Read BOQORRADII LABA Chapter 16 Online
Read BOQORRADII LABA Chapter 16 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BOQORRADII LABA in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of BOQORRADII LABA and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
BOQORRADII LABA 16
Cutub 16
1. Feqax ina Remalyaah sannaddiisii toddoba iyo tobnaad ayaa Aaxaas ina Yootam boqor ka noqday dalka Yahuudah.
2. Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman.
3. Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
4. Oo isna wuxuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba.
5. Markaasaa waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan; wayna hareereeyeen Aaxaas, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.
6. Oo waagaas Resiin oo ahaa boqorkii reer Suuriya wuxuu Suuriya u soo celiyey Eelad, oo Yuhuuddiina wuu ka eryay Eelad, markaasay reer Suuriya Eelad yimaadeen, oo ilaa maantana way deggan yihiin.
7. Sidaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay.
8. Oo Aaxaas wuxuu qaaday lacagtii iyo dahabkii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorkaba, oo wuxuu hadiyad ahaan ugu diray boqorkii Ashuur.
9. Oo boqorkii Ashuurna wuu maqlay; markaasaa boqorkii Ashuur Dimishaq ku kacay oo qabsaday, oo dadkiina maxaabiis ahaan buu Qiir ugu kaxaystay, oo Resiinna wuu dilay.
10. Oo Boqor Aaxaasna wuxuu Dimishaq u tegey inuu Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur la kulmo, oo wuxuu arkay meeshii allabariga ee Dimishaq ku tiil; markaasaa Boqor Aaxaas wuxuu wadaadkii Uuriyaah ahaa u diray tilmaantii meeshii allabariga siday u ekayd iyo siduu hanaankeedu ahaa iyo sidii loo sameeyey oo dhan.
11. Markaasaa wadaadkii Uuriyaah ahaa u dhisay meel allabari sidii Boqor Aaxaas Dimishaq ka soo diray oo kale, oo wadaadkii Uuriyaah ahaa taas buu sameeyey intuusan Boqor Aaxaas Dimishaq ka iman.
12. Oo markuu boqorkii Dimishaq ka yimid wuxuu arkay meeshii allabariga, markaasuu u dhowaaday meeshii allabariga oo wax buu ku dul bixiyey.
13. Oo wuxuu meeshii allabariga ku dul gubay qurbaankiisii la gubi jiray iyo qurbaankiisii hadhuudhka ahaa, oo qurbaankiisii cabniinka wuu ku dul shubay, oo wuxuu ku saydhsaydhay dhiiggii qurbaannadiisii nabaadiinada.
14. Oo meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo Rabbiga hor tiilna wuu ka soo qaaday guriga hortiisii iyo meeshii u dhexaysay meeshiisa allabariga iyo gurigii Rabbiga, oo wuxuu dhigay meeshiisii allabariga dhinaceeda woqooyi.
15. Oo Boqor Aaxaas wuxuu amray wadaadkii Uuriyaah ahaa, oo ku yidhi, Meesha allabariga oo weyn waxaad dusheeda ku gubtaa qurbaanka la gubo oo subaxda, iyo qurbaanka hadhuudhka ah oo fiidnimada, iyo qurbaanka la gubo ee boqorka, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo dadka dalka deggan oo dhan, iyo qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka; oo dhiigga qurbaanka la gubo oo dhanna dusheeda ku saydhsaydh, iyo dhiigga allabariga; laakiinse meesha allabariga ee naxaasta ahu ha ahaato mid aan wax ku weyddiisto.
16. Haddaba wadaadkii Uuriyaah ahaa sidaasuu u wada yeelay wixii Boqor Aaxaas ku amray oo dhan.
17. Oo Boqor Aaxaasna wuxuu jaray saldhigyadii darfahoodii, oo berkeddii weysadana wuu ka kor qaaday, oo berkeddii naxaasta ahaydna wuu ka dejiyey dibidii hoosteeda ku jirtay, oo wuxuu saaray meel sallax ah.
18. Oo boqorkii Ashuur aawadiis ayuu gurigii Rabbiga ugu soo beddelay meeshii daboolnayd ee sabtida ee guriga looga dhex dhisay iyo meeshii boqorku ka soo geli jirayba.
19. Haddaba Aaxaas falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
20. Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.
About BOQORRADII LABA Chapter 16
Read BOQORRADII LABA Chapter 16 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BOQORRADII LABA in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: BOQORRADII LABA
Chapter: 16
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading BOQORRADII LABA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading BOQORRADII LABA Chapter 16 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is BOQORRADII LABA Chapter 16?
BOQORRADII LABA Chapter 16 is part of the Book of BOQORRADII LABA in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete BOQORRADII LABA Chapter 16 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from boqorradii-laba
- BOQORRADII LABA Chapter 18
- BOQORRADII LABA Chapter 21
- BOQORRADII LABA Chapter 1
- BOQORRADII LABA Chapter 10
- BOQORRADII LABA Chapter 20
- BOQORRADII LABA Chapter 19
- BOQORRADII LABA Chapter 11