Read HOOSHEECA Chapter 1 Online
Read HOOSHEECA Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of HOOSHEECA in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of HOOSHEECA and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
HOOSHEECA 1
Cutub 1
1. Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Hoosheeca ina Be'eeri wakhtigii dalka Yahuudah ay boqorrada ku ahaayeen Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah, iyo wakhtigii dalka Israa'iil uu boqorka ku ahaa Yaaraabcaam ina Yoo'aash.
2. Rabbigu markuu Hoosheeca markii ugu horraysay la hadlay, wuxuu Rabbigu Hoosheeca ku yidhi, Tag, oo waxaad guursataa naag dhillo ah oo waxaad yeelataa carruur dhillo dhashay, waayo, dadka dalku Rabbigay ka fogaadaan sida naagu ninkeeda uga sinaysata.
3. Sidaas daraaddeed wuu tegey oo wuxuu guursaday Gomer oo ahayd ina Diblaayim, oo iyana way uuraysatay, oo wiil bay isagii u dhashay.
4. Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magiciisa waxaad u bixisaa Yesreceel, waayo, in yar dabadeed waxaan dhiiggii Yesreceel ka aar gudi doonaa reerka Yeehuu, oo boqortooyada dadka Israa'iilna waan joojin doonaa.
5. Oo maalintaas ayaan qaansada dadka Israa'iil ku jebin doona dooxada Yesreceel.
6. Oo haddana mar kalay uuraysatay oo gabadh bay dhashay. Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Waxaad magaceeda u bixisaa Lo-Ruxaamaah, waayo, anigu mar dambe dadka Israa'iil u naxariisan maayo, oo sinaba u saamixi maayo.
7. Laakiinse waxaan u naxariisan doonaa dadka Yahuudah, oo waxaan iyaga ku badbaadin doonaa Rabbiga Ilaahooda ah, oo kuma badbaadin doono qaanso, ama seef, ama dagaal, ama fardo iyo fardooley toona.
8. Oo haddana markii ay Lo-Ruxaamaah naaskii ka gudhisay ayay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil.
9. Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Waxaad magiciisa u bixisaa Lo-Cammii, waayo, idinku dadkayga ma ahidin, oo aniguna Ilaahiin idiin ahaan maayo.
10. Laakiinse tirada dadka Israa'iil waxay ahaan doontaa sida cammuudda badda oo kale, taasoo aan la qiyaasi karin, lana tirin karin, oo waxay noqon doontaa meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ahidin, waxaa laga odhan doonaa, Idinku waxaad tihiin wiilashii Ilaaha nool.
11. Oo dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iilba waa laysu soo wada ururin doonaa, oo waxay dooran doonaan mid madax iyaga u ah, oo dalkana way ka bixi doonaan, waayo, maalinta Yesreceel maalin weyn bay ahaan doontaa.
About HOOSHEECA Chapter 1
Read HOOSHEECA Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of HOOSHEECA in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: HOOSHEECA
Chapter: 1
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading HOOSHEECA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading HOOSHEECA Chapter 1 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is HOOSHEECA Chapter 1?
HOOSHEECA Chapter 1 is part of the Book of HOOSHEECA in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete HOOSHEECA Chapter 1 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 4
- YEXESQEEL Chapter 24
- YEXESQEEL Chapter 5
- YEXESQEEL Chapter 15
Explore More from hoosheeca
- HOOSHEECA Chapter 10
- HOOSHEECA Chapter 7
- HOOSHEECA Chapter 4
- HOOSHEECA Chapter 12
- HOOSHEECA Chapter 13
- HOOSHEECA Chapter 5
- HOOSHEECA Chapter 3