Read 1 KORINTOS Chapter 13 Online
Read 1 KORINTOS Chapter 13 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of 1 KORINTOS in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of 1 KORINTOS and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
1 KORINTOS 13
Cutub 13
1. Haddaan ku hadlo afafka dadka iyo malaa'igaha, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxaan noqday naxaas dhawaaqaysa ama saxan bir ah oo sanqadhaya oo kale.
2. Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax sii sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoonta oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuraha ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi.
3. Oo wax kastaan leeyahay haddaan bixiyo oo masaakiinta ku quudiyo, iyo haddaan jidhkayga bixiyo in la gubo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ii tari maayo.
4. Jacaylku waa samir badan yahay, waana raxiim, jacaylku ninna ma xasdo, jacaylku ma faano, mana kibro,
5. wax aan u ekayn ma falo, nafsaddiisana wax uma doondoono, mana xanaaqo, sharna kuma fikiro,
6. xaqdarrada kuma farxo, laakiin wuxuu ku farxaa runta.
7. Wax walba wuu u dulqaataa, wax walba wuu rumaystaa, wax walba wuu rajeeyaa, wax walba wuu u adkaystaa.
8. Jacaylku weligii ma idlaado. Hadday wax sii sheegiddii jirto, way baabbi'i doontaa, hadday afaf jiraan way dhammaan doonaan, hadday aqooni jirto way baabbi'i doontaa.
9. Waayo, waxaynu naqaan waa qabyo, oo si qabyo ahaan ah ayaynu wax u sii sheegnaa.
10. Laakiin markii waxa dhammi ay yimaadaan, waxa qabyada ahi way idlaan doonaan.
11. Markaan ilmo yar ahaan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u hadli jiray, sidii ilmo oo kale ayaan wax u garan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u fikiri jiray, laakiinse haatan waxaan noqday nin weyn, oo waxyaalihii carruurnimada waan iska fogeeyey.
12. Haatan si aan caddaan ahayn ayaynu muraayad wax ugu aragnaa, laakiin markaas ka fool ka fool ayaynu wax u arki doonnaa. Hadda si qabyo ahaan ah ayaan wax u garanayaa, laakiin markaas waxaan u garan doonaa sidii la ii gartay.
13. Haddabase waxa waaraa waa saddexdan, rumaysad iyo rajo iyo jacayl; laakiin kuwan waxaa ugu wada weyn jacayl.
About 1 KORINTOS Chapter 13
Read 1 KORINTOS Chapter 13 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of 1 KORINTOS in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: 1 KORINTOS
Chapter: 13
Testament: New Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading 1 KORINTOS. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading 1 KORINTOS Chapter 13 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is 1 KORINTOS Chapter 13?
1 KORINTOS Chapter 13 is part of the Book of 1 KORINTOS in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete 1 KORINTOS Chapter 13 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from 1 Korintos
- 1 KORINTOS Chapter 1
- 1 KORINTOS Chapter 10
- 1 KORINTOS Chapter 5
- 1 KORINTOS Chapter 15
- 1 KORINTOS Chapter 3
- 1 KORINTOS Chapter 2
- 1 KORINTOS Chapter 14
Explore More from Axdiga Cusub
- 1 KORINTOS Chapter 6
- 1 KORINTOS Chapter 4
- CIBRAANIYADA Chapter 2
- FALIMAHA RASUUL Chapter 13
- MATAYOS Chapter 21
- MUUJINTII Chapter 3
- 1 TIMOTEYOS Chapter 1