqaaniin camalka noloshayda, taasoo bilowga aan kula dhex jiray quruuntayda oo aan Yeruusaalem la joogay.
5. Haddii ay raalli ku yihiin inay ii marag furaan, iyaguba tan iyo horraantii aqoon bay u lahaayeen sidii aan ugu dhaqmi jiray dariiqada diintayada ugu qiiro adag anoo Farrisi ah.
6. Haddaba waxaan haatan halkan u taaganahay in la ii xukumo rajadii ballankii Ilaah u qaaday awowayaashayo.
7. Oo laba iyo tobankayaga qabiilba waxay Ilaah aad ugu adeegaan habeen iyo maalinba iyagoo rajaynaya in ay ballankaas helaan. Haddaba boqorow, Yuhuuddu waxay igu ashtakeeyeen wax rajadaas ku saabsan!
8. Haddii Ilaah kuwii dhintay soo sara kiciyo, bal maxaad ugu qaadataan wax aan la rumaysan karin?
9. Runtii aniga qudhayduba waxaan mooday inay waajib igu tahay inaan sameeyo waxyaalo badan oo wada khilaafsan magaca Ciisaha reer Naasared.
10. Oo sidaasaan ku sameeyey Yeruusaalem; weliba waxaan xabsi ku xidhay kuwo badan oo quduusiin ah, anigoo amar ka wata wadaaddada sare, oo kolkii la dilayayba waan ku raacsanaa.
11. Oo marar badan ayaan iyaga ku ciqaabay sunagogyada oo dhan, oo waxaan qasbay inay caytamaan; oo intaan aad iyo aad ugu cadhooday, ayaan iyaga ku silciyey tan iyo xataa magaalooyin ajanabi.
12. Oo markaan Dimishaq u sodcaalayay, boqorow, anigoo wata amarkii iyo dardaarankii wadaaddada sare,
13. ayaan waxaan hadhkii arkay, intaan jidka marayay, iftiin samada ka baxaya oo qorraxda ka sii dhalaal dheer, oo ka iftiimaya hareerahayga aniga iyo kuwii ila socdayba.
14. Oo kolkii aannu dhammaantayo dhulka ku wada dhacnay, ayaan maqlay cod afka Cibraaniga ku hadlaya oo igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa? Way kugu adag tahay inaad harraatidid wax ku muda.
15. Markaasaan idhi, Yaad tahay Sayidow? Kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid.
16. Laakiin bal sara joogso, oo cagahaaga ku istaag; waayo, sababtan aawadeed ayaan kuugu muuqday inaan kaaga dhigo midiidin iyo markhaati waxyaalihii aad igu aragtay iyo waxyaalaha aan kuugu muuqan doonaba;
17. anigoo kaa samatabbixinaya dadka iyo quruumaha aan kuu diri doonaba,
18. inaad indhahooda furtid si ay gudcur uga soo jeestaan oo ay iftiinka ugu soo jeestaan, iyo inay ka soo leexdaan xoogga Shayddaanka oo ay Ilaah u yimaadaan, inay helaan dembidhaaf oo ay dhaxal la helaan kuwa quduus lagaga dhigay rumaysadka ay igu leeyihiin.
19. Sidaas daraaddeed, boqor Agribbow, kuma aan caasiyoobin riyadii samada ka timid;
20. laakiin waxaan horeba ugu sheegay kuwii joogay Dimishaq iyo Yeruusaalem iyo dalka Yahuudiya oo dhan iyo weliba dadka aan Yuhuudda ahayn, inay toobadkeenaan oo ay Ilaah u soo noqdaan, iyagoo samaynaya shuqullo toobad istaahila.
21. Waxyaalahaas aawadood baa Yuhuuddu macbudka gudihiisa iigu qabteen, oo waxay isku dayeen inay i dilaan.
22. Haddaba anigoo caawimaad ka helay xag Ilaah ayaan waxaan ilaa maanta u taaganahay inaan marag furo oo aan u sheego yar iyo weynba, anigoo aan innaba wax kale sheegayn wixii nebiyadii iyo Muuse ay sii sheegeen inay ahaan doonaan mooyaane;
23. taasoo ah in Masiixu xanuunsan doono, iyo sida isagoo ah kii kowaad oo kuwii dhintay ka soo sara kacay uu iftiin ugu naadin doono dadka iyo quruumahaba.
24. Oo intuu saas isu daafacayay, ayaa Feestos cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Bawlosow, waad waalan tahay. Barashadaadii badnayd ayaa waalli kuu beddeshay.
25. Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Feestoskii aad u sarreeyeyow, anigu ma aan waalni, laakiin waxaan ku hadlayaa erayo run ah iyo feeyignaan.
26. Waayo, boqorka aan ikhtiyaar ula hadlayaa wuu garanayaa waxyaalahan; waayo, anigu waxaan hubaa inaan waxyaalahan midkoodna uusan isaga ka qarsoonayn; waayo, waxyaalahan laguma samayn meel qarsoon.
27. Boqor Agribbow, nebiyadii ma rumaysan tahay? Waan ogahay inaad rumaysan tahay.
28. Markaasaa Agribba wuxuu Bawlos ku yidhi, Wax yar baad igu oggolaysiinaysaa inaan Masiixi noqdo.
29. Kolkaasaa Bawlos wuxuu yidhi, Waxaan Ilaah ka dooni lahaa in, haddii ay tahay wax yar iyo haddii ay tahay wax badan, ayan ahayn adiga oo keliya, laakiin in, inta maanta i maqlaysaa oo dhammu, ay wada noqdaan sida aan ahay oo kale, silsiladahan mooyaane.
30. Markaasaa boqorkii kacay iyo taliyihii iyo Bernikee iyo kuwii la fadhiyey oo dhammu;
31. oo kolkii ay baxeen ayaa midba midkii kale la hadlay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu innaba ma uu samayn wax istaahila dhimasho iyo silsilado toona.
32. Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Ninkan waa la sii dayn kari lahaa haddii uusan Kaysar u ashtakoon.
About FALIMAHA RASUUL Chapter 26
Read FALIMAHA RASUUL Chapter 26 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of FALIMAHA RASUUL in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: FALIMAHA RASUUL
Chapter: 26
Testament: New Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading FALIMAHA RASUUL. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading FALIMAHA RASUUL Chapter 26 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is FALIMAHA RASUUL Chapter 26?
FALIMAHA RASUUL Chapter 26 is part of the Book of FALIMAHA RASUUL in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete FALIMAHA RASUUL Chapter 26 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdiga Cusub
- MARKOS Chapter 5
- MARKOS Chapter 1
- MARKOS Chapter 2
- MARKOS Chapter 10
- MARKOS Chapter 4
- MARKOS Chapter 12
- MARKOS Chapter 15
Explore More from falimaha-rasuul
- FALIMAHA RASUUL Chapter 12
- FALIMAHA RASUUL Chapter 8
- FALIMAHA RASUUL Chapter 16
- FALIMAHA RASUUL Chapter 25
- FALIMAHA RASUUL Chapter 1
- FALIMAHA RASUUL Chapter 21
- FALIMAHA RASUUL Chapter 14