Read YOO'EEL Chapter 1 Online
Read YOO’EEL Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YOO’EEL in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of YOO’EEL and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
YOO'EEL 1
Cutub 1
1. Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Yoo'eel ina Fetuu'eel.
2. Odayaashow, kan maqla, oo dadka dalka degganow, dhammaantiin dhegta u dhiga. War tanu ma waxay dhacday wakhtigiinnii mase wakhtigii awowayaashiin?
3. Haddaba idinku carruurtiinna u sheega, oo carruurtiinnuna carruurtooda ha u sii sheegeen, oo carruurtooduna qarni kale ha u sii sheegeen.
4. Wixii koronkorrada ka hadhay ayax baa cunay, oo wixii ayaxa ka hadhayna laddaa baa cunay, oo wixii laddaaga ka hadhayna diir baa cuntay.
5. Kuwiinna sakhraamiinta ahow, toosa, oo ooya, kuwiinna khamriga cabta oo dhammow, khamrigii macaanaa aawadiis u baroorta, waayo, waa idinka go'ay.
6. Waayo, dalkaygii waxaa ku soo kacay quruun xoog badan oo aan tiro lahayn, oo ilkahoodu waa sida ilko libaax oo kale, oo waxay leeyihiin miciyo gool libaax oo kale.
7. Geedahaygii canabka ahaa way baabbi'iyeen, oo dhirtaydii berdaha ahaydna way diirteen, wayna mudhxiyeen oo kala tuurtuureen, oo laamahoodiina waa qayax cad.
8. Haddaba u musannaaba sidii gabadh joonyad xidhatay oo u barooranaysa arooskeedii ka dhintay.
9. Qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinku waa ka go'een gurigii Rabbiga, oo wadaaddada ah Rabbiga midiidinnadiisa way barooranayaan.
10. Beertii way ba'day oo dhulkii wuu barooranayaa, waayo, hadhuudhkii wuu baabba'ay, oo khamrigii cusbaana waa engegay, oo saliiddiina way cidlaanaysaa.
11. Kuwiinna beerreyda ahow, isku naxa, oo kuwiinna beeraha canabka ah ka shaqeeyow, u ooya sarreenka iyo shiciirka aawadood, waayo, beerta midhaheedii way baabbe'een.
12. Canabkii wuu engegay, oo berdihiina wuu dhaday, oo geedkii rummaanka, iyo geedkii timirta, iyo geedkii tufaaxa, iyo xataa dhirtii berrinka ku tiil oo dhammu way wada engegeen, oo farxaddiina way ka dhammaatay binu-aadmiga.
13. Kuwiinna wadaaddada ahow, joonyado guntada oo ooya, oo kuwiinna meesha allabariga ka adeegow, baroorta. Ilaahayga midiidinnadiisow, kaalaya oo habeenka oo dhan joonyado ku jiifa, waayo, qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinkaba waa laga joojiyey gurigii Ilaahiinna.
14. Haddaba soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa, oo soo wada ururiya odayaasha iyo dadka dalka deggan oo dhan, oo waxaad isugu keentaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah, oo markaas Rabbiga u qayshada.
15. Waxaa hoogtay maalintaas! Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay, oo waxay u imanaysaa sida halligaad ka timid xagga Ilaaha Qaadirka ah.
16. War cuntadii sow kama go'in indhahayaga hortooda, farxaddii iyo rayrayntiina sow kama baabbi'in gurigii Ilaahayaga?
17. Abuurkii la beeray wuxuu ku qalalay ciidda hoosteeda, oo maqsinnadiina way baabbe'een, oo bakhaarradiina waa la dumiyey, maxaa yeelay, hadhuudhkii baa qalalay.
18. Xayawaanku aad iyo aad bay u cabaadaan, oo sofyada lo'da ahu waxay la welwelsan yihiin daaqla'aan, oo xataa xeryaha idaha ahu waa dhibaataysan yihiin.
19. Rabbiyow, adigaan kuu qayshanayaa, waayo, dab baa laastay daaqii cidlada, oo dhirtii duurka ku tiilna olol baa wada gubay.
20. Haddaba xayawaankii duurku biyahay kaa doonayaan, waayo, durdurradii biyuhu way engegeen, oo daaqii cidladana dab baa laastay.
About YOO'EEL Chapter 1
Read YOO’EEL Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YOO’EEL in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: YOO’EEL
Chapter: 1
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading YOO’EEL. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading YOO’EEL Chapter 1 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is YOO'EEL Chapter 1?
YOO’EEL Chapter 1 is part of the Book of YOO’EEL in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete YOO’EEL Chapter 1 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5