Read SAMUU'EEL LABAA Chapter 9 Online
Read SAMUU’EEL LABAA Chapter 9 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SAMUU’EEL LABAA in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SAMUU’EEL LABAA and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
SAMUU'EEL LABAA 9
Cutub 9
1. Markaasaa Daa'uud yidhi, War reerkii Saa'uul wax ka hadhay ma jiraan, aan Yoonaataan aawadiis ugu roonaadee?
2. Reerkii Saa'uulna waxaa halkaas ka joogay addoon magiciisa la yidhaahdo Siibaa, oo isagii bay Daa'uud ugu yeedheen. Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Ma Siibaad baad tahay? Oo isna ku yidhi, Haah, waan ahay anoo addoonkaaga ah.
3. Markaasaa boqorkii yidhi, Miyaan reerkii Saa'uul wax ka hadhin aan Ilaah aawadiis ugu roonaadee? Siibaana wuxuu boqorkii ku yidhi, Waxaa ka hadhay wiil Yoonaataan dhalay, oo curyaan ah.
4. Kolkaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Xaggee buu joogaa? Siibaana wuxuu boqorkii ku yidhi, Wuxuu joogaa guriga Maakiir oo ah ina Cammii'eel ee deggan Loo Debaar.
5. Markaasaa Boqor Daa'uud u cid diray, oo ka soo kexeeyey gurigii Maakiir oo ahaa ina Cammii'eel, oo ku yiil Loo Debaar.
6. Dabadeedna waxaa Daa'uud u yimid Mefiiboshed, oo ahaa ina Yoonaataan, ina Saa'uul, oo intuu wejiga u dhacay ayuu u sujuuday. Kolkaasaa Daa'uud yidhi, War Mefiiboshedow. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Way kan anoo addoonkaaga ah.
7. Markaasaa Daa'uud isagii ku yidhi, Ha cabsan, waayo, xaqiiqa waxaan kuugu roonaan doonaa aabbahaa Yoonaataan aawadiis, oo weliba waxaan kuu celin doonaa dhulkii awowgaa Saa'uul oo dhan; oo miiskaygana had iyo goor wax baad ka cuni doontaa.
8. Oo isna intuu u sujuuday ayuu ku yidhi, Bal maxaad igu aragtay anigoo u eg eey dhintay, anoo addoonkaaga ahna maxaan ahay?
9. Markaasaa boqorkii wuxuu u yeedhay Siibaa, oo ahaa Saa'uul midiidinkiisii, oo wuxuu ku yidhi, Kulli wixii Saa'uul lahaa iyo wax alla wixii reerkiisu lahaa oo dhan waxaan siiyey wiilkii sayidkaaga.
10. Haddaba waa inaad dhulka u fashaan isaga, adiga iyo wiilashaada iyo addoommadaaduba, oo midhahana waa inaad gudaha soo gelisaa si uu sayidkaaga wiilkiisu u helo wax uu cuno, laakiinse sayidkaaga wiilkiisa Mefiiboshed ahu mar kasta wax buu ka cuni doonaa miiskayga. Haddaba Siibaa wuxuu lahaa shan iyo toban wiil iyo labaatan addoon.
11. Markaasaa Siibaa wuxuu boqorkii ku yidhi, Wax alla wixii adoo ah boqorka sayidkayga aad igu amarto anoo addoonkaaga ah, ayaan u yeelayaa. Oo boqorkiina wuxuu yidhi, Mefiiboshed wuxuu wax ka cuni doonaa miiskayga sidii mid boqorka wiilashiisa ka mid ah.
12. Oo Mefiiboshedna wuxuu lahaa wiil yar, oo magiciisuna wuxuu ahaa Miikaa. Intii Siibaa gurigiisa joogtay oo dhammu addoommay Mefiiboshed u ahaayeen.
13. Mefiiboshedna wuxuu degganaa Yeruusaalem, waayo, wuxuu had iyo goor wax ka cuni jiray miiskii boqorka, oo labada cagoodna curyaan buu ka ahaa.
About SAMUU'EEL LABAA Chapter 9
Read SAMUU’EEL LABAA Chapter 9 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SAMUU’EEL LABAA in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: SAMUU’EEL LABAA
Chapter: 9
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SAMUU’EEL LABAA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading SAMUU’EEL LABAA Chapter 9 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is SAMUU'EEL LABAA Chapter 9?
SAMUU’EEL LABAA Chapter 9 is part of the Book of SAMUU’EEL LABAA in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete SAMUU’EEL LABAA Chapter 9 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from samuu'eel-labaa
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 7
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 16
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 18
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 8
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 2
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 20
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 3