2 KORINTOS Chapter 6

For English

Read 2 KORINTOS Chapter 6 Online

Read 2 KORINTOS Chapter 6 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of 2 KORINTOS in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of 2 KORINTOS and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

2 KORINTOS 6

Cutub 6

1. Annagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryaynaa inaydnaan micnela'aan u qaadan nimcadii Ilaah,

2. waayo, wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan ku dhegaystay, Oo maalintii badbaadintana ayaan ku caawiyey. Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta.

3. Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin.

4. Laakiin sida midiidinyada Ilaah ayaannu wax walba isugu caddaynaynaa dulqaadasho badan, annagoo ku dhex jirna dhibaatooyin, iyo baahi, iyo cidhiidhiyo,

5. iyo karbaashyo, iyo xabsiyo, iyo rabshooyin, iyo hawlo, iyo soo jeedid, iyo soomid,

6. annagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Quduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn,

7. iyo hadalka runtaa, iyo xoogga Ilaah, iyo hubka xaqnimada ee midigta iyo bidixdaba,

8. haddii lana maamuuso iyo haddii lana maamuus jebiyoba, haddii war xun lanaga sheego, iyo haddii war wanaagsan lanaga sheegoba, sida annagoo ah khaa'inno laakiin kuwa runta ah;

9. sida kuwo aan la garanaynin laakiin la yaqaan, sida kuwo dhimanaya, laakiin bal eeg, waannu nool nahaye, sida kuwo la edbiyo, laakiin aan dhimasho la gaadhsiin,

10. sida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh.

11. Afkayagu waa idiin furan yahay, idinka dadka Korintosow, qalbigayaguna si weyn buu idiinku furan yahay.

12. Annagu idinma aannan cidhiidhiyin, laakiin waxaa idin cidhiidhiyey jacaylkiinna oo qudha.

13. Haddaba idinkuna sidaas oo kale abaalgud ahaan u qalbi furnaada. Waxaan idiinla hadlayaa sida carruutayda oo kale.

14. Ha noqonina kuwo ku xidhan kuwa aan rumaysanaynin, waayo, sidee bay xaqnimada iyo dembigu isu weheliyaan, ama sidee bay iftiinka iyo gudcurku isu dhex galaan?

15. Oo sidee bay Masiix iyo ina belaayo isku mid u yihiin? Ama maxaa ka dhexeeya mid rumaysta iyo mid aan rumaysanaynin?

16. Macbudka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada? Waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.

17. Sidaa daraaddeed, Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay, Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn, Waanan idin aqbali doonaa.

18. Waxaan idiin ahaan doonaa Aabbe, Oo idinkuna waxaad ii ahaan doontaan wiilal iyo gabdho, ayuu Rabbiga Qaadirka ahu leeyahay.

About 2 KORINTOS Chapter 6

Read 2 KORINTOS Chapter 6 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of 2 KORINTOS in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: 2 KORINTOS
Chapter: 6
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading 2 KORINTOS. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading 2 KORINTOS Chapter 6 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is 2 KORINTOS Chapter 6?

2 KORINTOS Chapter 6 is part of the Book of 2 KORINTOS in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete 2 KORINTOS Chapter 6 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from 2-korintos

  1. 2 KORINTOS Chapter 3
  2. 2 KORINTOS Chapter 12
  3. 2 KORINTOS Chapter 7
  4. 2 KORINTOS Chapter 5
  5. 2 KORINTOS Chapter 13
  6. 2 KORINTOS Chapter 10
  7. 2 KORINTOS Chapter 8

Explore More from Axdiga Cusub

  1. YOOXANAA Chapter 6
  2. MATAYOS Chapter 8
  3. CIBRAANIYADA Chapter 9
  4. YOOXANAA Chapter 3
  5. 3 YOOXANAA Chapter 1
  6. FILEMON Chapter 1
  7. MUUJINTII Chapter 15

Related Chapters & Readings

  1. DAANYEEL Chapter 1
  2. TIRINTII Chapter 32
  3. TAARIIKHDII LAB Chapter 22
  4. TAARIIKHDII KOW Chapter 23
  5. MATAYOS Chapter 19
  6. SABUURRADII Chapter 122
  7. YOOXANAA Chapter 14
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *