Read SAMUU'EEL KOWAA Chapter 7 Online
Read SAMUU’EEL KOWAA Chapter 7 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SAMUU’EEL KOWAA in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SAMUU’EEL KOWAA and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
SAMUU'EEL KOWAA 7
Cutub 7
1. Markaasaa waxaa yimid dadkii reer Qiryad Yecaariim, oo waxay qaateen sanduuqii Rabbiga, oo waxay soo geliyeen gurigii Abiinaadaab ee buurta ku yiil, oo waxay quduus ka dhigeen wiilkiisii Elecaasaar inuu hayo sanduuqii Rabbiga.
2. Oo ilaa maalintii sanduuqu yiil Qiryad Yecaariim wakhtigu waa dheeraa, maxaa yeelay, waxay ahayd labaatan sannadood, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga ayay ka daba barooran jireen.
3. Markaasaa Samuu'eel wuxuu la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigiinna oo dhan Rabbiga ugu soo noqotaan, de haddaba dhexdiinna ka fogeeya ilaahyada qalaad iyo Cashtarod, oo qalbiyadiinna u diyaariya Rabbiga oo keligiis u adeega; oo isna wuu idinka samatabbixin doonaa gacanta reer Falastiin.
4. Markaasaa reer binu Israa'iil iska fogeeyeen Bacaliim iyo Cashtarod, oo waxay u adeegeen Rabbiga keliya.
5. Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil oo dhan Misfaah ku soo wada ururiya, oo anna Rabbigaan idiin baryayaa.
6. Markaasay dhammaantood Misfaah ku soo wada urureen, oo intay biyo soo dhaamiyeen ayay Rabbiga hortiisa ku shubeen, oo maalintaasna way soomeen, oo waxay halkaas ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu ku dembaabnay Rabbiga. Oo Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil ku xukumi jiray Misfaah.
7. Oo reer Falastiinna markay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah ku urursan yihiin ayaa madaxdii reer Falastiin u kaceen inay ku soo duulaan reer binu Israa'iil. Oo reer binu Israa'iilna markay taas maqleen ayay aad uga cabsadeen reer Falastiin.
8. Oo reer binu Israa'iilna waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Ha joojin inaad noo baridid Rabbiga Ilaaheenna ahu inuu naga badbaadiyo gacanta reer Falastiin.
9. Markaasaa Samuu'eel soo kaxaystay wan yar oo caanonuug ah oo wuxuu Rabbiga ugu bixiyey allabari la gubo dhammaantiis; markaasaa Samuu'eel Rabbiga u baryay reer binu Israa'iil aawadood; oo Rabbiguna wuu ka aqbalay Samuu'eel.
10. Oo intii Samuu'eel allabariga la gubo bixinayay ayaa reer Falastiin soo dhowaadeen inay la diriraan reer binu Israa'iil; laakiinse Rabbigu maalintaas wuxuu reer Falastiin ku soo daayay onkod weyn, wuuna baabbi'iyey, oo reer binu Israa'iil hortooday ku jabeen.
11. Kolkaasay raggii reer binu Israa'iil intay Misfaah ka soo baxeen reer Falastiin eryadeen, wayna laynayeen ilaa ay Beytkaar hoosteeda yimaadeen.
12. Markaasaa Samuu'eel dhagax qaaday oo qotomiyey Misfaah iyo Sheen dhexdooda, oo wuxuu magiciisiina u bixiyey Ebenceser, oo yidhi, Ilaa haatan Rabbigu waa ina caawiyey.
13. Sidaas daraaddeed reer Falastiin waa la hoosaysiiyey, oo mar dambena sooma ay gelin xuduudkii reer binu Israa'iil; oo intii Samuu'eel noolaa oo dhan gacanta Rabbigu gees bay ka ahayd reer Falastiin.
14. Oo magaalooyinkii reer Falastiin ay ka qabsadeen reer binu Israa'iil waa loo soo celiyey reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen Ceqroon iyo xataa tan iyo Gad; oo xuduudkeedii reer binu Israa'iil waa kala soo baxeen gacantii reer Falastiin. Oo reer binu Israa'iil iyo reer Amorna nabad baa u dhexaysay.
15. Oo Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil xukumi jiray intuu noolaa oo dhan.
16. Oo sannad kastaba wuxuu ku soo wareegi jiray Beytel, iyo Gilgaal, iyo Misfaah, oo meelahaas oo dhanna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray.
17. Oo wuxuu ku noqon jiray Raamaah, waayo, halkaasuu gurigiisu ahaa, oo halkaasna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray; oo halkaasna wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari.
About SAMUU'EEL KOWAA Chapter 7
Read SAMUU’EEL KOWAA Chapter 7 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SAMUU’EEL KOWAA in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: SAMUU’EEL KOWAA
Chapter: 7
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SAMUU’EEL KOWAA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading SAMUU’EEL KOWAA Chapter 7 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is SAMUU'EEL KOWAA Chapter 7?
SAMUU’EEL KOWAA Chapter 7 is part of the Book of SAMUU’EEL KOWAA in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete SAMUU’EEL KOWAA Chapter 7 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from samuu'eel-kowaa
- SAMUU’EEL KOWAA Chapter 24
- SAMUU’EEL KOWAA Chapter 10
- SAMUU’EEL KOWAA Chapter 1
- SAMUU’EEL KOWAA Chapter 3
- SAMUU’EEL KOWAA Chapter 26
- SAMUU’EEL KOWAA Chapter 15
- SAMUU’EEL KOWAA Chapter 23