Read 2 YOOXANAA Chapter 1 Online
Read 2 YOOXANAA Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of 2 YOOXANAA in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of 2 YOOXANAA and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
2 YOOXANAA 1
Cutub 1
1. >Anigoo odayga ah waxaan salaamayaa marwada la doortay iyo carruurteeda aan runta ku jeclahay, keligayna ma ahaye, laakiin xataa waxaa jecel kuwa runta yaqaan oo dhan,
2. runta inagu dhex jirta, weligeedna inagu dhex jiri doonta aawadeed.
3. Nimco iyo naxariis iyo nabad ka yimaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Ciise Masiix oo ah Wiilka Aabbaha ayaa inala jiri doona xagga runta iyo jacaylka.
4. Aad baan ugu farxay markaan arkay carruurtaadii qaarkood oo runta ku socda, waana sidaynu Aabbaha amar uga helnay.
5. Oo haatan waxaan kaa baryayaa, murwoy, sidii anigoo aan kuu soo qorayn amar cusub laakiinse kii aynu tan iyo bilowgii haysannay, kaasoo ah inaynu isjeclaanno.
6. Tanu waa jacayl inaynu amarradiisa ku soconno. Amarkiina waa kan, waana sidaad tan iyo bilowgii u maqli jirteen inaad ku socotaan.
7. Waayo, khaa'inno badan baa dunida u soo baxay, waana kuwa aan qiran in Ciise Masiix jidh ku yimid. Kaasu waa khaa'inka iyo ku Masiixa ka gees ah.
8. Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.
9. Mid kasta oo dhaafa oo aan cilmiga Masiixa ku sii socon, kaasu Ilaah ma leh; laakiin kii cilmiga ku sii socdaa, Aabbaha iyo Wiilka labadaba wuu leeyahay.
10. Haddii nin idiin yimaado oo uusan cilmigan idiin keenin, gurigiinna ha soo gelinina, hana salaamina,
11. waayo, kii salaamaa, wuxuu ka qayb galaa shuqulladiisa sharka ah.
12. In kastoo aan hayo wax badan oo aan idiin soo qoro, ma aan jeclayn inaan warqad iyo khad idiinku soo qoro; laakiinse waxaan rajaynayaa inaan idiin imaado oo aan afkayga idinkula hadlo, si ay farxaddiinnu u buuxsanto.
13. Carruurtii walaashaada la doortay way ku soo salaamayaan.
About 2 YOOXANAA Chapter 1
Read 2 YOOXANAA Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of 2 YOOXANAA in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: 2 YOOXANAA
Chapter: 1
Testament: New Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading 2 YOOXANAA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading 2 YOOXANAA Chapter 1 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is 2 YOOXANAA Chapter 1?
2 YOOXANAA Chapter 1 is part of the Book of 2 YOOXANAA in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete 2 YOOXANAA Chapter 1 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from 2 Yooxanaa
Explore More from Axdiga Cusub
- 1 KORINTOS Chapter 7
- MARKOS Chapter 9
- 1 KORINTOS Chapter 15
- MUUJINTII Chapter 14
- 2 KORINTOS Chapter 9
- 1 YOOXANAA Chapter 3
- EFESOS Chapter 3