Read YEXESQEEL Chapter 7 Online
Read YEXESQEEL Chapter 7 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YEXESQEEL in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of YEXESQEEL and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
YEXESQEEL 7
Cutub 7
1. Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
2. Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu dalka reer binu Israa'iil ku leeyahay, Waa kaa dhammaadkii, dalka afartiisa geesood dhammaadkii baa gaadhay.
3. Dhammaadkii haddeer buu kugu soo degay, oo cadhadaydaan kugu ridi doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan.
4. Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, laakiinse siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kaa abaalmarin doonaa, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
5. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Belaayo! Belaayo gooni ah! Bal fiiriya, way soo socotaaye!
6. Dhammaad baa yimid, dhammaadkii waa yimid, bal eeg, wuu kugu soo toosayaa, oo haddana waa soo socdaaye!
7. Kan dalka dhex degganow, masiibadaadii waa kuu timid! Wakhtigii waa yimid, oo maalintuna way soo dhow dahay, taasoo ah maalin dhibeed oo aan ahayn dhawaaqa faraxa badan ee buuraha korkooda.
8. Goor dhow baan cadhadayda kugu kor shubi doonaa, oo xanaaqaygaan kugu kor dhammaystiri doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan.
9. Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa siday jidadkaagu ahaayeen, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigoo Rabbiga ahu wax idinku dhufto.
10. Bal maalinta eega, bal eega way imanaysaa, masiibadaadii waa soo baxday, ushii way magooshay, oo kibir waa ubxiyey.
11. Dulmigii wuxuu u kacay sidii ul shareed. Midkoodna ma hadhi doono badnaantooda iyo maalkooda badan toona, oo looma barooran doono.
12. Wakhtigii waa yimid, oo maalintii way soo dhow dahay. Kan wax iibsadaa yuusan waxba rayrayn, kan wax iibiyaana yuusan waxba murugoon, waayo, dadkooda badan oo dhanba cadhaa dul saaran.
13. Waayo, kan wax iibiyey uma uu soo noqon doono wixii uu iibiyey in kastoo uu weli kuwa noolnool ku dhex jiro, waayo, waxyaalihii la tusay waxay ku saabsan yihiin dadkooda badan oo dhan, oo midkoodna innaba sooma noqon doono, xumaanta noloshiisana kuma xoogaysan doono.
14. Turumbadii bay ku dhufteen, oo wax kastaba way sii diyaariyeen, laakiinse midna dagaalka uma baxo, waayo, dadkooda badan cadhadaydii baa dul saaran.
15. Seeftii dibadday joogtaa, oo belaayadii iyo abaartiina gudahay ku jiraan. Kii berrinka joogaa seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada joogaana abaar iyo belaayo ayaa baabbi'in doona.
16. Laakiinse kuwoodii baxsadaa way cayman doonaan, oo waxay joogi doonaan buuraha dushooda sida qoolleyda dooxooyinka iyagoo kulligood barooranaya oo mid kastaaba xumaantiisii aawadeed u ooyaya.
17. Gacmaha oo dhammu way taag gabi doonaan, oo jilbaha oo dhammuna sida biyo oo kale ayay u tabaryaraan doonaan.
18. Oo weliba iyagu waxay guntan doonaan dhar joonyad ah, oo naxdin baa liqi doonta, oo wejiyada oo dhammuna way ceeboobi doonaan, oo madaxyada oo dhammuna way xiirnaan doonaan.
19. Lacagtooda jidadkay ku xoori doonaan, oo dahabkooduna wuxuu noqon doonaa sida wasakh oo kale. Maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooduba ma ay samatabbixin kari doonaan. Naftooda ma ay dhergin doonaan, oo calooshoodana kama ay buuxin doonaan, maxaa yeelay, kuwaasu waxay ahaayeen dhagaxii turunturada ee xumaantooda.
20. Quruxdii sharraxaaddiisa kibir bay u beddeleen, oo waxay ka sameeyeen sanamyada waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo la nacay, sidaas daraaddeed waxaan iyaga uga dhigay sida wasakh oo kale.
21. Oo booli ahaan ayaan shisheeyayaal gacanta ugu gelin doonaa oo sida wax la soo dhacay oo kalena ayaan sharrowyada dunida u siin doonaa, oo iyaguna way nijaasayn doonaan.
22. Oo weliba wejigaygana iyagaan ka sii jeedin doonaa, oo iyana meeshayda qarsoon bay nijaasayn doonaan, oo kuwa wax dhaca ayaa gudaheeda geli doona oo nijaasayn doona.
23. Silsilad samee, waayo, dalka waxaa ka buuxda gacankudhiiglenimo, oo magaaladana waxaa ka buuxa dulmi.
24. Sidaas daraaddeed waxaan u keeni doonaa kuwa ugu liita ee quruumaha, oo iyana guryahooda way hantiyi doonaan, oo weliba waxaan joojin doonaa kuwa xoogga badan kibirkooda, oo meelahooda quduuska ahna waa la wada nijaasayn doonaa.
25. Halligaad baa imanaysa, oo iyagu nabad bay doondooni doonaan, laakiinse innaba ma ay jiri doonto.
26. Belaayaba belaayay ku soo kor degi doontaa, war belef ahuna war belef ah buu ka kor iman doonaa, oo markaasay wax nebi la tuso doondooni doonaan, laakiinse sharcigu wadaaddada wuu ka baabbi'i doonaa, oo taladuna odayaasha way ka dhammaan doontaa.
27. Boqorku wuu barooran doonaa, oo amiirkuna cabsi buu huwan doonaa, oo dadka dalka deggan gacmahooduna way gariiri doonaan, oo anigu siday jidadkoodu ahaayeen ayaan ku samayn doonaa, oo siday galabsadaanna waan u xukumi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
About YEXESQEEL Chapter 7
Read YEXESQEEL Chapter 7 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YEXESQEEL in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: YEXESQEEL
Chapter: 7
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading YEXESQEEL. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading YEXESQEEL Chapter 7 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is YEXESQEEL Chapter 7?
YEXESQEEL Chapter 7 is part of the Book of YEXESQEEL in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete YEXESQEEL Chapter 7 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from Yexesqeel
- YEXESQEEL Chapter 41
- YEXESQEEL Chapter 6
- YEXESQEEL Chapter 31
- YEXESQEEL Chapter 35
- YEXESQEEL Chapter 29
- YEXESQEEL Chapter 21
- YEXESQEEL Chapter 24