YOONIS Chapter 1

For English

Read YOONIS Chapter 1 Online

Read YOONIS Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YOONIS in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of YOONIS and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

YOONIS 1

Cutub 1

1. Haddaba waxaa Yoonis ina Amitay u yimid Eraygii Rabbiga oo sidan ku leh,

2. Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo iyada ku qayli, waayo, sharkoodii wuxuu yimid hortayda.

3. Laakiinse Yoonis wuxuu u kacay inuu Rabbiga hortiisa ka cararo oo xagga Tarshiish u baxsado. Markaasuu Yaafaa u dhaadhacay oo wuxuu halkaas ka helay doonni Tarshiish tegaysa. Sidaas daraaddeed lacagtii nooliguu bixiyey, kolkaasuu gudaha galay, waayo, wuxuu doonayay inuu iyaga Tarshiish u raaco oo uu ka cararo Rabbiga hortiisa.

4. Laakiinse Rabbigu wuxuu baddii ku soo daayay dabayl weyn, kolkaasaa waxaa baddii ka dhex kacay duufaan xoog leh, doonnidiina waxay ku dhowaatay inay burburto.

5. Markaasay raggii baxriyiinta ahaa aad u baqeen, oo mid waluba wuxuu u qayshaday ilaahiisii. Alaabtii doonnida ku jirtayna badday ku dhex tuureen, si ay doonnidu iyaga ugu fududaato. Laakiinse wuxuu Yoonis mar hore u dhaadhacay doonnida meesha ugu hoosaysa, oo halkaasuu seexday, wuxuuna ku jiray hurdo weyn.

6. Haddaba waxaa isagii u yimid naakhudihii doonnida, oo ku yidhi, Hurdahayow, maxaad u jeeddaa? Kac oo Ilaahaaga u qayli, waaba intaasoo uu inaga fikiraa inaannan halligmine.

7. Oo wuxuu midba midkii kale ku yidhi, Kaalaya aynu saami ridannee si aan u ogaanno kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Sidaas daraaddeed saami bay riteen, oo saamigiina wuxuu ku dhacay Yoonis.

8. Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye noo sheeg kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Waa maxay shuqulkaagu? Oo xaggee baad ka timid? Waddankaagu waa kee? Dadkaaguna waa ayo?

9. Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaan ahay Cibraani, oo waxaan ka cabsadaa Rabbiga ah Ilaaha samada, oo ah Kan abuuray badda iyo berrigaba.

10. Markaasay nimankii aad iyo aad u cabsadeen, oo ku yidhaahdeen, Waa maxay waxa aad samaysay? Waayo, waxay ogaadeen inuu Rabbiga hortiisa ka soo cararay, maxaa yeelay, isagaa u sheegay.

11. Markaasay ku yidhaahdeen, Si baddu noogu degto aawadeed haddaba bal maxaannu kugu samaynaa? Waayo, badda duufaankeedii aad iyo aad buu u sii weynaaday.

12. Oo isna wuxuu ku yidhi, Kor ii qaada oo badda igu dhex tuura, sidaasay baddu idiinku degi doontaaye, waayo, waxaan ogahay in duufaankan weynu daraadday idiinku soo kacay.

13. Habase yeeshee nimankii aad bay seeb doonnidii ugu wadeen oo ugu dadaaleen inay xeebtii ku soo noqdaan, laakiinse way kari waayeen, maxaa yeelay, badda duufaankeedii oo ka gees ahaa aad iyo aad buu u sii weynaaday.

14. Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbiyow, waannu ku baryaynaa, oo waannu ku baryaynaaye, yaannan u halligmin nolosha ninkan aawadeed, oo annaga ha na saarin dhiig aan xaq qabin, waayo, Rabbiyow, waxaad samaysay sidii aad ku faraxday.

15. Sidaas daraaddeed Yoonis bay kor u qaadeen oo waxay ku dhex tuureen baddii, kolkaasay baddii joojisay cadhadeedii.

16. Markaasay nimankii aad iyo aad Rabbiga uga cabsadeen, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabari, nidarrona way galeen.

17. Oo Rabbigu wuxuu Yoonis u diyaariyey kalluun weyn oo isaga liqa; Yoonisna wuxuu kalluunka calooshiisii ku dhex jiray saddex habeen iyo saddex maalmood.

About YOONIS Chapter 1

Read YOONIS Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YOONIS in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: YOONIS
Chapter: 1
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading YOONIS. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading YOONIS Chapter 1 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is YOONIS Chapter 1?

YOONIS Chapter 1 is part of the Book of YOONIS in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete YOONIS Chapter 1 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from yoonis

  1. YOONIS Chapter 4
  2. YOONIS Chapter 3
  3. YOONIS Chapter 2

Related Chapters & Readings

  1. YEXESQEEL Chapter 25
  2. SHARCIGA KUNOQO Chapter 4
  3. MATAYOS Chapter 14
  4. SAMUU’EEL LABAA Chapter 4
  5. YOO’EEL Chapter 3
  6. LAAWIYIINTII Chapter 16
  7. MATAYOS Chapter 26
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *