LAAWIYIINTII Chapter 2

For English

Read LAAWIYIINTII Chapter 2 Online

Read LAAWIYIINTII Chapter 2 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of LAAWIYIINTII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of LAAWIYIINTII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

LAAWIYIINTII 2

Cutub 2

1. Oo markii qof qurbaan hadhuudh ah Rabbiga u bixinayo, qurbaankiisu ha ahaado bur, oo waa inuu saliid ku shubaa, oo fooxna saaraa.

2. Oo isagu ha u keeno wadaaddada wiilasha Haaruun ah, oo cantoobo muggeed ha ka qaato burka, iyo saliidda, iyo fooxa oo dhan, oo wadaadku xusuus ahaan meesha allabariga dusheeda ha ugu gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

3. Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

4. Oo markaad bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo foorno lagu dubay, ha ahaado moofo aan khamiir lahayn oo laga sameeyo bur saliid lagu daray, ama canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay.

5. Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo digsi lagu dubay, ha ahaado bur aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray.

6. Waa inaad cad cad u kala jejebisid oo aad saliid ku shubtid, waayo, waa qurbaan hadhuudh ah.

7. Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo birdaawe lagu dubay, markaas ha laga sameeyo bur saliid lagu daray.

8. Oo qurbaanka hadhuudhka ah oo waxyaalahaas laga sameeyey waa inaad Rabbiga u keentaa, oo waa in wadaadka loo dhiibaa, oo isna meesha allabariga ha keeno.

9. Oo wadaadku qurbaanka hadhuudhka ah waa inuu ka qaadaa intii xusuusta ahayd, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

10. Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan, oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

11. Qurbaan hadhuudh ah oo aad Rabbiga u bixinaysaan waa inaan khamiir lagu samayn, waayo, waa inaydaan khamiir iyo malab toona sidii qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo u gubin.

12. Iyaga waa inaad Rabbiga ugu bixisaan sidii qurbaan midhaha ugu horreeya ah, laakiinse waa inaan meesha allabariga loogu dul gubin caraf udgoon aawadeed.

13. Oo qurbaan kasta oo ah qurbaankaaga hadhuudhka ah waa inaad cusbaysaa, oo waa inaadan innaba u oggolaan in cusbadii axdiga Ilaahaaga ay ka maqnaato qurbaankaaga hadhuudhka ah. Qurbaannadaada oo dhan waa inaad cusbo la bixisaa.

14. Oo haddaad Rabbiga u bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo midhaha ugu horreeya ah, qurbaankaaga hadhuudhka ah oo midhaha ugu horreeya ah waxaad u bixisaa sabuul qoyan oo la dubay oo la tumay.

15. Oo waa inaad saliid ku shubtaa, fooxna saartaa, waayo, taasu waa qurbaan hadhuudh ah.

16. Oo wadaadku waa inuu gubaa intii xusuusta ahayd, oo qaarkeed ha ahaado hadhuudhka tuman, qaarkeedna ha ahaado saliiddeeda, iyo fooxeeda oo dhan, waayo, taasu waa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

About LAAWIYIINTII Chapter 2

Read LAAWIYIINTII Chapter 2 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of LAAWIYIINTII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: LAAWIYIINTII
Chapter: 2
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading LAAWIYIINTII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading LAAWIYIINTII Chapter 2 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is LAAWIYIINTII Chapter 2?

LAAWIYIINTII Chapter 2 is part of the Book of LAAWIYIINTII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete LAAWIYIINTII Chapter 2 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from laawiyiintii

  1. LAAWIYIINTII Chapter 20
  2. LAAWIYIINTII Chapter 10
  3. LAAWIYIINTII Chapter 21
  4. LAAWIYIINTII Chapter 27
  5. LAAWIYIINTII Chapter 6
  6. LAAWIYIINTII Chapter 24
  7. LAAWIYIINTII Chapter 17

Related Chapters & Readings

  1. SABUURRADII Chapter 137
  2. YEREMYAAH Chapter 1
  3. SABUURRADII Chapter 115
  4. CIBRAANIYADA Chapter 11
  5. YOOXANAA Chapter 13
  6. SHARCIGA KUNOQO Chapter 22
  7. ISHACYAAH Chapter 15
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *