CESRAA Chapter 5

For English

Read CESRAA Chapter 5 Online

Read CESRAA Chapter 5 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of CESRAA in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of CESRAA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

CESRAA 5

Cutub 5

1. Haddaba nebiyadii ahaa Nebi Xaggay, iyo Sekaryaah ina Iddo ayaa wax u sii sheegay Yuhuuddii degganayd Yahuudah iyo Yeruusaalem, oo magaca Ilaaha reer binu Israa'iil ayay wax ugu sii sheegeen.

2. Markaasaa waxaa kacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, oo waxay bilaabeen inay dhisaan gurigii Ilaah oo ku yaal Yeruusaalem; oo waxaa iyaga la jiray oo caawinayay nebiyadii Ilaah.

3. Oo isla markaasba waxaa u yimid Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay iyo saaxiibbadood, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa amar idin siiyey inaad gurigan dhistaan, iyo inaad derbigan dhammaysaan?

4. Markaasaannu sidan kula hadalnay, oo ku nidhi, Nimanka dhismahan dhisaya magacyadooda maxaa la yidhaahdaa?

5. Laakiinse duqowdii Yuhuudda waxaa isha ku hayay Ilaahooda, oo iyana shuqulkii ma ay joojin ilaa xaalku soo gaadho Daariyus, oo warqad jawaab ah ee taas ku saabsan loo soo celiyo.

6. Tanu waa naqilkii warqaddii Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadiis oo ahaa reer Afarsekaayee oo webiga shishadiisa joogay ay u soo direen boqorkii Daariyus.

7. Warqad bay u direen, oo waxaa ku qornaa wax sidan ah: Boqor Daariyusow, nabadi korkaaga ha ahaato.

8. Boqorow, bal ogow inaannu tagnay gobolka Yahuudah, oo soo aragnay gurigii Ilaaha weyn, oo dhagaxyo waaweyn lagu dhisay, oo derbiyadiisana alwaax la dhex geliyey, oo shuqulkaasuna dadaal buu ku socdaa oo gacmahooduu ku liibaanaa.

9. Oo waxaannu duqowdaas weyddiinnay oo ku nidhi, Yaa idin siiyey amar aad gurigan ku dhistaan, oo aad derbigan ku dhammaysaan?

10. Oo haddana waxaannu kaloo weyddiinnay magacyadoodii, si aan kuu ogeysiinno, iyo si aan kuugu soo qorno nimanka madaxdooda ah magacyadooda.

11. Oo iyana sidanay jawaab noogu soo celiyeen oo yidhaahdeen, Waxaannu nahay addoommadii Ilaaha samada iyo dhulka, oo waxaannu dhisaynaa gurigan oo sannado badan oo hore la dhisay, oo boqor weyn oo reer binu Israa'iil ahu uu dhisay oo dhammeeyey.

12. Laakiinse awowayaashayadii waxay ka xanaajiyeen Ilaaha samada, oo taas daraaddeed ayuu ugu riday gacantii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kii reer Kaldayiin oo gurigan dumiyey oo dadkiina Baabuloon u kaxaystay.

13. Laakiinse Kuuros oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddiisii kowaad ayaa Boqor Kuuros bixiyey amar lagu dhiso gurigan Ilaah.

14. Oo weliba weelashii dahabka iyo lacagta ahaa ee gurigii Ilaah oo uu Nebukadnesar ka qaaday macbudkii Yeruusaalem ku yiil oo uu geeyey macbudkii Baabuloon, kuwaas boqor Kuuros wuu ka soo bixiyey macbudkii Baabuloon, oo waxaa loo soo dhiibay mid magiciisa la odhan jiray Sheeshbasar, oo uu isagu taliye ka dhigay;

15. oo wuxuu isagii ku yidhi, Tag oo weelashan qaad, oo waxaad gelisaa macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo gurigii Ilaahna ha laga dhiso meeshiisii.

16. Markaasaa Sheeshbasarkii yimid, oo wuxuu dhigay aasaaskii guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo tan iyo waagaas waa la dhisayay, laakiinse weli lama dhammaystirin.

17. Haddaba sidaas daraaddeed, haddii ay kula wanaagsan tahay, boqorow, bal ha la baadho gurigaaga khasnadda ah oo Baabuloon ku yaal, bal inay saas tahay in Boqor Kuuros amar ku bixiyey in la dhiso gurigan Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo noo soo dir wixii aad xaalkan ka damacsan tahay.

About CESRAA Chapter 5

Read CESRAA Chapter 5 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of CESRAA in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: CESRAA
Chapter: 5
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading CESRAA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading CESRAA Chapter 5 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is CESRAA Chapter 5?

CESRAA Chapter 5 is part of the Book of CESRAA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete CESRAA Chapter 5 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from cesraa

  1. CESRAA Chapter 8
  2. CESRAA Chapter 7
  3. CESRAA Chapter 6
  4. CESRAA Chapter 1
  5. CESRAA Chapter 3
  6. CESRAA Chapter 9
  7. CESRAA Chapter 4

Related Chapters & Readings

  1. NEXEMYAAH Chapter 3
  2. YOONIS Chapter 2
  3. BAXNIINTII Chapter 7
  4. SAMUU’EEL LABAA Chapter 2
  5. TAARIIKHDII LAB Chapter 19
  6. EFESOS Chapter 6
  7. FALIMAHA RASUUL Chapter 6
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *