Read GALATIYA Chapter 6 Online
Read GALATIYA Chapter 6 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of GALATIYA in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of GALATIYA and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
GALATIYA 6
Cutub 6
1. Walaalayaalow, nin haddii xadgudub lagu qabto, kuwiinna Ruuxa raaca midka caynkaas ah ku soo celiya qabow, adigoo isdhawraya si aan adna laguu jirrabin.
2. Midba midka kale culaabta ha u qaado, oo sidaas ku oofiya sharciga Masiixa.
3. Haddii nin isu maleeyo inuu weyn yahay isagoo aan waxba ku fillayn, wuu iskhiyaaneeyaa.
4. Laakiin nin kastaa shuqulkiisa ha tijaabiyo, dabadeedna faan ayuu iska heli doonaa oo ku kale kama heli doono.
5. Waayo, nin kastaaba waa inuu culaabtiisa qaato.
6. Kan hadalka la baraa wax walba oo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax bara.
7. Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa.
8. Waayo, kii jidhkiisa wax ku beertaa wuxuu jidhka ka goosan doonaa qudhun, laakiin kii Ruuxa wax ku beertaa, wuxuu Ruuxa ka goosan doonaa nolol weligeed ah.
9. Oo wanaagfalidda yeynan ka daalin, waayo, wakhtigeeda ayaynu wax ka goosan doonnaa haddaynan ka qalbi jabin.
10. Sidaas daraaddeed markaynu wakhtiga haysanno, kulli aan wanaag u samayno, khusuusan dadka rumaysadka leh.
11. Bal eega xuruufta waaweyn oo aan gacantayda idiinku soo qoray.
12. Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga.
13. Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan.
14. Laakiinse yaanay noqon inaan wax kale ku faano iskutallaabta Rabbigeenna Ciise Masiix mooyaane, tan dunidu iigu musmaarantay, anna aan dunida ugu musmaarmay.
15. Waayo, gudniinta iyo buuryoqabnimada midna waxba ma tarto, laakiinse waxaa wax tara abuurid cusub.
16. In alla intii qaynuunkan ku socota, iyo Israa'iilka Ilaahba, nabad iyo naxariisuba dushooda ha ahaadeen.
17. Hadda dabadeed ninna yuu i dhibin, waayo, waxaa jidhkayga ku yaal sumadihii Ciise.
18. Walaalayaalow, nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.
About GALATIYA Chapter 6
Read GALATIYA Chapter 6 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of GALATIYA in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: GALATIYA
Chapter: 6
Testament: New Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading GALATIYA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading GALATIYA Chapter 6 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is GALATIYA Chapter 6?
GALATIYA Chapter 6 is part of the Book of GALATIYA in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete GALATIYA Chapter 6 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdiga Cusub
- MARKOS Chapter 1
- MARKOS Chapter 5
- MARKOS Chapter 2
- MARKOS Chapter 12
- MARKOS Chapter 10
- MARKOS Chapter 4
- MARKOS Chapter 11