SEKARYAAH Chapter 4

For English

Read SEKARYAAH Chapter 4 Online

Read SEKARYAAH Chapter 4 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SEKARYAAH in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SEKARYAAH and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

SEKARYAAH 4

Cutub 4

1. Oo haddana malaggii ila hadlay ayaa i toosiyey, sidii nin hurdo laga soo toosiyey.

2. Oo wuxuu igu yidhi, War maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa oo u jeedaa laambad wada dahab ah, oo maddiibaddeedana iyaday kor sarantahay, oo toddobadeeda laambadood ee yaryarna way kor yaalliin, oo waxaa jira toddobada tuubbo oo ku socota laambad yar oo kasta oo ku kor taal.

3. Oo agteedana waxaa ku yaal laba geed oo saytuun ah, oo mid wuxuu ku yaal maddiibadda dhankeeda midig, oo kan kalena wuxuu ku yaal maddiibadda dhankeeda bidix.

4. Oo anna waan jawaabay oo la hadlay malaggii ila hadlay oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu?

5. Markaasaa malaggii ila hadlay jawaabay oo wuxuu igu yidhi, War miyaadan aqoon waxa kuwanu yihiin? Oo anna waxaan ku idhi, Maya, sayidkaygiiyow.

6. Markaasuu jawaabay oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu u soo diray Serubaabel, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Itaal kuma aha, xoogna kuma aha, laakiinse waxay ku tahay ruuxayga.

7. Buurtan weynay, kumaad tahay? Serubaabel hortiisa waxaad ku noqon doontaa bannaan. Oo isna wuxuu soo bixin doonaa dhagaxa madaxa ah isagoo dhawaaqaya oo leh, Ammaan ha u ahaato, ammaan ha u ahaato.

8. Oo weliba waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu igu yidhi,

9. Serubaabel gacmihiisa ayaa dhigay gurigan aasaaskiisa, oo weliba gacmihiisaa dhammayn doona, oo waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadu ii soo kaa diray.

10. Waayo, bal yaa quudhsaday maalinta waxyaalaha yaryar? Waayo, iyagu way rayrayn doonaan, oo waxay arki doonaan xadhigga miisaanka oo ku jira gacanta Serubaabel, waana toddobadan oo ah indhihii Rabbiga. Iyagu dhulka oo dhan ayay hore iyo dibba u fiiriyaan.

11. Markaasaan jawaabay, oo waxaan isagii ku idhi, Waa maxay labadan geed oo saytuunka ah oo ku yaal laambadda dhankeeda midig iyo dhankeeda bidixba?

12. Oo haddana mar labaad baan jawaabay oo waxaan ku idhi, Waa maxay labadan laamood oo saytuunka ah oo ku ag yaal labada tuubbo oo dahabka ah oo saliidda dahabka ah iska madhiya?

13. Oo isna wuu ii jawaabay oo wuxuu igu yidhi, War miyaadan aqoon waxa kuwanu yihiin? Oo anna waxaan ku idhi, Maya, sayidkaygiiyow.

14. Oo isna kolkaasuu igu yidhi, Kuwanu waa labada la subkay oo ag istaaga Sayidka dhulka oo dhan.

About SEKARYAAH Chapter 4

Read SEKARYAAH Chapter 4 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SEKARYAAH in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: SEKARYAAH
Chapter: 4
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SEKARYAAH. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading SEKARYAAH Chapter 4 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is SEKARYAAH Chapter 4?

SEKARYAAH Chapter 4 is part of the Book of SEKARYAAH in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete SEKARYAAH Chapter 4 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from sekaryaah

  1. SEKARYAAH Chapter 6
  2. SEKARYAAH Chapter 3
  3. SEKARYAAH Chapter 10
  4. SEKARYAAH Chapter 5
  5. SEKARYAAH Chapter 13
  6. SEKARYAAH Chapter 9
  7. SEKARYAAH Chapter 7

Related Chapters & Readings

  1. 2 TIMOTEYOS Chapter 2
  2. ISHACYAAH Chapter 47
  3. SHARCIGA KUNOQO Chapter 16
  4. BOQORRADII LABA Chapter 22
  5. TAARIIKHDII LAB Chapter 4
  6. TIRINTII Chapter 12
  7. MIIKAAH Chapter 5
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *