SAMUU’EEL KOWAA Chapter 31

For English

Read SAMUU'EEL KOWAA Chapter 31 Online

Read SAMUU’EEL KOWAA Chapter 31 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SAMUU’EEL KOWAA in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SAMUU’EEL KOWAA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

SAMUU'EEL KOWAA 31

Cutub 31

1. Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.

2. Oo reer Falastiinna aad bay u eryadeen Saa'uul iyo wiilashiisii, markaasaa reer Falastiin waxay dileen Yoonaataan, iyo Abiinaadaab, iyo Melkiishuuca oo ahaa Saa'uul wiilashiisii.

3. Oo dagaalkiina aad buu ugu sii kululaaday Saa'uul, oo waxaa isagii gaadhay qaansoleydii, oo isna qaansoleydii aawadeed ayuu dhib badan ula kulmay.

4. Markaasaa Saa'uul wuxuu kii hubka u siday ku yidhi, War seeftaada la soo bax oo iga mudhbixi, waaba intaasoo buuryoqabyadanu yimaadaan oo ay intay seef iga mudhbixiyaan i caayaane. Laakiinse kii hubka u siday wuu diiday, waayo, aad buu u cabsaday. Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu qaatay seeftiisii, markaasuu ku dul dhacay.

5. Oo kii hubka u sidayna markuu arkay in Saa'uul dhintay, isna wuxuu ku dul dhacay seeftiisii, wuuna la dhintay.

6. Sidaas daraaddeed maalintaas waxaa wada dhintay Saa'uul, iyo saddexdiisii wiil, iyo kii hubka u siday, iyo raggiisii oo dhan.

7. Oo raggii reer binu Israa'iil oo dooxadii dhankeeda kale joogay, iyo kuwii Webi Urdun shishadiisa joogay, markay arkeen in raggii reer binu Israa'iil carareen oo Saa'uul iyo wiilashiisii ay dhinteen ayay magaalooyinkii ka tageen oo carareen; markaasaa reer Falastiin yimaadeen oo iska degeen.

8. Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo saddexdiisii wiil oo Buur Gilboca ku dhintay.

9. Markaasay madaxii ka gooyeen, oo hubkiisiina way ka furteen, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan gurigii sanamyadooda iyo dadkiiba.

10. Oo hubkiisiina gurigii Cashtarod ayay dhigeen, meydkiisiina derbigii Beytshaan bay ku xidheen.

11. Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen,

12. waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo habeenkii oo dhan ayay sii guuraynayeen, markaasay Beytshaan derbigiisii ka soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay yimaadeen Yaabeesh, oo halkaasay ku gubeen.

13. Markaasay lafahoodii qaadeen oo ku aaseen geed Yaabeesh ku yiil hoostiisa, toddoba maalmoodna way soomeen.

About SAMUU'EEL KOWAA Chapter 31

Read SAMUU’EEL KOWAA Chapter 31 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SAMUU’EEL KOWAA in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: SAMUU’EEL KOWAA
Chapter: 31
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SAMUU’EEL KOWAA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading SAMUU’EEL KOWAA Chapter 31 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is SAMUU'EEL KOWAA Chapter 31?

SAMUU’EEL KOWAA Chapter 31 is part of the Book of SAMUU’EEL KOWAA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete SAMUU’EEL KOWAA Chapter 31 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from samuu'eel-kowaa

  1. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 25
  2. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 11
  3. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 30
  4. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 24
  5. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 19
  6. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 21
  7. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 15

Related Chapters & Readings

  1. YOOXANAA Chapter 12
  2. YOO’EEL Chapter 2
  3. BAXNIINTII Chapter 7
  4. SABUURRADII Chapter 55
  5. YEREMYAAH Chapter 39
  6. 1 KORINTOS Chapter 2
  7. TAARIIKHDII LAB Chapter 1
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *