Read BAXNIINTII Chapter 15 Online
Read BAXNIINTII Chapter 15 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BAXNIINTII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of BAXNIINTII and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
BAXNIINTII 15
Cutub 15
1. Markaasaa Muuse iyo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ugu gabyeen gabaygan, oo intay qaadeen, bay yidhaahdeen, Anigu Rabbiga waan u gabyi doonaa, waayo, ammaan buu ku guulaystay; Faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.
2. Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo isagu wuxuu noqday badbaadadayda. Kanu waa Ilaahay, oo anigu waan ammaani doonaa isaga; Waa Ilaahii aabbahay, aniguna waan sarraysiin doonaa.
3. Rabbigu waa dagaalyahan, Magiciisuna waa Rabbi.
4. Wuxuu Fircoon gaadhifardoodkiisii iyo ciidankiisiiba ku tuuray badda dhexdeeda, Oo saraakiishiisii la doortayna waxay tiimbadeen Badda Cas dhexdeeda.
5. Oo waxaa iyagii qariyey moolkii, Oo moolkay dhex tiimbadeen sidii dhagax oo kale.
6. Rabbiyow, gacantaada midig xoog bay ammaan ku leedahay, Rabbiyow, gacantaada midig cadowga bay burburisaa.
7. Oo mudnaantaada weynaanteeda ayaad ku jebisaa kuwa adiga kugu kaca. Oo waxaad soo dirtaa cadhadaada, kolkaasay iyaga u gubtaa sidii jirrido yaryar oo jajab ah.
8. Oo neeftii sankaaga aawadeed ayaa biyihii isdul rasaysmeen, Daadkiina kor buu u kacay sidii taallo; Moolkiina wuxuu ku adkaaday badda dhexdeeda.
9. Oo cadowgii wuxuu yidhi, Anigu waan eryan doonaa, anigu waan gaadhi doonaa, boolida waan kala qaybin doonaa. Oo damacaygu waa ka dhergi doonaa iyaga; Oo seeftaydaan galka kala bixi doonaa, gacantayduna way baabbi'in doontaa iyaga.
10. Adigu dabayshaadii baad ku afuuftay, oo baddii baa qarisay iyagii; Oo sidii laxaamad oo kale ayay u dhex tiimbadeen biyihii xoogga badnaa.
11. Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda? Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh, Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?
12. Adigu gacantaadii midig baad soo fidisay, Markaasaa dhulku liqay iyagii.
13. Oo raxmaddaadaad ku soo hor kacday dadkii aad soo madax furatay. Oo waxaad iyagii ku soo hor kacday xooggaaga, waxaadna u soo wadday rugtaada quduuska ah.
14. Oo dadyowgii baa maqlay, wayna gariireen. Kuwii Falastiin degganaana waxay noqdeen sidii dumar fool qabatay.
15. Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen; Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay. Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen.
16. Oo cabsi iyo naxdin baa ku dhacay iyagii. Oo gacantaada weynaanteeda aawadeed ayay sidii dhagax oo kale u aamuseen, Ilaa ay dadkaagu gudbeen, Rabbiyow, Ilaa ay dadkii aad soo iibsatay gudbeen.
17. Iyaga gudahaad soo gelin doontaa, oo waxaad ku beeri doontaa buurta dhaxalkaaga, Taasoo ah meesha aad u samaysatay inaad degganaatid, Rabbiyow, Waana meesha quduuska ah oo gacmahaagu diyaariyeen.
18. Rabbigu boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiisba.
19. Waayo, Fircoon fardihiisii waxay baddii la galeen gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii, oo Rabbigu biyihii badda ayuu dushooda ku soo celiyey; laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah.
20. Markaasaa Maryan oo nebiyad ahayd, Haaruunna walaashiis ahayd, ayaa waxay gacanteeda ku qaadatay daf; kolkaasaa dumarkii oo dhammu ka daba yaaceen iyagoo cayaaraya oo dafaf wata.
21. Markaasaa Maryan waxay ugu celisay iyagii, War Rabbiga u gabya, waayo, ammaan buu ku guulaystay; Oo faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.
22. Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil hore uga sii kexeeyey Badda Cas, oo waxay tageen cidlada Shuur la yidhaahdo; oo waxay cidlada ku dhex soconayeen saddex maalmood, oo biyona ma ay helin.
23. Oo markii ay yimaadeen Maaraah, way cabbi kari waayeen biyihii Maaraah, waayo, way qadhaadhaayeen, oo sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Maaraah.
24. Markaasay dadkii Muuse u gunuuseen, oo waxay yidhaahdeen, Bal maxaannu cabnaa?
25. Kolkaasuu Rabbiga u qayshaday, oo Rabbigu wuxuu tusay geed, geedkiina wuu ku dhex tuuray biyihii, markaasaa biyihii macaan noqdeen. Oo meeshaas buu wuxuu ugu sameeyey qaynuun iyo amar, oo meeshaas buu ku tijaabiyey iyagii;
26. oo wuxuu ku yidhi, Haddaad aad u dhegaysatid Rabbiga Ilaahaaga ah codkiisa, oo aad samaysid wixii ku hagaagsan indhihiisa hortooda, oo aad dhegta u dhigtid amarradiisa, oo aad dhawrtid qaynuunnadiisii oo dhan, de markaas anigu kugu ridi maayo cudurradii aan Masriyiinta ku riday midnaba; waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga ku bogsiiya.
27. Markaasay waxay yimaadeen meel la yidhaahdo Eelim, oo meeshaas waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah, iyo toddobaatan geed oo timir ah, oo halkaasay degeen biyaha agtooda.
About BAXNIINTII Chapter 15
Read BAXNIINTII Chapter 15 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BAXNIINTII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: BAXNIINTII
Chapter: 15
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading BAXNIINTII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading BAXNIINTII Chapter 15 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is BAXNIINTII Chapter 15?
BAXNIINTII Chapter 15 is part of the Book of BAXNIINTII in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete BAXNIINTII Chapter 15 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from Baxniintii
- BAXNIINTII Chapter 38
- BAXNIINTII Chapter 8
- BAXNIINTII Chapter 7
- BAXNIINTII Chapter 31
- BAXNIINTII Chapter 17
- BAXNIINTII Chapter 23
- BAXNIINTII Chapter 35