Read GALATIYA Chapter 5 Online
Read GALATIYA Chapter 5 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of GALATIYA in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of GALATIYA and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
GALATIYA 5
Cutub 5
1. Xorriyad ayuu Masiixu inagu xoreeyey. Haddaba adkaada, oo mar dambe yaan laydinku qaban harqoodka addoonnimada.
2. Bal ogaada, aniga oo Bawlos ah waxaan idinku leeyahay, Haddii laydin gudo, Masiixu waxba idiin tari maayo.
3. Waxaan haddana ugu markhaati furayaa, nin kasta oo la gudo, waxaa ku waajib ah inuu sharciga oo dhan sameeyo.
4. Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen.
5. Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada.
6. Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.
7. Si wanaagsan baad u ordayseen, ee yaa idinka hor joogsaday inaydnaan runta addeecin?
8. Taladanu kama iman kan idiin yeedhaya.
9. In yar oo khamiir ah cajiinka oo dhan bay khamiirisaa.
10. Xagga Rabbiga waan idin hubaa inaydnaan wax kale ka fikirayn, laakiin kii idin dhibaa, xukunkiisuu qaadan doonaa mid kastuu yahayba.
11. Laakiin, walaalayaalow, haddii aan anigu weli gudniinta wax ku wacdiyo, maxaa weli la ii silciyaa? Haddaba xumaan-u-qaadashada iskutallaabtu waa dhammaatay.
12. Waxaan jeclaan lahaa in kuwa idin wareeriyaa ay isgooyaan.
13. Waayo, walaalayaalow, waxaa laydiinku yeedhay xorriyad, laakiin xorriyaddiinna jidhka marmarsiinyo ha uga dhigina, laakiin midkiinba midka kale kalgacayl ha ugu adeego.
14. Waayo, sharciga oo dhammu hadal keliya buu ku dhammaaday, waana kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.
15. Laakiin haddaad isqaniintaan oo iscuntaan, iska dhawra yeydnan isbaabbi'in.
16. Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.
17. Waayo, damaca jidhku waa ka gees Ruuxa, Ruuxuna waa ka gees jidhka, maxaa yeelay, kuwanu waa kala gees, si aydnaan u samayn waxyaalahaad doonaysaan.
18. Laakiinse haddii Ruuxu idin hoggaamiyo, sharciga kuma hoos jirtaan.
19. Shuqullada jidhku waa muuqdaan, waana kuwan, sino, wasakhnimo, dhillanimo,
20. sanamcaabudid, sixirnimo, cadownimo, dirir, masayr, xanaaq, is-ilaaq, iskala qaybqaybin, bidcinimo,
21. xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah.
22. Laakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo,
23. qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro.
24. Kuwa Ciise Masiix waxay iskutallaabta ku qodbeen jidhka iyo kacsigiisa xaaraanta ah iyo damacyadiisa sharka ah.
25. Haddii aynu Ruuxa ku nool nahay, aynu Ruuxana ku soconno.
26. Yeynan iskibrin, oo iska xanaajin, oo isxaasidin.
About GALATIYA Chapter 5
Read GALATIYA Chapter 5 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of GALATIYA in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: GALATIYA
Chapter: 5
Testament: New Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading GALATIYA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading GALATIYA Chapter 5 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is GALATIYA Chapter 5?
GALATIYA Chapter 5 is part of the Book of GALATIYA in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete GALATIYA Chapter 5 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdiga Cusub
- MATAYOS Chapter 1
- MATAYOS Chapter 16
- MATAYOS Chapter 5
- MATAYOS Chapter 10
- MATAYOS Chapter 6
- MATAYOS Chapter 15
- MATAYOS Chapter 14