YASHUUCA Chapter 23

For English

Read YASHUUCA Chapter 23 Online

Read YASHUUCA Chapter 23 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YASHUUCA in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of YASHUUCA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

A+ A A-

YASHUUCA 23

Cutub 23

1. Maalmo badan dabadood, markii Rabbigu reer binu Israa'iil ka nasiyey cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, Yashuucana da' weynaa, gabowna la dhacay,

2. ayaa Yashuuca u yeedhay reer binu Israa'iil oo dhan, iyo waayeelladoodii, iyo madaxdoodii, iyo xaakinnadoodii, iyo saraakiishoodii, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waan da' weynahay oo gabow baan la dhacay;

3. oo idinkuna waad aragteen kulli wixii Rabbigu quruumahan oo dhan ku sameeyey idinka aawadiin; waayo, kan idiin diriray waa Rabbiga Ilaahiinna ah.

4. Bal eega waan idiin qaybiyey quruumahan hadhay inay qabiilooyinkiinna dhaxal u ahaadaan, tan iyo Webi Urdun iyo kulli quruumihii aan gooyay, iyo xataa tan iyo xagga gabbalku u dhaco ee badda weyn.

5. Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinnuu ka tuuri doonaa, oo idinka hor eryi doonaa, oo markaasaad dalkooda hantiyi doontaan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkula hadlay.

6. Sidaas daraaddeed aad u dhiirranaada inaad xajisaan oo yeeshaan kulli waxa ku qoran kitaabkii sharcigii Muuse, iyo inaydnaan sharcigaas uga leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.

7. Oo iska jira inaydnaan quruumahaas dhex iman, kuwaasoo ah kuwa idinku dhex hadhay, oo magacyada ilaahyadoodana marnaba ha soo hadalqaadina, ninnana ha ku dhaaranina, hana u adeegina, hana u sujuudina kolnaba,

8. laakiin Rabbiga Ilaahiinna ah aad u sii xajista sidaad ilaa maantadan la joogo yeesheen.

9. Waayo, Rabbigu wuxuu hortiinna ka eryay quruumo waaweyn oo xoog badan; oo weliba idinka ninna idinma hor istaagin ilaa maantadan la joogo.

10. Nin keliya oo idinka mid ahu kun buu eryi doonaa; waayo, kan idiin diriraa waa Rabbiga Ilaahiinna ah siduu idinkula hadlay.

11. Haddaba isjira oo jeclaada Rabbiga Ilaahiinna ah.

12. Haddaadse dib ugu noqotaan oo aad u xajisataan kuwa ka hadhay quruumahan, kuwaas oo ah kuwa idinku dhex hadhay, haddaad guursataan oo aad isdhex gashaan, oo iyana ay idin dhex galaan,

13. markaas xaqiiq ahaan u ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu mar dambe quruumahaas hortiinna ka eryayn, laakiinse waxay idinku noqon doonaan siriq iyo dabin, oo markaasay dhinacyada idinka karbaashi doonaan, oo indhahana qodxan idinkaga mudi doonaan, ilaa aad ka baabba'daan dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey.

14. Bal eega, maanta waxaan mari doonaa jidka dadka dhulka jooga oo dhan; idinkuna waad ku og tihiin qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan, inaan wax keliyuhu ka baaqan kulli wixii wanaagsanaa oo Rabbiga Ilaahiinna ahu xaggiinna kaga hadlay; laakiinse kulligood way idiin wada ahaadeen oo mid keliyuhu kama baaqan.

15. Oo siday waxyaalihii wanaagsanaa idiinku soo wada degeen, kuwaasoo ahaa kuwii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkula hadlay, ayaa Rabbigu idiinku soo dejin doonaa waxyaalaha sharka ah oo dhan, ilaa uu idinka baabbi'iyo dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey.

16. Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.

About YASHUUCA Chapter 23

Read YASHUUCA Chapter 23 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YASHUUCA in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: YASHUUCA
Chapter: 23
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading YASHUUCA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading YASHUUCA Chapter 23 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is YASHUUCA Chapter 23?

YASHUUCA Chapter 23 is part of the Book of YASHUUCA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete YASHUUCA Chapter 23 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from yashuuca

  1. YASHUUCA Chapter 24
  2. YASHUUCA Chapter 3
  3. YASHUUCA Chapter 1
  4. YASHUUCA Chapter 18
  5. YASHUUCA Chapter 9
  6. YASHUUCA Chapter 6
  7. YASHUUCA Chapter 10

Related Chapters & Readings

  1. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 10
  2. ROOMA Chapter 11
  3. 1 YOOXANAA Chapter 5
  4. SABUURRADII Chapter 76
  5. TIRINTII Chapter 9
  6. XAAKINNADA Chapter 2
  7. MATAYOS Chapter 28
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *