XAGGAY Chapter 2

For English

Read XAGGAY Chapter 2 Online

Read XAGGAY Chapter 2 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of XAGGAY in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of XAGGAY and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

XAGGAY 2

Cutub 2

1. Oo haddana bishii toddobaad maalinteedii kow iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu yidhi,

2. Hadda waxaad la hadashaa Serubaabel ina Salaatii'eel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare, iyo dadka intiisa hadhayba, oo waxaad ku tidhaahdaa,

3. Yaa hadhay oo idin dhex jooga oo gurigan ammaantiisii hore arkay? Haatanse sidee buu idiinla eg yahay? Sow meel aan waxba ahayn idiinlama eka?

4. Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa,

5. sidaan idiin ballanqaaday waagii aad Masar ka soo baxdeen, oo ruuxaygiina wuu idin dhex joogaa, haddaba ha cabsanina.

6. Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Weli wakhti yar oo gaaban baa ii hadhay, oo dabadeedna waxaan gariirin doonaa samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo berrigaba.

7. Oo quruumaha oo dhanna waan gariirin doonaa, oo waxa ay quruumaha oo dhammu jeclaystaan way iman doonaan, oo anna gurigan waxaan ka buuxin doonaa ammaan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.

8. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh.

9. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.

10. Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii sagaalaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu ku yidhi,

11. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba wadaaddada waxaad weyddiisaan wax sharciga ku saabsan, oo waxaad ku tidhaahdaan,

12. Haddii mid darafka maradiisa ku qaato hilib quduusan, oo uu darafkiisu taabto kibis, ama fuud, ama khamri, ama saliid, ama wax kale oo cunta ah, miyey waxaasu quduus noqonayaan? Kolkaasaa wadaaddadii waxay ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen. Maya.

13. Kolkaasaa Xaggay yidhi, Haddii mid ku nijaasoobo meyd oo uu taabto wax kuwan ka mid ah, miyaa kaasuu nijaasoobayaa? Oo wadaaddadiina waxay ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuu nijaasoobayaa.

14. Markaasaa Xaggay jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkanu waa saasoo kale, oo quruuntanuna saasoo kalay hortayda ku tahay, oo shuqul kasta oo ay gacmahooda ku qabtaanna waa saasoo kale, oo wixii ay halkaas ku bixiyaanna waa nijaas.

15. Haddaba waan idin baryayaaye, maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada intaan dhagaxna dhagax la dul saarin macbudka Rabbiga,

16. iyo tan iyo wakhtigaas oo dhan markii la doonto tulmo ah labaatan, waxaa laga helay toban keliya, oo markii loo yimaado in macsarada khamriga laga soo dhaansado konton weel, waxaa ku jiray labaatan weel oo keliya.

17. Anigu shuqulka gacmihiinna oo dhan waxaan ku dhuftay beera-engeeg iyo cariyaysi iyo roobdhagaxyaale, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.

18. Haddaba waan idin baryayaaye maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada, oo bishii sagaalaad maalinteedii afar iyo labaatanaad oo ahayd maalintii la dhigay aasaaska macbudka Rabbiga, aad uga fiirsada.

19. Maqsinka iniino ma ku jiraan? Hubaal canabka iyo berdaha iyo rummaanka iyo saytuunka midkoodna midho ma dhalin, laakiinse maanta inta ka bilaabata waan idin barakayn doonaa.

20. Markaasaa mar labaad eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, taasuna waxay ahayd bisha maalinteedii afar iyo labaatanaad, oo wuxuu ku yidhi,

21. La hadal Serubaabel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaan gariirin doonaa samooyinka iyo dhulkaba,

22. waanan afgembiyi doonaa carshiga boqortooyooyinka, oo waan baabbi'in doonaa xoogga boqortooyooyinka quruumaha, waanan afgembiyi doonaa gaadhifardoodyada iyo kuwa fuushanba, oo fardaha iyo kuwa ku joogaaba way dhici doonaan, oo mid kastaaba wuxuu ku dhiman doonaa seefta walaalkiis.

23. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, Addoonkaygiiyow, ina Salaatii'eelow, maalintaas waan ku qaadan doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan kaa dhigi doonaa sidii shaabad oo kale, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan ku doortay.

About XAGGAY Chapter 2

Read XAGGAY Chapter 2 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of XAGGAY in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: XAGGAY
Chapter: 2
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading XAGGAY. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading XAGGAY Chapter 2 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is XAGGAY Chapter 2?

XAGGAY Chapter 2 is part of the Book of XAGGAY in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete XAGGAY Chapter 2 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Xaggay

  1. XAGGAY Chapter 1

Related Chapters & Readings

  1. YOOXANAA Chapter 10
  2. TAARIIKHDII LAB Chapter 1
  3. BOQORRADII LABA Chapter 11
  4. ISHACYAAH Chapter 6
  5. CIBRAANIYADA Chapter 5
  6. TAARIIKHDII LAB Chapter 12
  7. TIRINTII Chapter 17
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *