FALIMAHA RASUUL Chapter 14

For English

Read FALIMAHA RASUUL Chapter 14 Online

Read FALIMAHA RASUUL Chapter 14 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of FALIMAHA RASUUL in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of FALIMAHA RASUUL and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

FALIMAHA RASUUL 14

Cutub 14

1. Waxaa Ikoniyon ka dhacday inay wada galeen sunagogga Yuhuudda, oo siday u hadleen aawadeed dad badan oo Yuhuud iyo Gariigba ah ayaa rumaystay.

2. Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii.

3. Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan.

4. Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii.

5. Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan,

6. ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan;

7. meeshaasna ayay injiilka ku wacdiyeen dadka.

8. Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon.

9. Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay,

10. wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday.

11. Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka'oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg.

12. Barnabasna waxay u bixiyeen Yubiter; Bawlosna waxay u bixiyeen Merkuriyos, maxaa yeelay, wuxuu ahaa kii hadalka waday.

13. Markaasaa wadaadkii Yubiter oo macbudkiisu ku yiil magaalada horteeda, wuxuu irdaha keenay dibiyo, iyo ubaxyo isku taxan, wuxuuna doonayay inuu dadkii badnaa la sadqeeyo.

14. Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya

15. oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,

16. kaasoo qarniyada tegey quruumaha oo dhan u oggolaaday inay jidadkooda ku socdaan.

17. Hase ahaatee isu maragfurla'aan iskama sii dayn, laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad.

18. Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga.

19. Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay.

20. Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe.

21. Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh,

22. iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah.

23. Oo markay iyagii kiniisad walba waayeello uga dooreen oo ay soon ku tukadeen, waxay iyagii ku ammaana geliyeen Rabbiga ay rumaysteen.

24. Markaasay sii dhex mareen Bisidiya oo yimaadeen Bamfuliya.

25. Oo kolkay ereyga kaga hadleen Berga ayay waxay tageen Ataliya;

26. meeshaasna waxay uga dhoofeen Antiyokh, taasoo ahayd meeshii iyaga lagaga ammaana geliyey nimcadii Ilaah shuqulkii ay sameeyeen aawadiis.

27. Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn.

28. Markaasay wakhti aan yarayn xertii la joogeen.

About FALIMAHA RASUUL Chapter 14

Read FALIMAHA RASUUL Chapter 14 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of FALIMAHA RASUUL in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: FALIMAHA RASUUL
Chapter: 14
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading FALIMAHA RASUUL. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading FALIMAHA RASUUL Chapter 14 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is FALIMAHA RASUUL Chapter 14?

FALIMAHA RASUUL Chapter 14 is part of the Book of FALIMAHA RASUUL in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete FALIMAHA RASUUL Chapter 14 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdiga Cusub

  1. MARKOS Chapter 5
  2. MARKOS Chapter 1
  3. MARKOS Chapter 2
  4. MARKOS Chapter 10
  5. MARKOS Chapter 4
  6. MARKOS Chapter 12
  7. MARKOS Chapter 15

Explore More from falimaha-rasuul

  1. FALIMAHA RASUUL Chapter 4
  2. FALIMAHA RASUUL Chapter 21
  3. FALIMAHA RASUUL Chapter 10
  4. FALIMAHA RASUUL Chapter 3
  5. FALIMAHA RASUUL Chapter 23
  6. FALIMAHA RASUUL Chapter 26
  7. FALIMAHA RASUUL Chapter 24

Related Chapters & Readings

  1. XAAKINNADA Chapter 3
  2. KOLOSAY Chapter 1
  3. AYUUB Chapter 29
  4. ISHACYAAH Chapter 32
  5. SABUURRADII Chapter 94
  6. SEKARYAAH Chapter 7
  7. ISHACYAAH Chapter 48
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *