SAMUU’EEL LABAA Chapter 24

For English

Read SAMUU'EEL LABAA Chapter 24 Online

Read SAMUU’EEL LABAA Chapter 24 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SAMUU’EEL LABAA in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SAMUU’EEL LABAA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

SAMUU'EEL LABAA 24

Cutub 24

1. Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah.

2. Markaasaa boqorkii ku yidhi Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidanka oo isaga la joogay, Horay iyo dib u dhex mar qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo dadka soo tiriya si aan u ogaado dadka tiradiisa.

3. Markaasaa Yoo'aab boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha badiyo dadka, oo in kastoo ay yihiinba, ha ku daro boqol jibbaar, oo indhahaagu, boqorow, sayidkaygiiyow, taas ha arkeen; laakiinse maxaad taas ugu farxaysaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

4. Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalladii Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankaba. Markaasaa Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankuba boqorka hortiisii ka tageen inay dadkii soo tiriyaan.

5. Oo waxay ka gudbeen Webi Urdun, oo degeen Carooceer, oo ku taal xagga midigta oo magaalada ku dhex taal dooxadii Gaad, iyo tan iyo Yacser,

6. oo haddana waxay yimaadeen Gilecaad, iyo ilaa dalkii Taxtiim Xodshii; oo waxay yimaadeen Daan Yacan, iyo Siidoon hareeraheeda,

7. oo waxay yimaadeen dhufayskii Turos, iyo magaalooyinkii reer Xiwi iyo reer Kancaan oo dhan; oo waxay tageen xagga koonfureed oo dalka Yahuudah ilaa Bi'ir Shebac.

8. Haddaba markay dalkii oo dhan horay iyo dib u dhex mareen ayay Yeruusaalem ku soo noqdeen sagaal bilood iyo labaatan maalmood dabadood.

9. Markaasaa Yoo'aab boqorkii siiyey tiradii dadka; oo waxaa dalka Israa'iil ku jiray siddeed boqol oo kun oo nin oo seefqaad ah oo xoog leh; oo waxaa dalka Yahuudahna ku jiray shan boqol oo kun oo nin.

10. Oo Daa'uudna qalbigiisii ayaa naxay markuu dadka tiriyey dabadeed. Markaasaa Daa'uud Rabbiga ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay; haddaba Rabbiyow, waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey.

11. Oo markii Daa'uud subixii toosay ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Gaad, oo ahaa Daa'uud wax arkihiisa, oo wuxuu yidhi,

12. Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo.

13. Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa'uud u yimid, oo intuu u warramay ayuu ku yidhi, Toddoba sannadood dalkaaga abaari ma kuugu soo degtaa? Mase saddex bilood baad cadaawayaashaada ka cararaysaa iyagoo ku eryanaya? Mase saddex maalmood baa belaayo dalkaaga lagu soo dejiyaa? Haddaba tasho, oo ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray.

14. Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa; haddaba Rabbiga gacantiisa aan ku dhacno; waayo, naxariistiisu waa badan tahay; laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin.

15. Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, taasoo timid subaxdii iyo ilaa wakhtigii loo qabtay; oo ilaa Daan iyo tan iyo Bi'ir Shebac waxaa dadkii ka dhintay toddobaatan kun oo nin.

16. Markii malaggii gacanta u fidiyey inuu baabbi'iyo Yeruusaalem ayaa Rabbigu belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu ku yidhi malaggii dadka baabbi'inayay, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbiguna wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Arawnaah kii reer Yebuus lahaa.

17. Markaasaa Daa'uud wuxuu la hadlay Rabbiga kolkuu arkay malaggii dadka laayay, oo yidhi, Bal eeg, waan dembaabay, oo wax qalloocan baan sameeyey, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay.

18. Oo Gaadna maalintaas ayuu Daa'uud u yimid, oo ku yidhi, Tag, oo Rabbiga meel allabari uga dhis meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray ee Arawnaahkii reer Yebuus.

19. Oo Daa'uud baa ku tegey wixii uu Gaad ku yidhi iyo sidii Rabbigu ku amray.

20. Oo Arawnaah ayaa arkay boqorkii iyo addoommadiisii oo xaggiisa u soo socda; markaasaa Arawnaah soo baxay, oo boqorka hortiisii ayuu ku sujuuday, wejigana dhulkuu saaray.

21. Oo Arawnaah wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, maxaad iigu timid anoo addoonkaaga ah? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaan kuugu imid inaan kaa iibsado meesha wax lagu tumo, si aan Rabbiga uga dhiso meel allabari inay belaayadu dadka ka joogsato.

22. Oo Arawnaahna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, qaado oo Ilaah u bixi wax alla wixii kula wanaagsan; bal eeg, waa kuwan dibidii qurbaanka la gubo, waana kuwan alaabtii wax lagu tumayay iyo alaabtii dibidu si ay qoryihii u noqdaan.

23. Boqorow, waxan oo dhan anoo Arawnaah ah ayaan ku siinayaa. Oo Arawnaah wuxuu boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha ku aqbalo.

24. Markaasaa boqorkii wuxuu Arawnaah ku yidhi, Maya, laakiinse sida runta ah qiimaan kaaga iibsanayaa, oo Rabbiga Ilaahayga ahna qurbaanno la gubo ugu bixin maayo wax aanan waxba ka bixin. Haddaba Daa'uud wuxuu meeshii wax lagu tumi jiray iyo dibidiiba ku iibsaday konton sheqel oo lacag ah.

25. Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino. Haddaba Rabbigu waa aqbalay baryadii dalkii loo baryay, oo belaayadiina dalkii way ka joogsatay.

About SAMUU'EEL LABAA Chapter 24

Read SAMUU’EEL LABAA Chapter 24 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SAMUU’EEL LABAA in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: SAMUU’EEL LABAA
Chapter: 24
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SAMUU’EEL LABAA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading SAMUU’EEL LABAA Chapter 24 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is SAMUU'EEL LABAA Chapter 24?

SAMUU’EEL LABAA Chapter 24 is part of the Book of SAMUU’EEL LABAA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete SAMUU’EEL LABAA Chapter 24 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from samuu'eel-labaa

  1. SAMUU’EEL LABAA Chapter 7
  2. SAMUU’EEL LABAA Chapter 3
  3. SAMUU’EEL LABAA Chapter 20
  4. SAMUU’EEL LABAA Chapter 9
  5. SAMUU’EEL LABAA Chapter 17
  6. SAMUU’EEL LABAA Chapter 12
  7. SAMUU’EEL LABAA Chapter 15

Related Chapters & Readings

  1. AYUUB Chapter 8
  2. ISHACYAAH Chapter 42
  3. SABUURRADII Chapter 106
  4. NEXEMYAAH Chapter 13
  5. FALIMAHA RASUUL Chapter 12
  6. SAMUU’EEL LABAA Chapter 13
  7. SAMUU’EEL LABAA Chapter 18
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *