Read YEREMYAAH Chapter 40 Online
Read YEREMYAAH Chapter 40 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YEREMYAAH in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of YEREMYAAH and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
YEREMYAAH 40
Cutub 40
1. Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Nebuusaradaan oo sirkaalkii waardiyayaasha ahaa uu Yeremyaah oo silsilado ku xidhan iyo dadka Yeruusaalem iyo kuwa dalka Yahuudah maxaabiis ahaan Baabuloon ugu kaxaynayay oo uu Yeremyaah Raamaah ku sii daayay.
2. Sirkaalkii waardiyayaashu Yeremyaah ayuu soo kexeeyey, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa masiibadan meeshan kaga hadlay.
3. Haddaba Rabbigu wuu dejiyey, oo wuxuu u sameeyey siduu ku hadlay, maxaa yeelay, Rabbigaad ku dembaabteen, oo codkiisiina ma aydaan addeecin, oo sidaas daraaddeed ayaa waxanu idiinku dheceen.
4. Haddaba bal eeg, maanta silsiladihii gacanta kaaga xidhnaa waan kaa furay. Hadday kula wanaagsan tahay inaad Baabuloon ii raacdid, kaalay oo aniguna si wanaagsan baan kuu dhaqaalayn doonaa, laakiinse hadday kula xun tahay inaad Baabuloon ii raacdid, iska dhaaf. Bal eeg, dalkii oo dhammu adiguu ku hor yaal. Haddaba meel alla meeshii kula wanaagsan ee kula habboon inaad tagtid, tag.
5. Oo weliba intuusan dib u noqonin ayuu ku yidhi, Waxaad ku noqotaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan oo boqorkii Baabuloon uu taliye uga dhigay magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo isaga la joog dadka dhexdiisa, amase waxaad tagtaa meel alla meeshii kula habboon inaad tagtid. Markaas sirkaalkii waardiyayaashu wuxuu isagii siiyey sahay iyo hadiyad, kolkaasuu iska sii daayay.
6. Markaas Yeremyaah wuxuu Gedalyaah ina Ahiiqaam ugu tegey Misfaah, oo isaguu la dhex degay dadkii dalka ku hadhay.
7. Oo saraakiishii ciidammadii duurka ku jiray oo dhan iyo raggoodiiba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu dalkii taliye uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam, oo uu isagii u dhiibay rag, iyo naago, iyo carruurba, kuwaasoo ahaa masaakiintii dalka ku hadhay oo aan Baabuloon maxaabiis ahaan loogu kaxaysan,
8. ayay Gedalyaah ugu yimaadeen Misfaah, waxayna ahaayeen Ismaaciil ina Netanyaah, iyo Yooxaanaan iyo Yoonaataan oo ahaa ilma Qaaree'ax, iyo Seraayaah ina Tanxumed, iyo ilma Ceefay oo ahaa reer Netofaah iyo Yesanyaah oo ahaa wiilkii kii reer Macakaah, iyagii iyo raggoodii oo dhammuba.
9. Markaasaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan wuxuu dhaar u maray iyagii iyo raggoodiiba, oo wuxuu ku yidhi, Ha ka cabsanina inaad reer Kaldayiin u adeegtaan. Haddaba dalka iska degganaada, oo boqorka Baabuloon u adeega, oo idinna waad nabdoonaan doontaan.
10. Aniguna waxaan degganaan doonaa Misfaah, si aan ugu joogo reer Kaldayiinka hadba noo imanaya, idinkuse waxaad urursataan khamri, iyo midhaha beergoosadka, iyo saliid, oo weelashiinna ku shubta, oo waxaad degganaataan magaalooyinkii aad qabsateen.
11. Sidaas oo kalena Yuhuuddii reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom dhex joogtay oo dhan, iyo kuwii dalalka kale joogay oo dhammuba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu qaar kaga tegey dalkii Yahuudah iyo inuu iyagii madax uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan
12. ayay Yuhuuddii oo dhammu ka soo wada noqdeen meelihii loo kala eryay oo dhan, oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah, oo Gedalyaah bay ugu yimaadeen Misfaah, markaasay soo ururiyeen khamri iyo midhaha beergoosadka oo fara badan.
13. Oo weliba Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammadii duurka ku jiray oo dhammuba waxay Gedalyaah ugu yimaadeen Misfaah
14. oo waxay ku yidhaahdeen, Ma og tahay in Bacaliis oo ah boqorka reer Cammoon uu Ismaaciil ina Netanyaah u soo diray inuu ku dilo? Laakiinse Gedalyaah ina Ahiiqaam ma uu rumaysan.
15. Markaasaa Yooxaanaan ina Qaaree'ax si qarsoodi ah Gedalyaah ugula hadlay Misfaah, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye inaan tago ii fasax, Ismaaciil ina Netanyaah aan soo dilee oo ciduna ma ogaan doonto. Bal muxuu kuu dilayaa oo ay Yuhuuddii kugu soo wada ururtay oo dhammu u kala firdhaan, oo intii dadka dalka Yahuudah ka hadhayna ay u dhintaan?
16. Laakiinse Gedalyaah ina Ahiiqaam wuxuu Yooxaanaan ina Qaaree'ax ku yidhi, Adigu waxan waa inaadan innaba samayn, waayo, been baad Ismaaciil ka sheegaysaa.
About YEREMYAAH Chapter 40
Read YEREMYAAH Chapter 40 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YEREMYAAH in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: YEREMYAAH
Chapter: 40
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading YEREMYAAH. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading YEREMYAAH Chapter 40 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is YEREMYAAH Chapter 40?
YEREMYAAH Chapter 40 is part of the Book of YEREMYAAH in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete YEREMYAAH Chapter 40 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from Yeremyaah
- YEREMYAAH Chapter 7
- YEREMYAAH Chapter 3
- YEREMYAAH Chapter 30
- YEREMYAAH Chapter 16
- YEREMYAAH Chapter 46
- YEREMYAAH Chapter 6
- YEREMYAAH Chapter 38