HOOSHEECA Chapter 12

For English

Read HOOSHEECA Chapter 12 Online

Read HOOSHEECA Chapter 12 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of HOOSHEECA in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of HOOSHEECA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

HOOSHEECA 12

Cutub 12

1. Reer Efrayim waxay quutaan dabayl oo waxay daba galaan dabaysha bari. Had iyo goorba been iyo baabba' bay badiyaan, oo waxay axdi la dhigtaan dadka dalka Ashuur, saliidna Masar bay u qaadaan.

2. Oo weliba Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadka Yahuudah, oo wuxuu reer Yacquub u ciqaabi doonaa si waafaqsan jidadkooda, oo wuxuu u abaalmarin doonaa si waafaqsan falimahooda.

3. Yacquub markuu uurka ku jiray walaalkiis buu cedhibta ku dhegay, oo markuu nin noqdayna Ilaah buu la dagaallamay.

4. Haah, oo wuxuu la dagaallamay malaa'igtii, wuuna ka adkaaday, wuuna ooyay oo baryay. Wuxuu isagii ka helay Beytel, oo halkaasuu nagula hadlay.

5. Rabbigu waa Ilaaha ciidammada. Rabbigu waa magiciisa lagu xusuusto.

6. Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahaaga u soo jeeso, oo naxariista iyo garsooridda xaji, oo had iyo goorna Ilaahaaga sug.

7. Dadkaygu waa baayacmushtari, oo waxaa gacanta ugu jira kafadihii khiyaanada, waxay jecel yihiin inay wax dulmaan.

8. Oo reer Efrayim wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah taajir baan noqday, oo maal baan helay, oo innaba hawlahayga oo dhan lagama heli doono xumaan dembi ah.

9. Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inaad mar kale teendhooyin degganaataan sidii wakhtigii iidda.

10. Oo weliba waxaan la hadlay nebiyadii, oo waxaan badiyey waxyaalo aan tusay, oo nebiyadana waxaan u soo dhiibay masaalooyin.

11. Reer Gilecaad waa xumaan miidhan oo iyagu dhammaantood waa wax aan waxtar lahayn. Waxay Gilgaal ku allabaryaan dibiyo, oo weliba meelahooda allabarigu waa sida tuulmooyin ku dhex yaal jeexjeexyada beerta oo kale.

12. Yacquub wuxuu ku dhex cararay beertii Aram, oo Israa'iil inuu naag helo buu u shaqeeyey oo ido u ilaaliyey.

13. Oo Rabbigu reer binu Israa'iil nebi buu kaga soo bixiyey dalkii Masar, oo nebi baa iyagii lagu ilaashay.

14. Reer Efrayim si qadhaadh bay Rabbiga uga xanaajiyeen, haddaba dhiiggoodu korkooduu ku hadhi doonaa, oo ceebtoodana Sayidkoodu waa ku soo celin doonaa.

About HOOSHEECA Chapter 12

Read HOOSHEECA Chapter 12 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of HOOSHEECA in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: HOOSHEECA
Chapter: 12
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading HOOSHEECA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading HOOSHEECA Chapter 12 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is HOOSHEECA Chapter 12?

HOOSHEECA Chapter 12 is part of the Book of HOOSHEECA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete HOOSHEECA Chapter 12 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from hoosheeca

  1. HOOSHEECA Chapter 3
  2. HOOSHEECA Chapter 1
  3. HOOSHEECA Chapter 2
  4. HOOSHEECA Chapter 13
  5. HOOSHEECA Chapter 7
  6. HOOSHEECA Chapter 10
  7. HOOSHEECA Chapter 14

Related Chapters & Readings

  1. FALIMAHA RASUUL Chapter 15
  2. DAANYEEL Chapter 1
  3. BOQORRADII KOWA Chapter 13
  4. SABUURRADII Chapter 70
  5. YEXESQEEL Chapter 37
  6. YEXESQEEL Chapter 33
  7. MIIKAAH Chapter 7
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *