FALIMAHA RASUUL Chapter 12

For English

Read FALIMAHA RASUUL Chapter 12 Online

Read FALIMAHA RASUUL Chapter 12 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of FALIMAHA RASUUL in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of FALIMAHA RASUUL and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

FALIMAHA RASUUL 12

Cutub 12

1. Haddaba wakhtigaas boqorkii Herodos ahaa ayuu wuxuu gacmihiisa u fidiyey inuu dhibo qaar ka mid ah kuwa kiniisadda.

2. Wuxuuna seef ku dilay Yacquub oo ahaa Yooxanaa walaalkiis.

3. Oo markuu arkay inay ka farxisay Yuhuuddii, ayuu weliba ku daray inuu soo qabto Butros. Maalmahaasna waxay ahaayeen maalmihii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn.

4. Oo kolkuu qabtayna, wuxuu ku riday xabsi, oo u dhiibay afar kooxood oo afar askari ah inay ilaaliyaan, isagoo doonaya inuu Iidda Kormaridda dabadeed dadka u soo saaro.

5. Sidaas darteed Butros xabsigaa lagu hayay; laakiin kiniisadda baa Ilaah aad iyo aad ugu bariday isaga.

6. Oo markii Herodos damcay inuu soo saaro, isla habeenkaas Butros wuxuu kala dhex hurday laba askari isagoo ku xidhan laba silsiladood; waardiyayaalna albaabka hortiisa ayay xabsiga ka ilaalinayeen.

7. Oo bal eega, malaa'igtii Rabbiga baa is-ag taagtay, oo iftiin baana xabsiga iftiimiyey. Markaasay Butros dhinaca ku dhufatay oo toosisay, oo waxay ku tidhi, Dhaqso u kac. Kolkaasaa silsiladihiina gacmihiisii ka dhaceen.

8. Markaasaa malaa'igtii waxay ku tidhi, Gunto oo kabahaaga xidho. Taas buuna yeelay. Markaasay waxay ku tidhi isagii, Dharkaagii huwo oo i soo raac.

9. Markaasuu soo baxay oo raacay; ma uuna garanaynin in waxay malaa'igtu samaysay ay run tahay, laakiin wuxuu u maleeyey inuu riyo arkay.

10. Oo markay dhaafeen waardiyihii kowaad iyo kii labaad ayay waxay yimaadeen iriddii birta ahayd oo magaalada loo mari jiray; taas oo iyagii isaga furantay; markaasay ka baxeen oo waxay sii dhex mareen jid yar; markiiba malaa'igtii waa ka tagtay isagii.

11. Oo markii Butros isgartay ayuu wuxuu yidhi, Imminka run ahaantii waan garanayaa in Rabbigu malaa'igtiisii soo diray oo iga bixiyey gacanta Herodos iyo wixii dadka Yuhuuddu filanayeen oo dhan.

12. Kolkuu waxaas ka fikiray, wuxuu yimid gurigii Maryan, oo ahayd hooyadii Yooxanaa oo Markos la odhan jiray; meeshaasoo dad badan ku urursanaayeen oo ku tukanayeen.

13. Markuu albaabka iridda garaacayna, waxaa timid gabadh midiidin ah oo Roda la odhan jiray inay maqasho.

14. Kolkay codkii Butros garatay, farxad darteed bay albaabka u furi weyday, laakiin gudaha bay ku orodday, wayna sheegtay in Butros iridda hor taagan yahay.

15. Markaasay waxay ku yidhaahdeen iyadii, Waad waalan tahay. Laakiin way ku sii adkaysatay inay sidaa tahay. Iyaguse waxay yidhaahdeen, Waa malaa'igtiisii.

16. Laakiin Butros waa sii garaacay, oo kolkay albaabka fureenna, way arkeen isagii, wayna yaabeen.

17. Laakiin isagoo u gacan haadinaya inay aamusaan ayuu wuxuu u sheegay sida Rabbigu xabsiga uga soo saaray. Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan u sheega Yacquub iyo walaalahaba. Markaasuu ka tegey oo meel kale aaday.

18. Markii waagu beryay, qasmid aan yarayn ayaa askartii ka dhex kacday waxa Butros ku dhacay aawadeed.

19. Oo Herodos markuu raadiyey isagii oo heli waayay, ayuu wuxuu imtixaamay askartii, oo wuxuu ku amray in iyaga la laayo. Markaasuu Yahuudiya ka tegey oo Kaysariya aaday, oo meeshaasuu joogay.

20. Dadka Turos iyo Siidoon ayuu aad uga xumaaday; markaasay u yimaadeen isagii iyagoo isku wada qalbi ah, oo waxay la saaxiibeen Balaastos kii gurigii boqorka u talin jiray, oo nabad bay ka baryeen, maxaa yeelay, waddankooda waxaa cuntada siin jiray waddankii boqorka.

21. Maalintii la ballamay ayaa Herodos wuxuu gashaday dharkii boqornimada oo carshiga ku fadhiistay, markaasuu iyaga qudbad u jeediyey.

22. Dadkiina waa qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu waa ilaah codkiis ee ma aha bini-aadan codkiis.

23. Markiiba ayaa malaa'igtii Rabbigu ku dhufatay, maxaa yeelay, Ilaah ma uu ammaanin; markaasaa waxaa cunay dixiryo, oo naftiina ka dhacday.

24. Laakiin Rabbiga ereygiisu waa kordhay oo batay.

25. Barnabas iyo Sawlos ayaa ka soo noqday Yeruusaalem markay shuqulkoodii soo dhammaysteen, oo waxay wateen Yooxanaa oo la odhan jiray Markos.

About FALIMAHA RASUUL Chapter 12

Read FALIMAHA RASUUL Chapter 12 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of FALIMAHA RASUUL in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: FALIMAHA RASUUL
Chapter: 12
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading FALIMAHA RASUUL. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading FALIMAHA RASUUL Chapter 12 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is FALIMAHA RASUUL Chapter 12?

FALIMAHA RASUUL Chapter 12 is part of the Book of FALIMAHA RASUUL in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete FALIMAHA RASUUL Chapter 12 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdiga Cusub

  1. MARKOS Chapter 5
  2. MARKOS Chapter 1
  3. MARKOS Chapter 2
  4. MARKOS Chapter 10
  5. MARKOS Chapter 4
  6. MARKOS Chapter 12
  7. MARKOS Chapter 15

Explore More from falimaha-rasuul

  1. FALIMAHA RASUUL Chapter 14
  2. FALIMAHA RASUUL Chapter 1
  3. FALIMAHA RASUUL Chapter 16
  4. FALIMAHA RASUUL Chapter 11
  5. FALIMAHA RASUUL Chapter 20
  6. FALIMAHA RASUUL Chapter 9
  7. FALIMAHA RASUUL Chapter 21

Related Chapters & Readings

  1. BILOWGII Chapter 43
  2. LUUKOS Chapter 4
  3. SABUURRADII Chapter 71
  4. TAARIIKHDII KOW Chapter 15
  5. TIRINTII Chapter 9
  6. LAAWIYIINTII Chapter 15
  7. ROOMA Chapter 6
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *