Read SAMUU'EEL LABAA Chapter 4 Online
Read SAMUU’EEL LABAA Chapter 4 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SAMUU’EEL LABAA in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SAMUU’EEL LABAA and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
SAMUU'EEL LABAA 4
Cutub 4
1. Oo Saa'uul wiilkiisii Iishboshed ahaa markuu maqlay in Abneer Xebroon ku dhintay ayaa gacmihiisii taag beeleen, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way nexeen.
2. Oo Saa'uul wiilkiisii Iishboshed ahaana wuxuu lahaa laba nin oo askartiisa saraakiil u ahaa. Mid magiciisu wuxuu ahaa Bacanaah, oo kan kale magiciisuna wuxuu ahaa Reekaab, oo waxayna ahaayeen ilmo Rimmon kii reer Bi'irod, oo waxayna ahaayeen reer Benyaamiin (waayo, Bi'irod waxaa lagu tiriyey reer Benyaamiin,
3. oo reer Bi'irodna waxay u carareen xagga Gitayim, oo halkaasay degganaayeen ilaa maantadan).
4. Yoonaataan ina Saa'uul wuxuu lahaa wiil curyaan ah. Oo isagu shan jir buu ahaa markii war ku saabsan Saa'uul iyo Yoonaataan Yesreceel laga keenay, ee ay naagtii isaga dhawraysay kor u qaadatay, oo carartay. Oo intay ku degdegaysay inay cararto ayuu ka dhacay, oo markaasuu curyaan noqday. Oo magiciisuna wuxuu ahaa Mefiiboshed.
5. Oo Rimmonkii reer Bi'irod wiilashiisii oo ahaa Reekaab iyo Bacanaah way tageen, oo wakhti kulul ayay gurigii Iishboshed yimaadeen, isagoo hadhkii nasanaya.
6. Oo gurigay soo galeen, sidii iyagoo sarreen qaadanaya; markaasay caloosha ka dooxeen. Markaasaa Reekaab iyo walaalkiis Bacanaah baxsadeen.
7. Markay guriga soo galeen, isagoo sariirta ku jiifa oo qolka la seexdo ku jira, ayay garaaceen oo dileen, oo madaxiina way ka gooyeen oo la tageen, markaasay jidkii Caraabaah habeenkii oo dhan sii guuraynayeen.
8. Oo Iishboshed madaxiisii ayay Daa'uud ugu keeneen Xebroon, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg madaxii Iishboshed ee uu dhalay Saa'uul kii cadowgaaga ahaa oo doonayay inuu nafta kaa qaado; haddaba sayidkaygiiyow, boqorow, Rabbigu maanta waa kaaga aar guday Saa'uul iyo farcankiisiiba.
9. Markaasaa Daa'uud ugu jawaabay Reekaab iyo walaalkiis Bacanaah, oo ahaa ilma Rimmonkii reer Bi'irod, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbigii naftayda ka badbaadshay cidhiidhi oo dhan,
10. markii mid ii soo sheegay inuu Saa'uul dhintay, isagoo u malaynaya inuu war wanaagsan ii sido, waan qabtay oo Siiqlag baan ku dilay, taasuna waxay ahayd abaalgudkii aan warkiisii ka siiyey.
11. Haddaba idinkoo ah niman shar leh, markaad disheen qof xaq ah oo sariirtii gurigiisa ku jiifa, miyaanan in ka sii badan dhiiggiisii gacmihiinna weyddiinayn, oo miyaanan dhulka idinka qaadayn?
12. Markaasaa Daa'uud amray raggiisii dhallinyarada ahaa, wayna dileen iyagii, oo waxay ka jareen gacmihii iyo cagihii, oo ka soo lalmiyeen balliga Xebroon ku yaal agtiisa. Laakiinse Iishboshed madaxiisii intay qaadeen ayay ku aaseen qabrigii Abneer oo Xebroon ku yiil.
About SAMUU'EEL LABAA Chapter 4
Read SAMUU’EEL LABAA Chapter 4 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SAMUU’EEL LABAA in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: SAMUU’EEL LABAA
Chapter: 4
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SAMUU’EEL LABAA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading SAMUU’EEL LABAA Chapter 4 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is SAMUU'EEL LABAA Chapter 4?
SAMUU’EEL LABAA Chapter 4 is part of the Book of SAMUU’EEL LABAA in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete SAMUU’EEL LABAA Chapter 4 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from samuu'eel-labaa
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 16
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 12
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 15
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 22
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 14
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 5
- SAMUU’EEL LABAA Chapter 11